Suuradda 100aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Caadiyaat (Fardaha Ordaya)

سُورَةُ العَادِيَاتِ
11 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
وَٱلْعَـٰدِيَـٰتِ ضَبْحًۭا
1. Waxaan ku dhaartay ordayaasha dheereeya iyagoo qaylyi (fardaha dagaalka, iwm).
Xiriir 100:1
2
فَٱلْمُورِيَـٰتِ قَدْحًۭا
2. Iyo kuwa kiciya dhimbilaha dabka.
Xiriir 100:2
3
فَٱلْمُغِيرَٰتِ صُبْحًۭا
3. Iyo kuwa (cadowga) weerara subaxa horeba,
Xiriir 100:3
4
فَأَثَرْنَ بِهِۦ نَقْعًۭا
4. Ee boodhka kiciya,
Xiriir 100:4
5
فَوَسَطْنَ بِهِۦ جَمْعًا
5. Ee bartanka u gala kulanka 'cadowga';
Xiriir 100:5
6
إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٌۭ
6. Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah).
Xiriir 100:6
7
وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٌۭ
7. Isaga baana taasi ka markhaati ah.
Xiriir 100:7
8
وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلْخَيْرِ لَشَدِيدٌ
8. Oo hubaal waa ku daran yahay Jaceylka maalka.
Xiriir 100:8
9
۞ أَفَلَا يَعْلَمُ إِذَا بُعْثِرَ مَا فِى ٱلْقُبُورِ
9. Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo.
Xiriir 100:9
10
وَحُصِّلَ مَا فِى ٱلصُّدُورِ
10. Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo.
Xiriir 100:10
11
إِنَّ رَبَّهُم بِهِمْ يَوْمَئِذٍۢ لَّخَبِيرٌۢ
11. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan).
Xiriir 100:11

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash