Suuradda 51aad ee 114 · Makki

Suuradda Adh-Dhaariyaat (Dabaylaha Kala Firdhiya)

سُورَةُ الذَّارِيَاتِ
60 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
وَٱلذَّٰرِيَـٰتِ ذَرْوًۭا
1. Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya [1].
Faallooyin hoose[1]. Ad-Daariyaat: Dabeylaha boorka kiciya.
Xiriir 51:1
2
فَٱلْحَـٰمِلَـٰتِ وِقْرًۭا
2. Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).
Xiriir 51:2
3
فَٱلْجَـٰرِيَـٰتِ يُسْرًۭا
3. Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha).
Xiriir 51:3
4
فَٱلْمُقَسِّمَـٰتِ أَمْرًا
4. Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.
Xiriir 51:4
5
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌۭ
5. (Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) xaqiiq waa run.
Xiriir 51:5
6
وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٌۭ
6. Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso.
Xiriir 51:6
7
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْحُبُكِ
7. Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,
Xiriir 51:7
8
إِنَّكُمْ لَفِى قَوْلٍۢ مُّخْتَلِفٍۢ
8. Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan .
Xiriir 51:8
9
يُؤْفَكُ عَنْهُ مَنْ أُفِكَ
9. Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa.
Xiriir 51:9
10
قُتِلَ ٱلْخَرَّٰصُونَ
10. Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan.
Xiriir 51:10
11
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى غَمْرَةٍۢ سَاهُونَ
11. Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada).
Xiriir 51:11
12
يَسْـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلدِّينِ
12. Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?
Xiriir 51:12
13
يَوْمَ هُمْ عَلَى ٱلنَّارِ يُفْتَنُونَ
13. Waa Maalinta Naarta lagu gubi.
Xiriir 51:13
14
ذُوقُوا۟ فِتْنَتَكُمْ هَـٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تَسْتَعْجِلُونَ
14. Dhadhamiya cadaabkiinna. Kanu waa waxaad degdegsanayseen.
Xiriir 51:14
15
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍۢ وَعُيُونٍ
15. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno).
Xiriir 51:15
16
ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُحْسِنِينَ
16. Iyagoo qaadan waxa uu Rabbigood siiyey. Waxay ahaayeen horay sama falayaal.
Xiriir 51:16
17
كَانُوا۟ قَلِيلًۭا مِّنَ ٱلَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ
17. Waxay seexan jireen habeenkii wax yar ma ahee [2].
Faallooyin hoose[2]. Macnaha qayb ka mid ah bay u qoondeyn jireen salaatu leyl, cishaha kaddib ama Aakhiru leylka.
Xiriir 51:17
18
وَبِٱلْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ
18. Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,
Xiriir 51:18
19
وَفِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّۭ لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ
19. Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan.
Xiriir 51:19
20
وَفِى ٱلْأَرْضِ ءَايَـٰتٌۭ لِّلْمُوقِنِينَ
20. Dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa yaqiinsan.
Xiriir 51:20
21
وَفِىٓ أَنفُسِكُمْ ۚ أَفَلَا تُبْصِرُونَ
21. Iyo nafahiinnaba, ee miyeydaan arkeyn.
Xiriir 51:21
22
وَفِى ٱلسَّمَآءِ رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ
22. Samada yuuna jiraa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay.
Xiriir 51:22
23
فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ إِنَّهُۥ لَحَقٌّۭ مِّثْلَ مَآ أَنَّكُمْ تَنطِقُونَ
23. Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba.
Xiriir 51:23
24
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ضَيْفِ إِبْرَٰهِيمَ ٱلْمُكْرَمِينَ
24. Ma ku soo gaaray warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd?
Xiriir 51:24
25
إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَقَالُوا۟ سَلَـٰمًۭا ۖ قَالَ سَلَـٰمٌۭ قَوْمٌۭ مُّنكَرُونَ
25. Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn.
Xiriir 51:25
26
فَرَاغَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ فَجَآءَ بِعِجْلٍۢ سَمِينٍۢ
26. Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.
Xiriir 51:26
27
فَقَرَّبَهُۥٓ إِلَيْهِمْ قَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ
27. Una soo dhoweeyey (isagoo ku leh): Miyeydaan cunayn?
Xiriir 51:27
28
فَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةًۭ ۖ قَالُوا۟ لَا تَخَفْ ۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَـٰمٍ عَلِيمٍۢ
28. (Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq).
Xiriir 51:28
29
فَأَقْبَلَتِ ٱمْرَأَتُهُۥ فِى صَرَّةٍۢ فَصَكَّتْ وَجْهَهَا وَقَالَتْ عَجُوزٌ عَقِيمٌۭ
29. Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!.
Xiriir 51:29
30
قَالُوا۟ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْعَلِيمُ
30. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waa Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon.
Xiriir 51:30
31
۞ قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا ٱلْمُرْسَلُونَ
31.(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?
Xiriir 51:31
32
قَالُوٓا۟ إِنَّآ أُرْسِلْنَآ إِلَىٰ قَوْمٍۢ مُّجْرِمِينَ
32.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah [3].
Faallooyin hoose[3]. Waa kuwaasi beeniyey Luud.
Xiriir 51:32
33
لِنُرْسِلَ عَلَيْهِمْ حِجَارَةًۭ مِّن طِينٍۢ
33. Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.
Xiriir 51:33
34
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلْمُسْرِفِينَ
34. Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha [4].
Faallooyin hoose[4]. Iyadoo dhagax walba lagu qoray magaca qofka lagu halaagayo oo ku dhiman.
Xiriir 51:34
35
فَأَخْرَجْنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
35. Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.
Xiriir 51:35
36
فَمَا وَجَدْنَا فِيهَا غَيْرَ بَيْتٍۢ مِّنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
36. Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah [5].
Faallooyin hoose[5]. Luud iyo reerkiisa marka laga reebo xaaskiisa.
Xiriir 51:36
37
وَتَرَكْنَا فِيهَآ ءَايَةًۭ لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ
37. Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo [6] kuwa 'mu'miniinta' ka cabsada cadaabka xanuunka badan.
Faallooyin hoose[6]. Raad muujinaya halaaggii ku dhacay qolodii Luud.
Xiriir 51:37
38
وَفِى مُوسَىٰٓ إِذْ أَرْسَلْنَـٰهُ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ بِسُلْطَـٰنٍۢ مُّبِينٍۢ
38. Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad.
Xiriir 51:38
39
فَتَوَلَّىٰ بِرُكْنِهِۦ وَقَالَ سَـٰحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌۭ
39. Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: 'Kani Muuse' waa saaxir ama jinnoole.
Xiriir 51:39
40
فَأَخَذْنَـٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذْنَـٰهُمْ فِى ٱلْيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌۭ
40. Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.
Xiriir 51:40
41
وَفِى عَادٍ إِذْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلْعَقِيمَ
41. Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah [7].
Faallooyin hoose[7]. Aan dhalin wax faa’ido ah, khayr daran, macnaha waa shar xambaarsan.
Xiriir 51:41
42
مَا تَذَرُ مِن شَىْءٍ أَتَتْ عَلَيْهِ إِلَّا جَعَلَتْهُ كَٱلرَّمِيمِ
42. Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale.
Xiriir 51:42
43
وَفِى ثَمُودَ إِذْ قِيلَ لَهُمْ تَمَتَّعُوا۟ حَتَّىٰ حِينٍۢ
43. Reer Thamuudna (calaamo baa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.
Xiriir 51:43
44
فَعَتَوْا۟ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّـٰعِقَةُ وَهُمْ يَنظُرُونَ
44. Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey.
Xiriir 51:44
45
فَمَا ٱسْتَطَـٰعُوا۟ مِن قِيَامٍۢ وَمَا كَانُوا۟ مُنتَصِرِينَ
45. Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.
Xiriir 51:45
46
وَقَوْمَ نُوحٍۢ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًۭا فَـٰسِقِينَ
46. Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo fallaago ah.
Xiriir 51:46
47
وَٱلسَّمَآءَ بَنَيْنَـٰهَا بِأَيْي۟دٍۢ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ
47. Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga (Alle ah) kuwa waasiciya.
Xiriir 51:47
48
وَٱلْأَرْضَ فَرَشْنَـٰهَا فَنِعْمَ ٱلْمَـٰهِدُونَ
48. Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu.
Xiriir 51:48
49
وَمِن كُلِّ شَىْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
49. Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.
Xiriir 51:49
50
فَفِرُّوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ ۖ إِنِّى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌۭ مُّبِينٌۭ
50. Ee u carara xagga Alle [8], waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
Faallooyin hoose[8]. Waxaa loola jeedaa u laabta oo ka magan gala gaalnimo iyo denbi falid si aad uga badbaaddaan ciqaabkiisa.
Xiriir 51:50
51
وَلَا تَجْعَلُوا۟ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ ۖ إِنِّى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌۭ مُّبِينٌۭ
51. Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
Xiriir 51:51
52
كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُوا۟ سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ
52. Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole.
Xiriir 51:52
53
أَتَوَاصَوْا۟ بِهِۦ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌۭ طَاغُونَ
53. Miyey iskula dardaarmeen arrinkani [9]? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.
Faallooyin hoose[9]. Miyey gaaladii beri hore u soo gudbiyeen hadalladan kuwaan hadda jira, sidaa darteed ay u yidhaahdeen isla hadalkoodii oo kale?.
Xiriir 51:53
54
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٍۢ
54. Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede.
Xiriir 51:54
55
وَذَكِّرْ فَإِنَّ ٱلذِّكْرَىٰ تَنفَعُ ٱلْمُؤْمِنِينَ
55. Waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta.
Xiriir 51:55
56
وَمَا خَلَقْتُ ٱلْجِنَّ وَٱلْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ
56. Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan [10].
Faallooyin hoose[10]. Macnaha Alle Keliya caabudaan iyagoon cidna wax la wadaajin.
Xiriir 51:56
57
مَآ أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍۢ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ
57. Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga).
Xiriir 51:57
58
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلْقُوَّةِ ٱلْمَتِينُ
58. Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.
Xiriir 51:58
59
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ذَنُوبًۭا مِّثْلَ ذَنُوبِ أَصْحَـٰبِهِمْ فَلَا يَسْتَعْجِلُونِ
59. Xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxaa u sugnaaday saami 'Cadaab ah' la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).
Xiriir 51:59
60
فَوَيْلٌۭ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن يَوْمِهِمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ
60. Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).
Xiriir 51:60

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash