Suuradda 52aad ee 114 · Makki

Suuradda At-Tuur (Buurta)

سُورَةُ الطُّورِ
49 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
وَٱلطُّورِ
1. Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay' [1].
Faallooyin hoose[1]. Ad-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s.
Xiriir 52:1
2
وَكِتَـٰبٍۢ مَّسْطُورٍۢ
2. Iyo Kitaab qoran [2].
Faallooyin hoose[2]. Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka.
Xiriir 52:2
3
فِى رَقٍّۢ مَّنشُورٍۢ
3. Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan.
Xiriir 52:3
4
وَٱلْبَيْتِ ٱلْمَعْمُورِ
4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto [3].
Faallooyin hoose[3]. Waa Beytka Alle ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah.
Xiriir 52:4
5
وَٱلسَّقْفِ ٱلْمَرْفُوعِ
5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada).
Xiriir 52:5
6
وَٱلْبَحْرِ ٱلْمَسْجُورِ
6. Iyo badda lagu huriyey 'dabka ama soo fatahda' [4].
Faallooyin hoose[4]. Badahoo sidaas noqon Maalinta Qiyaamaha.
Xiriir 52:6
7
إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٌۭ
7. Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -
Xiriir 52:7
8
مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٍۢ
8. Ma jiro wax celin.
Xiriir 52:8
9
يَوْمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوْرًۭا
9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,
Xiriir 52:9
10
وَتَسِيرُ ٱلْجِبَالُ سَيْرًۭا
10. Buuruhuna socon socosho (yaab) leh [5].
Faallooyin hoose[5]. Oo noqon sida boor oo u socon sida daruuraha.
Xiriir 52:10
11
فَوَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ
11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).
Xiriir 52:11
12
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى خَوْضٍۢ يَلْعَبُونَ
12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.
Xiriir 52:12
13
يَوْمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا
13. Maalinka loogu tuuri Naarta Jahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):
Xiriir 52:13
14
هَـٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِى كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
14. Waa tan Naartii aad beenin jirteen.
Xiriir 52:14
15
أَفَسِحْرٌ هَـٰذَآ أَمْ أَنتُمْ لَا تُبْصِرُونَ
15. Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?
Xiriir 52:15
16
ٱصْلَوْهَا فَٱصْبِرُوٓا۟ أَوْ لَا تَصْبِرُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْكُمْ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
16. Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah).
Xiriir 52:16
17
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍۢ وَنَعِيمٍۢ
17. Kuwa ka dhowrsada xumaha [6] waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).
Faallooyin hoose[6]. Sida shirkiga, dilka gardarrada ah, zinada, ribada, xasadka, xatooyada, sixirka, beenta, khiyaanada, kibirka, iwm.
Xiriir 52:17
18
فَـٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ وَوَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ
18. Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan.
Xiriir 52:18
19
كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
19. (Waxaa lagu odhan): Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).
Xiriir 52:19
20
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٍۢ مَّصْفُوفَةٍۢ ۖ وَزَوَّجْنَـٰهُم بِحُورٍ عِينٍۢ
20. Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).
Xiriir 52:20
21
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَٱتَّبَعَتْهُمْ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَـٰنٍ أَلْحَقْنَا بِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَمَآ أَلَتْنَـٰهُم مِّنْ عَمَلِهِم مِّن شَىْءٍۢ ۚ كُلُّ ٱمْرِئٍۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٌۭ
21. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa.
Xiriir 52:21
22
وَأَمْدَدْنَـٰهُم بِفَـٰكِهَةٍۢ وَلَحْمٍۢ مِّمَّا يَشْتَهُونَ
22. Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan.
Xiriir 52:22
23
يَتَنَـٰزَعُونَ فِيهَا كَأْسًۭا لَّا لَغْوٌۭ فِيهَا وَلَا تَأْثِيمٌۭ
23. Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.
Xiriir 52:23
24
۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ غِلْمَانٌۭ لَّهُمْ كَأَنَّهُمْ لُؤْلُؤٌۭ مَّكْنُونٌۭ
24. Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray.
Xiriir 52:24
25
وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍۢ يَتَسَآءَلُونَ
25. Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan.
Xiriir 52:25
26
قَالُوٓا۟ إِنَّا كُنَّا قَبْلُ فِىٓ أَهْلِنَا مُشْفِقِينَ
26. Waxay odhan: Waxaan ka hor 'intaan adduunka joognay' ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadaabka Alle).
Xiriir 52:26
27
فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيْنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ
27. Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.
Xiriir 52:27
28
إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلُ نَدْعُوهُ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْبَرُّ ٱلرَّحِيمُ
28. Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Isaga xaqiiq Baarriga, Naxariista Badan.
Xiriir 52:28
29
فَذَكِّرْ فَمَآ أَنتَ بِنِعْمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٍۢ وَلَا مَجْنُونٍ
29. Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.
Xiriir 52:29
30
أَمْ يَقُولُونَ شَاعِرٌۭ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيْبَ ٱلْمَنُونِ
30. Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman [7].
Faallooyin hoose[7]. Inay dhibaato uun ku dhacdo ama dhimasho dhaqso ah.
Xiriir 52:30
31
قُلْ تَرَبَّصُوا۟ فَإِنِّى مَعَكُم مِّنَ ٱلْمُتَرَبِّصِينَ
31. Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca).
Xiriir 52:31
32
أَمْ تَأْمُرُهُمْ أَحْلَـٰمُهُم بِهَـٰذَآ ۚ أَمْ هُمْ قَوْمٌۭ طَاغُونَ
32. Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.
Xiriir 52:32
33
أَمْ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥ ۚ بَل لَّا يُؤْمِنُونَ
33. Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).
Xiriir 52:33
34
فَلْيَأْتُوا۟ بِحَدِيثٍۢ مِّثْلِهِۦٓ إِن كَانُوا۟ صَـٰدِقِينَ
34. Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.
Xiriir 52:34
35
أَمْ خُلِقُوا۟ مِنْ غَيْرِ شَىْءٍ أَمْ هُمُ ٱلْخَـٰلِقُونَ
35. Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.
Xiriir 52:35
36
أَمْ خَلَقُوا۟ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ ۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ
36. Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.
Xiriir 52:36
37
أَمْ عِندَهُمْ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمْ هُمُ ٱلْمُصَۣيْطِرُونَ
37. Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?
Xiriir 52:37
38
أَمْ لَهُمْ سُلَّمٌۭ يَسْتَمِعُونَ فِيهِ ۖ فَلْيَأْتِ مُسْتَمِعُهُم بِسُلْطَـٰنٍۢ مُّبِينٍ
38. Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad.
Xiriir 52:38
39
أَمْ لَهُ ٱلْبَنَـٰتُ وَلَكُمُ ٱلْبَنُونَ
39. Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?
Xiriir 52:39
40
أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًۭا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍۢ مُّثْقَلُونَ
40. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?
Xiriir 52:40
41
أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ
41. Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.
Xiriir 52:41
42
أَمْ يُرِيدُونَ كَيْدًۭا ۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ هُمُ ٱلْمَكِيدُونَ
42. Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.
Xiriir 52:42
43
أَمْ لَهُمْ إِلَـٰهٌ غَيْرُ ٱللَّهِ ۚ سُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ
43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Alle waa ka hufan yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
Xiriir 52:43
44
وَإِن يَرَوْا۟ كِسْفًۭا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطًۭا يَقُولُوا۟ سَحَابٌۭ مَّرْكُومٌۭ
44. Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya [8] waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).
Faallooyin hoose[8]. Kaasoo calaamo u ah soo degitaanka Ciqaabka Alle, sida ay dalbadeen ah.
Xiriir 52:44
45
فَذَرْهُمْ حَتَّىٰ يُلَـٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى فِيهِ يُصْعَقُونَ
45. Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).
Xiriir 52:45
46
يَوْمَ لَا يُغْنِى عَنْهُمْ كَيْدُهُمْ شَيْـًۭٔا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ
46. Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.
Xiriir 52:46
47
وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ عَذَابًۭا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
47. Waxay xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow 'adduunka gudahi' [9] badankooduse ma ay oga.
Faallooyin hoose[9]. In lagu sallado daadyo, dhul gariirro, abaaro, gaajo, jirrooyin, musiibooyin, iwm. Haddaan lagu ciqaabin adduunka, markaas waa cadaabka qabriga.
Xiriir 52:47
48
وَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا ۖ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ
48. Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.
Xiriir 52:48
49
وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَإِدْبَـٰرَ ٱلنُّجُومِ
49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).
Xiriir 52:49

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash