Suuradda 80aad ee 114 · Makki

Suuradda Cabasa (Wuu Wejiga Kala Turxiyay)

سُورَةُ عَبَسَ
42 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
1. (Wejiguu) kuduuday oo jeesaday (Nebiga s.c.w),
Xiriir 80:1
2
أَن جَآءَهُ ٱلْأَعْمَىٰ
2. Inuu u yimid indhoolihii [1] darteed,
Faallooyin hoose[1]. Waa Cabdullaah ibn Um Maktuum a.k.r.
Xiriir 80:2
3
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ
3. Miyaadse ogtahay waa intaasoo uu dooni inuu hanuuno oo is daahiriyo,
Xiriir 80:3
4
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكْرَىٰٓ
4. Ama waansamo, oo waanadu anfacdo.
Xiriir 80:4
5
أَمَّا مَنِ ٱسْتَغْنَىٰ
5. Kan is deeqtoonsiiya (ee isla weyn),
Xiriir 80:5
6
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ
6. Miyaad adigu u banbixi,
Xiriir 80:6
7
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
7. Eedna kaama saarna hadduusan hanuunin oo daahirin naftiisa,
Xiriir 80:7
8
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسْعَىٰ
8. Kan se kuu yimid isagoo dadaalaya,
Xiriir 80:8
9
وَهُوَ يَخْشَىٰ
9. Oo (Alle ka) baqa,
Xiriir 80:9
10
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ
10. Miyaad adigu ka mashquuli.
Xiriir 80:10
11
كَلَّآ إِنَّهَا تَذْكِرَةٌۭ
11. Mayee, Aayadahani waa waano.
Xiriir 80:11
12
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
12. Ee qofkii doona ha ku waano qaato.
Xiriir 80:12
13
فِى صُحُفٍۢ مُّكَرَّمَةٍۢ
13. Waxay ku sugan tahay (waanadan) kutub la sharfay (Looxa Maxfuudka).
Xiriir 80:13
14
مَّرْفُوعَةٍۢ مُّطَهَّرَةٍۭ
14. Kor ah, la dahiray.
Xiriir 80:14
15
بِأَيْدِى سَفَرَةٍۢ
15. Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig).
Xiriir 80:15
16
كِرَامٍۭ بَرَرَةٍۢ
16. Sharaf leh oo baariyaal ah.
Xiriir 80:16
17
قُتِلَ ٱلْإِنسَـٰنُ مَآ أَكْفَرَهُۥ
17. Belo ha ku dhacdo aadmigee (waa kan gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay!
Xiriir 80:17
18
مِنْ أَىِّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ
18. Muxuu Alle ka abuuray?
Xiriir 80:18
19
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ
19. Dhibic mani ah buu ka abuuray wuuna ekeeyey.
Xiriir 80:19
20
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ
20. Markaas uga dhigay sahal dhabbaha [2];
Faallooyin hoose[2]. Waa ka soo bixitaanka uurka hooyadi ama dhabbaha nolosha Ama jidka hanuunka.
Xiriir 80:20
21
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقْبَرَهُۥ
21. Markaasuu sababaa inuu dhinto, oo qabri lagu aaso;
Xiriir 80:21
22
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ
22. Markuu doonana wuu soo bixin.
Xiriir 80:22
23
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَآ أَمَرَهُۥ
23. Mayee, ma uusan yeelin wuxuu amray.
Xiriir 80:23
24
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَـٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ
24. Ee qofku bal ha eego cunnadiisa.
Xiriir 80:24
25
اَنَّا صَبَبْنَا ٱلْمَآءَ صَبًّۭا
25. Annagaa soo shubna biyaha (roobka) soo shubid badan,
Xiriir 80:25
26
ثُمَّ شَقَقْنَا ٱلْأَرْضَ شَقًّۭا
26. Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin.
Xiriir 80:26
27
فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا حَبًّۭا
27. Oo ka soo bixinnaa hadhuudh,
Xiriir 80:27
28
وَعِنَبًۭا وَقَضْبًۭا
28. Iyo cinab iyo naq.
Xiriir 80:28
29
وَزَيْتُونًۭا وَنَخْلًۭا
29. Iyo zaytuun iyo geedo timireed.
Xiriir 80:29
30
وَحَدَآئِقَ غُلْبًۭا
30. Iyo beero tanaad ah.
Xiriir 80:30
31
وَفَـٰكِهَةًۭ وَأَبًّۭا
31. Iyo midho iyo caws.
Xiriir 80:31
32
مَّتَـٰعًۭا لَّكُمْ وَلِأَنْعَـٰمِكُمْ
32. Sahay aad leedihiin ah idinka iyo xoolihiinnuba.
Xiriir 80:32
33
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ
33. Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo (afuufka labaad ee Buunka).
Xiriir 80:33
34
يَوْمَ يَفِرُّ ٱلْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ
34. Maalinta uu qofku ka carari walaalki,
Xiriir 80:34
35
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ
35. Iyo hooyadi iyo aabbihi.
Xiriir 80:35
36
وَصَـٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ
36. Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa,
Xiriir 80:36
37
لِكُلِّ ٱمْرِئٍۢ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍۢ شَأْنٌۭ يُغْنِيهِ
37. Qof walba oo ka mid ah Maalinkaas waxaa heysan arrin ku filan.
Xiriir 80:37
38
وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ مُّسْفِرَةٌۭ
38. Wejiyo (qaar) Maalinkaas way ifi.
Xiriir 80:38
39
ضَاحِكَةٌۭ مُّسْتَبْشِرَةٌۭ
39. Iyagoo qosli ku faraxsan (Jannada) loogu bishaareyey.
Xiriir 80:39
40
وَوُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌۭ
40. Wejiyona Maalinkaas (Qiyaame) waxay ahaan kuwo booreysan dulli ka muuqdo;
Xiriir 80:40
41
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ
41. Mugdi baa dabooli (iyo naxdin).
Xiriir 80:41
42
أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَفَرَةُ ٱلْفَجَرَةُ
42. Kuwaasi waa kuwa ah gaalada, denbiilayaasha.
Xiriir 80:42

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash