Suuradda 75aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Qiyaama (Qiyaamada)

سُورَةُ القِيَامَةِ
40 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
لَآ أُقْسِمُ بِيَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ
1. Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.
Xiriir 75:1
2
وَلَآ أُقْسِمُ بِٱلنَّفْسِ ٱللَّوَّامَةِ
2. Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda [1] 'in la idin soo bixin Aakhirada'.
Faallooyin hoose[1]. Waa mu’minka, ee is canaanta markuu ku dhaco denbi ama gef oo ka xumaada.
Xiriir 75:2
3
أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَـٰنُ أَلَّن نَّجْمَعَ عِظَامَهُۥ
3. Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa?
Xiriir 75:3
4
بَلَىٰ قَـٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّىَ بَنَانَهُۥ
4. Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan.
Xiriir 75:4
5
بَلْ يُرِيدُ ٱلْإِنسَـٰنُ لِيَفْجُرَ أَمَامَهُۥ
5. Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya 'ee sugaya' [2].
Faallooyin hoose[2]. Macnaha waa inuu denbi isaga sii socdo. Waxaana loola jeedaa qofka gaalka ah ee beeniya maalinta xisaabta ee iska wata shirkiga iyo macaasidiisa.
Xiriir 75:5
6
يَسْـَٔلُ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلْقِيَـٰمَةِ
6. Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha?
Xiriir 75:6
7
فَإِذَا بَرِقَ ٱلْبَصَرُ
7. Ee marka araggu argagaxo (taagmo).
Xiriir 75:7
8
وَخَسَفَ ٱلْقَمَرُ
8. Oo dayaxu madoobaado.
Xiriir 75:8
9
وَجُمِعَ ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ
9. Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.
Xiriir 75:9
10
يَقُولُ ٱلْإِنسَـٰنُ يَوْمَئِذٍ أَيْنَ ٱلْمَفَرُّ
10. Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa?
Xiriir 75:10
11
كَلَّا لَا وَزَرَ
11. Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo).
Xiriir 75:11
12
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمُسْتَقَرُّ
12. Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah.
Xiriir 75:12
13
يُنَبَّؤُا۟ ٱلْإِنسَـٰنُ يَوْمَئِذٍۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ
13. Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday.
Xiriir 75:13
14
بَلِ ٱلْإِنسَـٰنُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ بَصِيرَةٌۭ
14. Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og.
Xiriir 75:14
15
وَلَوْ أَلْقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ
15. Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho).
Xiriir 75:15
16
لَا تُحَرِّكْ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِۦٓ
16. Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa).
Xiriir 75:16
17
إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُۥ وَقُرْءَانَهُۥ
17. Xaqiiq, waa xil Annaga na saaran inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa).
Xiriir 75:17
18
فَإِذَا قَرَأْنَـٰهُ فَٱتَّبِعْ قُرْءَانَهُۥ
18. Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa.
Xiriir 75:18
19
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُۥ
19. Kaddib xaqiiq Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa).
Xiriir 75:19
20
كَلَّا بَلْ تُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ
20. Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa.
Xiriir 75:20
21
وَتَذَرُونَ ٱلْـَٔاخِرَةَ
21. Oo dayacdaan Aakhirada.
Xiriir 75:21
22
وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ نَّاضِرَةٌ
22. Wejiyo Maalintaas way ifi.
Xiriir 75:22
23
إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌۭ
23. Xagga Rabbigood iyagoo eegaya;
Xiriir 75:23
24
وَوُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۭ بَاسِرَةٌۭ
24. Wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo kuduudsan.
Xiriir 75:24
25
تَظُنُّ أَن يُفْعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌۭ
25. Waxay hubtaa in lagu fali balaayo weyn;
Xiriir 75:25
26
كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِىَ
26. Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (waqtiga geerida).
Xiriir 75:26
27
وَقِيلَ مَنْ ۜ رَاقٍۢ
27. Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi oo dabiibi?
Xiriir 75:27
28
وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلْفِرَاقُ
28. Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda (geerida).
Xiriir 75:28
29
وَٱلْتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ
29.Oo lagu isku maro labada jeeni (kafno).
Xiriir 75:29
30
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمَسَاقُ
30. Waa xagga Rabbigaa Maalintaas halka laysu wadaa.
Xiriir 75:30
31
فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ
31. (Gaalkuse) ma rumeyn (Xaqa) mana tukan.
Xiriir 75:31
32
وَلَـٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
32. Wuuse beeniyey oo jeesaday.
Xiriir 75:32
33
ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ
33. Markaasuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh.
Xiriir 75:33
34
أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰ
34. Dhowaa hooggaagu oo dhowaa.
Xiriir 75:34
35
ثُمَّ أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰٓ
35. Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa.
Xiriir 75:35
36
أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَـٰنُ أَن يُتْرَكَ سُدًى
36. Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi bilaash (ujeeddo la'aan)?
Xiriir 75:36
37
أَلَمْ يَكُ نُطْفَةًۭ مِّن مَّنِىٍّۢ يُمْنَىٰ
37. Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo?
Xiriir 75:37
38
ثُمَّ كَانَ عَلَقَةًۭ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ
38. Markaas noqota xinjir oo (Alle) abuuro qaab wanaagsanna u yeelo.
Xiriir 75:38
39
فَجَعَلَ مِنْهُ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ
39. Oo ka yeelo labo nooc, lab iyo dheddig.
Xiriir 75:39
40
أَلَيْسَ ذَٰلِكَ بِقَـٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْـِۧىَ ٱلْمَوْتَىٰ
40.Miyuusan Kaasi (Alle) awoodin inuu soo nooleeyo maytida [3]?
Faallooyin hoose[3]. Haayoo wuu Karaa.
Xiriir 75:40

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash