Suuradda 94aad ee 114 · Makki

Suuradda Ash-Sharx (Ballaarinta)

سُورَةُ الشَّرۡحِ
8 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
أَلَمْ نَشْرَحْ لَكَ صَدْرَكَ
1. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?
Xiriir 94:1
2
وَوَضَعْنَا عَنكَ وِزْرَكَ
2. Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa [1],
Faallooyin hoose[1]. Macnaha waa aan kuu dhaafin oo cafin gefafkaaga kuwii hore iyo kuwa dambeba, ama kaa qaadin culeyskii aad dareemeysey billowgii gaarsiinta iyo fidint diinta.
Xiriir 94:2
3
ٱلَّذِىٓ أَنقَضَ ظَهْرَكَ
3. Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,
Xiriir 94:3
4
وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ
4. Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?
Xiriir 94:4
5
فَإِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًا
5. Xaqiiq, dhibka waxaa la socda faraj.
Xiriir 94:5
6
إِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًۭا
6. Xaqiiq, waxaa dhibka la socda faraj.
Xiriir 94:6
7
فَإِذَا فَرَغْتَ فَٱنصَبْ
7. Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka iyo Xuskiis).
Xiriir 94:7
8
وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَٱرْغَب
8. Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee.
Xiriir 94:8

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash