Suuradda 81aad ee 114 · Makki

Suuradda At-Takwiir (Duubidda)

سُورَةُ التَّكۡوِيرِ
29 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ
1. Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),
Xiriir 81:1
2
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتْ
2. Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),
Xiriir 81:2
3
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ سُيِّرَتْ
3. Oo buuraha la rujiyo 'oo budo noqdaan'.
Xiriir 81:3
4
وَإِذَا ٱلْعِشَارُ عُطِّلَتْ
4. Oo geela rimman [1] la cidleeyo (oo laga hayaamo).
Faallooyin hoose[1]. Qofka waxa uu maal ugu jecel yahay.
Xiriir 81:4
5
وَإِذَا ٱلْوُحُوشُ حُشِرَتْ
5. Oo dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).
Xiriir 81:5
6
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ سُجِّرَتْ
6. Oo badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);
Xiriir 81:6
7
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتْ
7. Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii [2];
Faallooyin hoose[2]. Macno kale lagu lammaansho eynigood iyo waxay is leeyihiin oo la mid ah.
Xiriir 81:7
8
وَإِذَا ٱلْمَوْءُۥدَةُ سُئِلَتْ
8.Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,
Xiriir 81:8
9
بِأَىِّ ذَنۢبٍۢ قُتِلَتْ
9. Maxaa denbi ahoo loo dilay?
Xiriir 81:9
10
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتْ
10. Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.
Xiriir 81:10
11
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتْ
11. Oo samada laga rujiyo meesheeda,
Xiriir 81:11
12
وَإِذَا ٱلْجَحِيمُ سُعِّرَتْ
12. Oo Naarta la huriyo.
Xiriir 81:12
13
وَإِذَا ٱلْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ
13. Oo Jannada la soo dhoweeyo.
Xiriir 81:13
14
عَلِمَتْ نَفْسٌۭ مَّآ أَحْضَرَتْ
14. Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).
Xiriir 81:14
15
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلْخُنَّسِ
15. Waxaan ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).
Xiriir 81:15
16
ٱلْجَوَارِ ٱلْكُنَّسِ
16. Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).
Xiriir 81:16
17
وَٱلَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ
17. Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).
Xiriir 81:17
18
وَٱلصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ
18. Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).
Xiriir 81:18
19
إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍۢ كَرِيمٍۢ
19. Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal 'Alle' uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).
Xiriir 81:19
20
ذِى قُوَّةٍ عِندَ ذِى ٱلْعَرْشِ مَكِينٍۢ
20. Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,
Xiriir 81:20
21
مُّطَاعٍۢ ثَمَّ أَمِينٍۢ
21. La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.
Xiriir 81:21
22
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجْنُونٍۢ
22. Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.
Xiriir 81:22
23
وَلَقَدْ رَءَاهُ بِٱلْأُفُقِ ٱلْمُبِينِ
23. Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).
Xiriir 81:23
24
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلْغَيْبِ بِضَنِينٍۢ
24. Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada 'bakheyla amaba looga shakiyo' cilmiga ku saabsan Ghaybka 'ee Qarsoon'.
Xiriir 81:24
25
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَـٰنٍۢ رَّجِيمٍۢ
25. (Qur’aankuna) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).
Xiriir 81:25
26
فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ
26. Ee xaggee 'gaalooy' aadeysaan?
Xiriir 81:26
27
إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌۭ لِّلْعَـٰلَمِينَ
27. (Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.
Xiriir 81:27
28
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ
28. Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).
Xiriir 81:28
29
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
29. Oo waxna ma dooni kartaan wuxuu Alle doono maahee, Rabbiga uumanka.
Xiriir 81:29

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash