Suuradda 54aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Qamar (Dayaxa)

سُورَةُ القَمَرِ
55 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
ٱقْتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلْقَمَرُ
1. Saacadda (Qiyaame) way soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal [1].
Faallooyin hoose[1]. Tani waxay aheyd calaamo mucjisad ah uu Alle siiyey Nabi Muxammad s.c.w. markay Quraysh ka dalbeen inuu tusiyo mucjiso.
Xiriir 54:1
2
وَإِن يَرَوْا۟ ءَايَةًۭ يُعْرِضُوا۟ وَيَقُولُوا۟ سِحْرٌۭ مُّسْتَمِرٌّۭ
2. Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan.
Xiriir 54:2
3
وَكَذَّبُوا۟ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُمْ ۚ وَكُلُّ أَمْرٍۢ مُّسْتَقِرٌّۭ
3. Waxay beeniyeen (Xaqa) oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
Xiriir 54:3
4
وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّنَ ٱلْأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزْدَجَرٌ
4. Waxaana dhab ahaan u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino).
Xiriir 54:4
5
حِكْمَةٌۢ بَـٰلِغَةٌۭ ۖ فَمَا تُغْنِ ٱلنُّذُرُ
5. Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid).
Xiriir 54:5
6
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ ۘ يَوْمَ يَدْعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَىْءٍۢ نُّكُرٍ
6. Ee iskaga jeeso (Nabi Muxammadow); (oo dhowr) Maalinka uu baaquhu ugu baaqi wax daran [2].
Faallooyin hoose[2]. Waxaa la yidhi waa malag ugu yeedhi dadka xisaab iyo garsoor.
Xiriir 54:6
7
خُشَّعًا أَبْصَـٰرُهُمْ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ كَأَنَّهُمْ جَرَادٌۭ مُّنتَشِرٌۭ
7. Iyagoo arag dulleysan, waxay ka soo baxayaan qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay.
Xiriir 54:7
8
مُّهْطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِ ۖ يَقُولُ ٱلْكَـٰفِرُونَ هَـٰذَا يَوْمٌ عَسِرٌۭ
8. U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan: Kani waa Maalin daran.
Xiriir 54:8
9
۞ كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍۢ فَكَذَّبُوا۟ عَبْدَنَا وَقَالُوا۟ مَجْنُونٌۭ وَٱزْدُجِرَ
9. Waxaa (Xaqa) beeniyey iyaga hortood Qolodii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii (Nuux) oo yidhaahdeen: waa jinnoole, oo la handaday.
Xiriir 54:9
10
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَغْلُوبٌۭ فَٱنتَصِرْ
10. Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli.
Xiriir 54:10
11
فَفَتَحْنَآ أَبْوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٍۢ مُّنْهَمِرٍۢ
11. Markaasaan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan.
Xiriir 54:11
12
وَفَجَّرْنَا ٱلْأَرْضَ عُيُونًۭا فَٱلْتَقَى ٱلْمَآءُ عَلَىٰٓ أَمْرٍۢ قَدْ قُدِرَ
12. Kana soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah), markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray .
Xiriir 54:12
13
وَحَمَلْنَـٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلْوَٰحٍۢ وَدُسُرٍۢ
13. Waxaana (Nuux) ku qaadnay (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir.
Xiriir 54:13
14
تَجْرِى بِأَعْيُنِنَا جَزَآءًۭ لِّمَن كَانَ كُفِرَ
14. Ku socota indhahayaga hortood (waxaana harqinnay gaaladii) ka jaazeyn gaalnimadooda (iyo u hiillin ahaan Nuux).
Xiriir 54:14
15
وَلَقَد تَّرَكْنَـٰهَآ ءَايَةًۭ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍۢ
15. Waxaana uga tagnay si ay u ahaato Calaamad (lagu waantoobo), ee ma jiraa mid ku waantoobi?
Xiriir 54:15
16
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
16. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii?
Xiriir 54:16
17
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍۢ
17. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
Xiriir 54:17
18
كَذَّبَتْ عَادٌۭ فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
18. Reer Caad waxay beeniyeen (Xaqa), ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
Xiriir 54:18
19
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًۭا صَرْصَرًۭا فِى يَوْمِ نَحْسٍۢ مُّسْتَمِرٍّۢ
19. Waxaan ku soo dirnay dushood dabeyl qabow badan maalin baaskeedu is daba joogo.
Xiriir 54:19
20
تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍۢ مُّنقَعِرٍۢ
20. Iyadoo u majaxaabineysa dadka [3] sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey.
Faallooyin hoose[3]. Ka soo bixineysa halkay ku gabbanaayeen.
Xiriir 54:20
21
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
21. Ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
Xiriir 54:21
22
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍۢ
22. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
Xiriir 54:22
23
كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ
23. Reer Thamuud waxay beeniyeen digniinihii.
Xiriir 54:23
24
فَقَالُوٓا۟ أَبَشَرًۭا مِّنَّا وَٰحِدًۭا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذًۭا لَّفِى ضَلَـٰلٍۢ وَسُعُرٍ
24. Waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya oo naga mid ah (Saalix) yaan raaceynaa, markaas waxaanu ku sugannahay habow iyo heehaab (waalli).
Xiriir 54:24
25
أَءُلْقِىَ ٱلذِّكْرُ عَلَيْهِ مِنۢ بَيْنِنَا بَلْ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٌۭ
25. Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn [4].
Faallooyin hoose[4]. Waxay ula jeedaan Nabi Saalix.
Xiriir 54:25
26
سَيَعْلَمُونَ غَدًۭا مَّنِ ٱلْكَذَّابُ ٱلْأَشِرُ
26. Berri bay ogaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah?
Xiriir 54:26
27
إِنَّا مُرْسِلُوا۟ ٱلنَّاقَةِ فِتْنَةًۭ لَّهُمْ فَٱرْتَقِبْهُمْ وَٱصْطَبِرْ
27. Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee sug oo samir yeelo [5].
Faallooyin hoose[5]. Aayaddan iyo tan xigta waxay ku socdaan Saalix c.s.
Xiriir 54:27
28
وَنَبِّئْهُمْ أَنَّ ٱلْمَآءَ قِسْمَةٌۢ بَيْنَهُمْ ۖ كُلُّ شِرْبٍۢ مُّحْتَضَرٌۭ
28. U sheeg in biyuhu yihiin qayb iyo kaltan dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah.
Xiriir 54:28
29
فَنَادَوْا۟ صَاحِبَهُمْ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ
29. Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood [6] oo soo qaatay (seef) oo boqna gooyey hashii (oo dilay).
Faallooyin hoose[6]. Habaar qabe Qudaar.
Xiriir 54:29
30
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
30. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
Xiriir 54:30
31
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ صَيْحَةًۭ وَٰحِدَةًۭ فَكَانُوا۟ كَهَشِيمِ ٱلْمُحْتَظِرِ
31. Waxaan ku soo dirnay dushooda dhawaaq keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo.
Xiriir 54:31
32
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍۢ
32. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
Xiriir 54:32
33
كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍۭ بِٱلنُّذُرِ
33. Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii.
Xiriir 54:33
34
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٍۢ ۖ نَّجَّيْنَـٰهُم بِسَحَرٍۢ
34. Waxaan ku dirnay dushooda dabeyl dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waan badbaadinnay waaberiga hortiis.
Xiriir 54:34
35
نِّعْمَةًۭ مِّنْ عِندِنَا ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى مَن شَكَرَ
35. Nicmo Xaggayaga ah, sidaasoo kale baan u abaal marinnaa qofkii (Alle) mahdiya.
Xiriir 54:35
36
وَلَقَدْ أَنذَرَهُم بَطْشَتَنَا فَتَمَارَوْا۟ بِٱلنُّذُرِ
36. Wuxuu (Luud) uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, wayse ka doodeen oo shakiyeen digniinihii.
Xiriir 54:36
37
وَلَقَدْ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيْفِهِۦ فَطَمَسْنَآ أَعْيُنَهُمْ فَذُوقُوا۟ عَذَابِى وَنُذُرِ
37. Oo waxay dhab ahaan dooneen inay martidiisii (faro xumeeyaan) markaasaan indha tirray ee dhadhamiya cadaabkeyga iyo digniinaheyga.
Xiriir 54:37
38
وَلَقَدْ صَبَّحَهُم بُكْرَةً عَذَابٌۭ مُّسْتَقِرٌّۭ
38. Waxaana ku waabariistay aroortiiba cadaab sugan.
Xiriir 54:38
39
فَذُوقُوا۟ عَذَابِى وَنُذُرِ
39. Ee dhadhamiya Cadaabkeyga iyo Digniinaheyga.
Xiriir 54:39
40
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍۢ
40. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
Xiriir 54:40
41
وَلَقَدْ جَآءَ ءَالَ فِرْعَوْنَ ٱلنُّذُرُ
41. Waxaa u yimid qoladii Fircoon digniino.
Xiriir 54:41
42
كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذْنَـٰهُمْ أَخْذَ عَزِيزٍۢ مُّقْتَدِرٍ
42. Waxay beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaasaan qabannay Qabasho Awood Badane, Karaan Badan.
Xiriir 54:42
43
أَكُفَّارُكُمْ خَيْرٌۭ مِّنْ أُو۟لَـٰٓئِكُمْ أَمْ لَكُم بَرَآءَةٌۭ فِى ٱلزُّبُرِ
43. Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mise ma waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabahayaga?
Xiriir 54:43
44
أَمْ يَقُولُونَ نَحْنُ جَمِيعٌۭ مُّنتَصِرٌۭ
44. Mise ma waxay leeyihiin: Waxaanu nahay ciidan dhan oo guuleysan.
Xiriir 54:44
45
سَيُهْزَمُ ٱلْجَمْعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ
45. Waa la jabin ciidankooda, dabadayna jeedin.
Xiriir 54:45
46
بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوْعِدُهُمْ وَٱلسَّاعَةُ أَدْهَىٰ وَأَمَرُّ
46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo kharaar.
Xiriir 54:46
47
إِنَّ ٱلْمُجْرِمِينَ فِى ضَلَـٰلٍۢ وَسُعُرٍۢ
47. Hubaal kuwa denbiilayaasha ah waxay ku sugan yihiin habow (adduunka), Aakhirona dhex ahaan dab ololaya.
Xiriir 54:47
48
يَوْمَ يُسْحَبُونَ فِى ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ ذُوقُوا۟ مَسَّ سَقَرَ
48. Maalinka marka wejiyadooda lagu dhex jiidi Naarta (waxaa lagu odhan): Dhadhamiya taabashada Naarta.
Xiriir 54:48
49
إِنَّا كُلَّ شَىْءٍ خَلَقْنَـٰهُ بِقَدَرٍۢ
49.Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar.
Xiriir 54:49
50
وَمَآ أَمْرُنَآ إِلَّا وَٰحِدَةٌۭ كَلَمْحٍۭ بِٱلْبَصَرِ
50. Amarkayaguna ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi.
Xiriir 54:50
51
وَلَقَدْ أَهْلَكْنَآ أَشْيَاعَكُمْ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍۢ
51. Waxaan dhab ahaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun ku waantoobi?
Xiriir 54:51
52
وَكُلُّ شَىْءٍۢ فَعَلُوهُ فِى ٱلزُّبُرِ
52. Wax kastoo ay faleenna waxay ku yaalliin kutubta (camalladooda).
Xiriir 54:52
53
وَكُلُّ صَغِيرٍۢ وَكَبِيرٍۢ مُّسْتَطَرٌ
53. Wax walibana yar iyo weyn waxay ku yaalliin (Looxa Maxfuudka).
Xiriir 54:53
54
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍۢ وَنَهَرٍۢ
54. Hubaal kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha) waxay ku sugnaan beero iyo webiyo (Janno).
Xiriir 54:54
55
فِى مَقْعَدِ صِدْقٍ عِندَ مَلِيكٍۢ مُّقْتَدِرٍۭ
55. Fadhi sharfeed run ah oo (Allaah) Boqorka Awooda wax walba agtiisa ah.
Xiriir 54:55

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash