Suuradda 53aad ee 114 · Makki

Suuradda An-Najm (Xiddigta)

سُورَةُ النَّجۡمِ
62 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
وَٱلنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ
1. Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.
Xiriir 53:1
2
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ
2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.
Xiriir 53:2
3
وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلْهَوَىٰٓ
3. Ma ku hadlo hawadiisa.
Xiriir 53:3
4
إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْىٌۭ يُوحَىٰ
4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.
Xiriir 53:4
5
عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلْقُوَىٰ
5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.
Xiriir 53:5
6
ذُو مِرَّةٍۢ فَٱسْتَوَىٰ
6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay 'waa Jabriil c.s.' [1].
Faallooyin hoose[1]. Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah.
Xiriir 53:6
7
وَهُوَ بِٱلْأُفُقِ ٱلْأَعْلَىٰ
7. Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare [2].
Faallooyin hoose[2]. Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa.
Xiriir 53:7
8
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.
Xiriir 53:8
9
فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ
9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.
Xiriir 53:9
10
فَأَوْحَىٰٓ إِلَىٰ عَبْدِهِۦ مَآ أَوْحَىٰ
10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday [3].
Faallooyin hoose[3]. Waa Qur'aanka.
Xiriir 53:10
11
مَا كَذَبَ ٱلْفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ
11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu arkay [4].
Faallooyin hoose[4]. Nabigu s.c.w habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi.
Xiriir 53:11
12
أَفَتُمَـٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).
Xiriir 53:12
13
وَلَقَدْ رَءَاهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ
13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.
Xiriir 53:13
14
عِندَ سِدْرَةِ ٱلْمُنتَهَىٰ
14. Dhammaadka xadka geedka gobka [5].
Faallooyin hoose[5]. Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad.
Xiriir 53:14
15
عِندَهَا جَنَّةُ ٱلْمَأْوَىٰٓ
15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.
Xiriir 53:15
16
إِذْ يَغْشَى ٱلسِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ
16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).
Xiriir 53:16
17
مَا زَاغَ ٱلْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.
Xiriir 53:17
18
لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ ءَايَـٰتِ رَبِّهِ ٱلْكُبْرَىٰٓ
18. Wuxuu xaqiiq wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.
Xiriir 53:18
19
أَفَرَءَيْتُمُ ٱللَّـٰتَ وَٱلْعُزَّىٰ
19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.
Xiriir 53:19
20
وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلْأُخْرَىٰٓ
20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale [6]?
Faallooyin hoose[6]. Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed.
Xiriir 53:20
21
أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلْأُنثَىٰ
21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?
Xiriir 53:21
22
تِلْكَ إِذًۭا قِسْمَةٌۭ ضِيزَىٰٓ
22. Tanu waa qayb dulun ah.
Xiriir 53:22
23
إِنْ هِىَ إِلَّآ أَسْمَآءٌۭ سَمَّيْتُمُوهَآ أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَـٰنٍ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهْوَى ٱلْأَنفُسُ ۖ وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلْهُدَىٰٓ
23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).
Xiriir 53:23
24
أَمْ لِلْإِنسَـٰنِ مَا تَمَنَّىٰ
24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?
Xiriir 53:24
25
فَلِلَّهِ ٱلْـَٔاخِرَةُ وَٱلْأُولَىٰ
25. Mayee, Alle baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'.
Xiriir 53:25
26
۞ وَكَم مِّن مَّلَكٍۢ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ لَا تُغْنِى شَفَـٰعَتُهُمْ شَيْـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعْدِ أَن يَأْذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرْضَىٰٓ
26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.
Xiriir 53:26
27
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ تَسْمِيَةَ ٱلْأُنثَىٰ
27. Hubaal kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah.
Xiriir 53:27
28
وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ ۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغْنِى مِنَ ٱلْحَقِّ شَيْـًۭٔا
28. Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa.
Xiriir 53:28
29
فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
29. Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka.
Xiriir 53:29
30
ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ ٱلْعِلْمِ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱهْتَدَىٰ
30. Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan.
Xiriir 53:30
31
وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ لِيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَسَـٰٓـُٔوا۟ بِمَا عَمِلُوا۟ وَيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ بِٱلْحُسْنَى
31. Allaah baa iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).
Xiriir 53:31
32
ٱلَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَـٰٓئِرَ ٱلْإِثْمِ وَٱلْفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌۭ فِى بُطُونِ أُمَّهَـٰتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوٓا۟ أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ
32. Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin, ee ha is ammaanina, Isagaa (Alle) Og kan ka dhowrsada xumaha.
Xiriir 53:32
33
أَفَرَءَيْتَ ٱلَّذِى تَوَلَّىٰ
33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).
Xiriir 53:33
34
وَأَعْطَىٰ قَلِيلًۭا وَأَكْدَىٰٓ
34. Oo wax yar bixiyey [7], inta kalena ceshaday.
Faallooyin hoose[7]. Waxaa ka dhaadhacsan in maalkiisa uu ku yaraan hadduu wax siiyo saboolka, halka Alle subxaanahu wa tacaalaa uu ballan qaaday si ka duwan.
Xiriir 53:34
35
أَعِندَهُۥ عِلْمُ ٱلْغَيْبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ
35. Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?
Xiriir 53:35
36
أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِى صُحُفِ مُوسَىٰ
36. Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -
Xiriir 53:36
37
وَإِبْرَٰهِيمَ ٱلَّذِى وَفَّىٰٓ
37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey 'amarradii Alle'.
Xiriir 53:37
38
أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌۭ وِزْرَ أُخْرَىٰ
38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).
Xiriir 53:38
39
وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَـٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ
39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).
Xiriir 53:39
40
وَأَنَّ سَعْيَهُۥ سَوْفَ يُرَىٰ
40. Camalkiisana la arki doono.
Xiriir 53:40
41
ثُمَّ يُجْزَىٰهُ ٱلْجَزَآءَ ٱلْأَوْفَىٰ
41. Kaddibna looga abaal marin si buuxda.
Xiriir 53:41
42
وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلْمُنتَهَىٰ
42. Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.
Xiriir 53:42
43
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضْحَكَ وَأَبْكَىٰ
43.Waana Kan wax ka qosliya kana oohiya.
Xiriir 53:43
44
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحْيَا
44. Isagaana wax dhinsiiya waxna nooleeya.
Xiriir 53:44
45
وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰ
45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.
Xiriir 53:45
46
مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ
46. Ka abuuray dhibic mino ah marka la shubo.
Xiriir 53:46
47
وَأَنَّ عَلَيْهِ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُخْرَىٰ
47. Isagayna saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).
Xiriir 53:47
48
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغْنَىٰ وَأَقْنَىٰ
48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;
Xiriir 53:48
49
وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعْرَىٰ
49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra [8].
Faallooyin hoose[8]. Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed.
Xiriir 53:49
50
وَأَنَّهُۥٓ أَهْلَكَ عَادًا ٱلْأُولَىٰ
50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,
Xiriir 53:50
51
وَثَمُودَا۟ فَمَآ أَبْقَىٰ
51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.
Xiriir 53:51
52
وَقَوْمَ نُوحٍۢ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ
52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.
Xiriir 53:52
53
وَٱلْمُؤْتَفِكَةَ أَهْوَىٰ
53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay [9].
Faallooyin hoose[9]. Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud.
Xiriir 53:53
54
فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ
54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).
Xiriir 53:54
55
فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ
55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaa oo ka shaki qabtaa?
Xiriir 53:55
56
هَـٰذَا نَذِيرٌۭ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلْأُولَىٰٓ
56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
Xiriir 53:56
57
أَزِفَتِ ٱلْـَٔازِفَةُ
57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).
Xiriir 53:57
58
لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ
58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).
Xiriir 53:58
59
أَفَمِنْ هَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ تَعْجَبُونَ
59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.
Xiriir 53:59
60
وَتَضْحَكُونَ وَلَا تَبْكُونَ
60. Oo aad qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Alle darteed)?
Xiriir 53:60
61
وَأَنتُمْ سَـٰمِدُونَ
61. Idinkoo iska haasaawaya.
Xiriir 53:61
62
فَٱسْجُدُوا۟ لِلَّهِ وَٱعْبُدُوا۟ ۩
62. Ee u sujuuda Alle oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).
Xiriir 53:62

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash