Suuradda 89aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Fajr (Waaberiga)

سُورَةُ الفَجۡرِ
30 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
وَٱلْفَجْرِ
1. Waxaan ku dhaartay waaberiga,
Xiriir 89:1
2
وَلَيَالٍ عَشْرٍۢ
2. Iyo habeennada tobanka ah [1].
Faallooyin hoose[1]. Tobanka maalmood ee u horreeya bisha Arrafo (Xajka).
Xiriir 89:2
3
وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ
3.Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer).
Xiriir 89:3
4
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَسْرِ
4. Iyo habeenka markuu (soo galo ama) baxo.
Xiriir 89:4
5
هَلْ فِى ذَٰلِكَ قَسَمٌۭ لِّذِى حِجْرٍ
5. Miyey dhaarahaasi ahayn wax uu ku qanco in loogu dhaarto qof caqli leh?
Xiriir 89:5
6
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ
6. Mawaadan ogaan sida (Alle) Rabbigaa u galay (reer) Caad?
Xiriir 89:6
7
إِرَمَ ذَاتِ ٱلْعِمَادِ
7. Qolodii Iram, ee xoogga lahaa, aadna u dhaadheeraa [2].
Faallooyin hoose[2]. Sidoo kale lahaa dhismooyin dhaadheer iyo waddooyin habeysan.
Xiriir 89:7
8
ٱلَّتِى لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِى ٱلْبِلَـٰدِ
8. Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka.
Xiriir 89:8
9
وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُوا۟ ٱلصَّخْرَ بِٱلْوَادِ
9. Iyo (siduu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad).
Xiriir 89:9
10
وَفِرْعَوْنَ ذِى ٱلْأَوْتَادِ
10. Iyo (siduu u galay) Fircoon, ee tiirarka lahaa (iyo ciidammada tirada badan)?
Xiriir 89:10
11
ٱلَّذِينَ طَغَوْا۟ فِى ٱلْبِلَـٰدِ
11. Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka.
Xiriir 89:11
12
فَأَكْثَرُوا۟ فِيهَا ٱلْفَسَادَ
12. Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda?
Xiriir 89:12
13
فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ
13. Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah.
Xiriir 89:13
14
إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلْمِرْصَادِ
14. Xaqiiq, Rabbigaa baa u jeeda (addoomahiisa) oo gaar ka haya.
Xiriir 89:14
15
فَأَمَّا ٱلْإِنسَـٰنُ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكْرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَكْرَمَنِ
15. Aadmiga (kan gaalka ahi), markuu Rabbigi imtixaano oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay.
Xiriir 89:15
16
وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَهَـٰنَنِ
16. Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday.
Xiriir 89:16
17
كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ ٱلْيَتِيمَ
17. Mayee’ ma daryeeshaan agoonka.
Xiriir 89:17
18
وَلَا تَحَـٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
18. Oo iskuma boorrisaan in masaakiinta wax la siiyo.
Xiriir 89:18
19
وَتَأْكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكْلًۭا لَّمًّۭا
19. Waxaadna cuntaan dhaxalka cunid xaqdarro ah.
Xiriir 89:19
20
وَتُحِبُّونَ ٱلْمَالَ حُبًّۭا جَمًّۭا
20. Oo aad jeceshihiin maalka jaceyl daran.
Xiriir 89:20
21
كَلَّآ إِذَا دُكَّتِ ٱلْأَرْضُ دَكًّۭا دَكًّۭا
21. Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo,
Xiriir 89:21
22
وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلْمَلَكُ صَفًّۭا صَفًّۭا
22. Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah.
Xiriir 89:22
23
وَجِا۟ىٓءَ يَوْمَئِذٍۭ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍۢ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكْرَىٰ
23. Oo la keeno Maalintaas Naarta. Maalintaas buu Aadmigu (gaalku) waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari?
Xiriir 89:23
24
يَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى قَدَّمْتُ لِحَيَاتِى
24. Wuxuu odhan: Alla haddaan u soo hormarsan lahaa wanaag noloshaydatan (Aakhirada).
Xiriir 89:24
25
فَيَوْمَئِذٍۢ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٌۭ
25. Maalintaas, cidna wax uma cadaabto (si daran sida) Cadaabka (Alle) oo kale.
Xiriir 89:25
26
وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٌۭ
26. Cidna wax uma xidho (si adag sida), Xidhidda (Alle) oo kale.
Xiriir 89:26
27
يَـٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفْسُ ٱلْمُطْمَئِنَّةُ
27. (Waxaa lagu odhan mu'minka): Naf yahay xasillooneey.
Xiriir 89:27
28
ٱرْجِعِىٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةًۭ مَّرْضِيَّةًۭ
28. U noqo Rabbigaa, adigoo raalli ah oo raalli lagaa yahay.
Xiriir 89:28
29
فَٱدْخُلِى فِى عِبَـٰدِى
29. Ee gal addoomaheyga (wanaagsan) dhexdood.
Xiriir 89:29
30
وَٱدْخُلِى جَنَّتِى
30. Gal Jannadeyda.
Xiriir 89:30

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash