Suuradda 79aad ee 114 · Makki

Suuradda An-Naazicaat (Kuwa Soo Siiba)

سُورَةُ النَّازِعَاتِ
46 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
وَٱلنَّـٰزِعَـٰتِ غَرْقًۭا
1. Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada).
Xiriir 79:1
2
وَٱلنَّـٰشِطَـٰتِ نَشْطًۭا
2. Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada).
Xiriir 79:2
3
وَٱلسَّـٰبِحَـٰتِ سَبْحًۭا
3. Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle).
Xiriir 79:3
4
فَٱلسَّـٰبِقَـٰتِ سَبْقًۭا
4. Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn.
Xiriir 79:4
5
فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًۭا
5. Iyo 'malaa'igta' isku duwa arrin 'walba' [1]
Faallooyin hoose[1]. Si waafaqsan amarka Alle, in dadow la idin soo bixin oo xisaabin Aakhirada.
Xiriir 79:5
6
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
6. Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka).
Xiriir 79:6
7
تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
7. Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad).
Xiriir 79:7
8
قُلُوبٌۭ يَوْمَئِذٍۢ وَاجِفَةٌ
8. Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri.
Xiriir 79:8
9
أَبْصَـٰرُهَا خَـٰشِعَةٌۭ
9. Indhahoodu dulleysnaan.
Xiriir 79:9
10
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
10. Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)?
Xiriir 79:10
11
أَءِذَا كُنَّا عِظَـٰمًۭا نَّخِرَةًۭ
11. Ma markaan noqonno lafo bololay?
Xiriir 79:11
12
قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًۭا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌۭ
12. Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah.
Xiriir 79:12
13
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌۭ وَٰحِدَةٌۭ
13. Waase hal Qeylo keliya.
Xiriir 79:13
14
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
14. Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib).
Xiriir 79:14
15
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
15. Ma ku soo gaaray warkii Muuse?
Xiriir 79:15
16
إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
16. Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa.
Xiriir 79:16
17
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
17. Aad Fircoon, wuu xadgudbaye.
Xiriir 79:17
18
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
18. Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad iska daahiriso (shirkiga iyo macaasida)?
Xiriir 79:18
19
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
19. Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa si aad uga baqdo?.
Xiriir 79:19
20
فَأَرَىٰهُ ٱلْـَٔايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
20. Markaasuu tusay Calaamddii Weyneyd [2].
Faallooyin hoose[2]. Gacantii ifeysay ama ushii maska weyn noqoneysay.
Xiriir 79:20
21
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
21. (Fircoon) se wuu beeniyey oo caasiyey.
Xiriir 79:21
22
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
22. Markaasuu dib u jeestay isagoo (xumaan u) socda.
Xiriir 79:22
23
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
23. Oo soo kulmiyey (dadkiisii) oo kor u dhawaaqay.
Xiriir 79:23
24
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ
24. Oo yidhi: Waa aniga rabbigiin, sarreeya.
Xiriir 79:24
25
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ
25. Markaasuu Alle ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe (sheegashadiisa ilaahnimo) iyo tii hore darteed (beeninta Muuse).
Xiriir 79:25
26
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةًۭ لِّمَن يَخْشَىٰٓ
26. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan cibrad (digniin) qof kastoo ka baqa Alle.
Xiriir 79:26
27
ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ ۚ بَنَىٰهَا
27. Ma idinkaa adag abuur ahaan, mise samada, wuu dhisay.
Xiriir 79:27
28
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا
28.Wuxuu (samada) kor yeelay jurmigeeda oo waliba simay.
Xiriir 79:28
29
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا
29. Oo ka yeelay mugdi habeenkeeda oo soo bixiyey maalinteeda (ifiyey).
Xiriir 79:29
30
وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
30. Dhulka markaa kaddib fidshay.
Xiriir 79:30
31
أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا
31. Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda;
Xiriir 79:31
32
وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا
32. Buurahana wuu dhidbay;
Xiriir 79:32
33
مَتَـٰعًۭا لَّكُمْ وَلِأَنْعَـٰمِكُمْ
33. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba.
Xiriir 79:33
34
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ
34. Markase ay timaaddo musiibada weyni.
Xiriir 79:34
35
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ مَا سَعَىٰ
35. Maalinka uu Aadmigu xusuusan wuxuu falay oo dhan.
Xiriir 79:35
36
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
36. Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya,
Xiriir 79:36
37
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
37. Ma qofkii xad gudba.
Xiriir 79:37
38
وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
38. Oo door bida nolosha adduunkan.
Xiriir 79:38
39
فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
39. Hubaal Naarta waa hoygiisa.
Xiriir 79:39
40
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ
40. Qofkiise ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta hawa raaca.
Xiriir 79:40
41
فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
41. Hubaal Jannada - waa hoygiisa.
Xiriir 79:41
42
يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا
42. Waxay wax kaa weydiin (Nabiyow) Saacadda (Qiyaame) goortay tahay.
Xiriir 79:42
43
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ
43. Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda? Waxaad tahay mid ka mid ah calaamadaha soo dhowaanshaheeda.
Xiriir 79:43
44
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
44. Waa xagga Rabbigaa halkay ku dhammaan (ogaanshaheeda).
Xiriir 79:44
45
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا
45. Waxaad uun tahay (Nabiyow) u dige kuwa ka baqa.
Xiriir 79:45
46
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا
46. Maalinta ay arkayaan waxay ahaan sida inaysan ku nagaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed.
Xiriir 79:46

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash