Suuradda 95aad ee 114 · Makki
Suuradda At-Tiin (Berdaha)
سُورَةُ التِّينِ
Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
وَٱلتِّينِ وَٱلزَّيْتُونِ
1. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka [1].
Faallooyin hoose
[1]. Waa tilmaan sidoo kale halkay ka baxaan ee Falastiin ee ah halka laga soo saaray Ciise c.s. Nabi ahaan.
Xiriir
95:1
2
وَطُورِ سِينِينَ
2. Iyo Buurta Siinaay [2].
Faallooyin hoose
[2]. Ee ah halkuu Alle kula hadlay Muuse c.s.
Xiriir
95:2
3
وَهَـٰذَا ٱلْبَلَدِ ٱلْأَمِينِ
3. Iyo magaaladan Aaminka ah 'Makkah' [3],
Faallooyin hoose
[3]. Ee Nabi Muxammad laga soo doortay Rasuul Alle ahaan.
Xiriir
95:3
4
لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ فِىٓ أَحْسَنِ تَقْوِيمٍۢ
4. Waxaan dhab ahaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.
Xiriir
95:4
5
ثُمَّ رَدَدْنَـٰهُ أَسْفَلَ سَـٰفِلِينَ
5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya [4].
Faallooyin hoose
[4]. Naarta gudaheeda ama da'da asaasqnimada.
Xiriir
95:5
6
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَلَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۢ
6. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).
Xiriir
95:6
7
فَمَا يُكَذِّبُكَ بَعْدُ بِٱلدِّينِ
7. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?
Xiriir
95:7
8
أَلَيْسَ ٱللَّهُ بِأَحْكَمِ ٱلْحَـٰكِمِينَ
8. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta [5]?
Faallooyin hoose
[5]. Haayoo, wuu Yahay.
Xiriir
95:8