Suuradda 90aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Balad (Magaalada)

سُورَةُ البَلَدِ
20 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
لَآ أُقْسِمُ بِهَـٰذَا ٱلْبَلَدِ
1. Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).
Xiriir 90:1
2
وَأَنتَ حِلٌّۢ بِهَـٰذَا ٱلْبَلَدِ
2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan [1] (aad horey u degganeyd).
Faallooyin hoose[1]. Nabigu s.c w. Wuxuu yidhi: Aniga waxaa la I banneeyey inaan kula dagaalo (gaalada mushrikiinta ah) saacad keliya Makkah, haddana xurmadeedda waa sidii hore." Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi maalintii furashada Makkah: Beledkan Alle waa caagay, waa inaan la goyn qodaxdiisa, oo la didin ugaadhiisa, oo la qaadan wixii ku luma oo dad ka dhaca qof naadinaya oo carrifaya maahee.
Xiriir 90:2
3
وَوَالِدٍۢ وَمَا وَلَدَ
3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo wiilkiisa 'Ismaaciil' [2].
Faallooyin hoose[2]. Waxaa kaloo lagu fasiray: Waa igu Aadam iyo durriyadiisa.
Xiriir 90:3
4
لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ فِى كَبَدٍ
4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).
Xiriir 90:4
5
أَيَحْسَبُ أَن لَّن يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌۭ
5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?
Xiriir 90:5
6
يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًۭا لُّبَدًا
6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan.
Xiriir 90:6
7
أَيَحْسَبُ أَن لَّمْ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ
7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?
Xiriir 90:7
8
أَلَمْ نَجْعَل لَّهُۥ عَيْنَيْنِ
8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?.
Xiriir 90:8
9
وَلِسَانًۭا وَشَفَتَيْنِ
9. Iyo carrab iyo labo bishimood?
Xiriir 90:9
10
وَهَدَيْنَـٰهُ ٱلنَّجْدَيْنِ
10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?.
Xiriir 90:10
11
فَلَا ٱقْتَحَمَ ٱلْعَقَبَةَ
11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?
Xiriir 90:11
12
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْعَقَبَةُ
12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah?
Xiriir 90:12
13
فَكُّ رَقَبَةٍ
13. Waa addoon la xoreeyo.
Xiriir 90:13
14
أَوْ إِطْعَـٰمٌۭ فِى يَوْمٍۢ ذِى مَسْغَبَةٍۢ
14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto.
Xiriir 90:14
15
يَتِيمًۭا ذَا مَقْرَبَةٍ
15. Agoon kuu dhow.
Xiriir 90:15
16
أَوْ مِسْكِينًۭا ذَا مَتْرَبَةٍۢ
16. Ama miskiin dhulka yaal.
Xiriir 90:16
17
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلْمَرْحَمَةِ
17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta).
Xiriir 90:17
18
أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ
18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada).
Xiriir 90:18
19
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا هُمْ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ
19. Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).
Xiriir 90:19
20
عَلَيْهِمْ نَارٌۭ مُّؤْصَدَةٌۢ
20. Waxaa lagu dabooli dushooda Naar (dab aan dameyn ah).
Xiriir 90:20

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash