Suuradda 101aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Qaarica (Masiibada Garaacda)

سُورَةُ القَارِعَةِ
11 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
ٱلْقَارِعَةُ
1.Garaacdada (qalbiyada waa Qiyaamada).
Xiriir 101:1
2
مَا ٱلْقَارِعَةُ
2. Maxay tahay Garaacdadu?.
Xiriir 101:2
3
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْقَارِعَةُ
3. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay Garaacdadu?
Xiriir 101:3
4
يَوْمَ يَكُونُ ٱلنَّاسُ كَٱلْفَرَاشِ ٱلْمَبْثُوثِ
4. Waa Maalintay dadku noqon sida baalallay kala firdhay.
Xiriir 101:4
5
وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ ٱلْمَنفُوشِ
5. Oo buurahu noqon sida cudbi la dhilay.
Xiriir 101:5
6
فَأَمَّا مَن ثَقُلَتْ مَوَٰزِينُهُۥ
6. Qofka miisaankiisa (camallada wanaagsan) uu culeys yahay.
Xiriir 101:6
7
فَهُوَ فِى عِيشَةٍۢ رَّاضِيَةٍۢ
7. Wuxuu ku noolaan nolol barwaaqo iyo farxad leh oo raalli lagu yahay (Janno).
Xiriir 101:7
8
وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَٰزِينُهُۥ
8. Qofkase uu miisaankiisa (camallada wanaagsan) fudeyd yahay.
Xiriir 101:8
9
فَأُمُّهُۥ هَاوِيَةٌۭ
9. Hoygiisu waa Haawiya.
Xiriir 101:9
10
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا هِيَهْ
10. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay?
Xiriir 101:10
11
نَارٌ حَامِيَةٌۢ
11. (Waa) Naar kuleyl badan.
Xiriir 101:11

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash