Ducooyinka Quraanka

41 duco oo Quraanka ku jira

Ducooyinka uu Quraanku ina baro, qaar badan oo ka mid ah waxay ku bilaabmaan “Rabbana” (Rabbigayow), mid kastana waxaa la socda qoraalkiisa Carabiga, tarjumaadda macnaha iyo akhriskiisa.

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

Dhammaan suuradaha
1

Aqbalaadda Ibraahim iyo Ismaaciil

وَإِذْ يَرْفَعُ إِبْرَٰهِۦمُ ٱلْقَوَاعِدَ مِنَ ٱلْبَيْتِ وَإِسْمَٰعِيلُ رَبَّنَا تَقَبَّلْ مِنَّآ ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ (127)
127. (Xus) markuu Ibraahiim kor u qaadayey aasaaska Beytka (Kacbada) iyo Ismaaciil (iyagoo leh): Rabbigayow! Naga aqbal, hubaal Waxaad Adigu tahay Maqlaha wax kasta, wax kasta Ogsoon.
Suuradda Al-Baqara 2:127
2

Is-dhiibid iyo toobad

رَبَّنَا وَٱجْعَلْنَا مُسْلِمَيْنِ لَكَ وَمِن ذُرِّيَّتِنَآ أُمَّةًۭ مُّسْلِمَةًۭ لَّكَ وَأَرِنَا مَنَاسِكَنَا وَتُبْ عَلَيْنَآ ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ (128)
128. Rabbigayow! Naga yeel kuwo kuu hoggaansan (kana soo saar) ubadkayaga ummad kuu hoggaansan, nana tus hababkayaga cibaadeysiga, nagana tawbad aqbal. Hubaal Waxaad Adigu tahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
Suuradda Al-Baqara 2:128
3

Khayrka adduunka iyo aakhiro

وَمِنْهُم مَّن يَقُولُ رَبَّنَآ ءَاتِنَا فِى ٱلدُّنْيَا حَسَنَةًۭ وَفِى ٱلْءَاخِرَةِ حَسَنَةًۭ وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ (201)
201. Waxaa ka mid ahna kuwo yidhaahda: Rabbigayow! Nagu sii wanaag adduunka , iyo wanaag Aakhirada, nagana badbaadi cadaabka Naarta.
Suuradda Al-Baqara 2:201
4

Samir iyo adkaysi

وَلَمَّا بَرَزُوا۟ لِجَالُوتَ وَجُنُودِهِۦ قَالُوا۟ رَبَّنَآ أَفْرِغْ عَلَيْنَا صَبْرًۭا وَثَبِّتْ أَقْدَامَنَا وَٱنصُرْنَا عَلَى ٱلْقَوْمِ ٱلْكَٰفِرِينَ (250)
250. Markay u soo muuqdeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow! Nagu shub samir oo noo sug cagahayaga, oo guul naga sii qolodan gaalada ah.
Suuradda Al-Baqara 2:250
5

Cafis, naxariis iyo ilaalin

لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۚ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا ٱكْتَسَبَتْ ۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَآ إِن نَّسِينَآ أَوْ أَخْطَأْنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَآ إِصْرًۭا كَمَا حَمَلْتَهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِۦ ۖ وَٱعْفُ عَنَّا وَٱغْفِرْ لَنَا وَٱرْحَمْنَآ ۚ أَنتَ مَوْلَىٰنَا فَٱنصُرْنَا عَلَى ٱلْقَوْمِ ٱلْكَٰفِرِينَ (286)
286. Alle ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (denbi) kasabtay. Rabbigayow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbigayow! Ha na saarin culays sidaad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbigayow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur oo denbidhaaf, oo noo naxariiso [85]. Adigaa ah Gargaarahayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah [86].
Faallooyin hoose[85]. Wuxuu Alle swt ku soo gunaanuday Suuraddan u tilmaamidda addoomahiisa sida loo baryo iyo waxyaalo u fiican inay ka baryaan, siduu ugu barayba suuradda Faatixada sida loo ammaano oo looga dalbo hanuun. [86]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waa ay ku filan tahay qofkii akhirsta habeenkii labada Aayadood ee u dambeeya Suuradda Al- Baqarah ”. Waxaa la yidhi waxay ugu filan tahay dhowris iyo xafidid, ama ka kaafisaa Salaatu Leylka.
Suuradda Al-Baqara 2:286
6

Qalbiyo sugan

رَبَّنَا لَا تُزِغْ قُلُوبَنَا بَعْدَ إِذْ هَدَيْتَنَا وَهَبْ لَنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً ۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْوَهَّابُ (8)
8. Rabbigayow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay [3], noogana hibee xaggaaga Naxariis. Waxaad Adigu tahay Kan Deeq Bixinta Badane.
Faallooyin hoose[3]. Nabigu s.c.w. wuxuu wax badan ku duceysan jirey: 'Allow gedgeddiyaha quluubtow, ku sug qalbigeyga diintaada'.
Suuradda Aal-Cimraan 3:8
7

Iimaan iyo Maalinta Kulanka

رَبَّنَآ إِنَّكَ جَامِعُ ٱلنَّاسِ لِيَوْمٍۢ لَّا رَيْبَ فِيهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخْلِفُ ٱلْمِيعَادَ (9)
9. Rabbigayow! Adigaa isu soo kulmin dadka Maalin aan shaki lahayn (waa Qiyaamada); Alle ma ka baxo Ballankiisa.
Suuradda Aal-Cimraan 3:9
8

Dambi dhaaf iyo ka badbaadinta Naarta

ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ إِنَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ (16)
16. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Waanu rumeynay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, nagana dhowr cadaabka Naarta.
Suuradda Aal-Cimraan 3:16
9

Farac wanaagsan

هُنَالِكَ دَعَا زَكَرِيَّا رَبَّهُۥ ۖ قَالَ رَبِّ هَبْ لِى مِن لَّدُنكَ ذُرِّيَّةًۭ طَيِّبَةً ۖ إِنَّكَ سَمِيعُ ٱلدُّعَآءِ (38)
38. Halkaas buu Zakariya ku baryey Rabbigii, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga sii Xaggaaga ubad wanaagsan. Hubaal Waxaad tahay Maqlaha baryada.
Suuradda Aal-Cimraan 3:38
10

Iimaan iyo raacidda Rasuulka

رَبَّنَآ ءَامَنَّا بِمَآ أَنزَلْتَ وَٱتَّبَعْنَا ٱلرَّسُولَ فَٱكْتُبْنَا مَعَ ٱلشَّٰهِدِينَ (53)
53. Rabbigayow! Waxaanu rumeynay waxa aad soo dejisey oo Waxyi ah, oo raacnay Rasuulka, ee nagu qor (naga dhig) la jirka markhaatiyada (Alle ee kuu hoggaansan).
Suuradda Aal-Cimraan 3:53
11

Dambi dhaaf iyo adkaysi

وَمَا كَانَ قَوْلَهُمْ إِلَّآ أَن قَالُوا۟ رَبَّنَا ٱغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا وَإِسْرَافَنَا فِىٓ أَمْرِنَا وَثَبِّتْ أَقْدَامَنَا وَٱنصُرْنَا عَلَى ٱلْقَوْمِ ٱلْكَٰفِرِينَ (147)
147. Ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo dhaaf denbiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, noo sugna cagahayaga, noogana gargaar qoloda gaalada ah.
Suuradda Aal-Cimraan 3:147
12

Ka fikirka abuurka

ٱلَّذِينَ يَذْكُرُونَ ٱللَّهَ قِيَٰمًۭا وَقُعُودًۭا وَعَلَىٰ جُنُوبِهِمْ وَيَتَفَكَّرُونَ فِى خَلْقِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ رَبَّنَا مَا خَلَقْتَ هَٰذَا بَٰطِلًۭا سُبْحَٰنَكَ فَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ (191)
191. Kuwa xusa Alle joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, kana fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbigayow! Uma aadan abuurin waxakani baadil, Adigaa ka hufan (xumaan) oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabka Naarta.
Suuradda Aal-Cimraan 3:191
13

Ka badbaadinta Naarta

رَبَّنَآ إِنَّكَ مَن تُدْخِلِ ٱلنَّارَ فَقَدْ أَخْزَيْتَهُۥ ۖ وَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنْ أَنصَارٍۢ (192)
192. Rabbigayow! Qofkii aad geliso Naar, xaqiiq waa dulleysay, daalimiintuna ma leh (Aakhirada) gargaarayaal (iyo shafeecayaal midna).
Suuradda Aal-Cimraan 3:192
14

Iimaan, dambi dhaaf iyo dadka wanaagsan

رَّبَّنَآ إِنَّنَا سَمِعْنَا مُنَادِيًۭا يُنَادِى لِلْإِيمَٰنِ أَنْ ءَامِنُوا۟ بِرَبِّكُمْ فَـَٔامَنَّا ۚ رَبَّنَا فَٱغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا وَكَفِّرْ عَنَّا سَيِّـَٔاتِنَا وَتَوَفَّنَا مَعَ ٱلْأَبْرَارِ (193)
193. Rabbigayow! Waxaanu maqallay baaqe (Nabi Muxammad) ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbigayow! Ee noo dhaaf dunuubtayada,oo noo astur xumayaalkeenna, na oofsana la jirka baarriyiinta.
Suuradda Aal-Cimraan 3:193
15

Waxa lagu ballanqaaday rasuullada

رَبَّنَا وَءَاتِنَا مَا وَعَدتَّنَا عَلَىٰ رُسُلِكَ وَلَا تُخْزِنَا يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ ۗ إِنَّكَ لَا تُخْلِفُ ٱلْمِيعَادَ (194)
194. Rabbigayow! Na sii waxaad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide.
Suuradda Aal-Cimraan 3:194
16

Nagu qor markhaatiyaasha

وَإِذَا سَمِعُوا۟ مَآ أُنزِلَ إِلَى ٱلرَّسُولِ تَرَىٰٓ أَعْيُنَهُمْ تَفِيضُ مِنَ ٱلدَّمْعِ مِمَّا عَرَفُوا۟ مِنَ ٱلْحَقِّ ۖ يَقُولُونَ رَبَّنَآ ءَامَنَّا فَٱكْتُبْنَا مَعَ ٱلشَّٰهِدِينَ (83)
83. Markay maqlaan waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah Rasuulka, waxaad arki indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii.Waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Waan rumeynay; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca Xaqa.
Suuradda Al-Maa'ida 5:83
17

Toobadda Aadam iyo Xaawa

قَالَا رَبَّنَا ظَلَمْنَآ أَنفُسَنَا وَإِن لَّمْ تَغْفِرْ لَنَا وَتَرْحَمْنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلْخَٰسِرِينَ (23)
23. Waxay (Aadam iyo Xawwaa) yidhaahdeen: Rabbigayow! Waxaan dulminnay nafahayaga, haddaadan noo denbi dhaafin, oo aad noo Naxariisan, waxaan ahaaneynaa kuwo khasaaray.
Suuradda Al-Acraaf 7:23
18

Ka ilaalinta dulmiga

۞ وَإِذَا صُرِفَتْ أَبْصَٰرُهُمْ تِلْقَآءَ أَصْحَٰبِ ٱلنَّارِ قَالُوا۟ رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا مَعَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ (47)
47. Markase loo jeediyo indhahooda xagga ehlu Naarka, waxay odhan: Rabbigayow! Ha naga mid dhigin qoloda daalimiinta ah.
Suuradda Al-Acraaf 7:47
19

Xukun xaq ah

قَدِ ٱفْتَرَيْنَا عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا إِنْ عُدْنَا فِى مِلَّتِكُم بَعْدَ إِذْ نَجَّىٰنَا ٱللَّهُ مِنْهَا ۚ وَمَا يَكُونُ لَنَآ أَن نَّعُودَ فِيهَآ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّنَا ۚ وَسِعَ رَبُّنَا كُلَّ شَىْءٍ عِلْمًا ۚ عَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلْنَا ۚ رَبَّنَا ٱفْتَحْ بَيْنَنَا وَبَيْنَ قَوْمِنَا بِٱلْحَقِّ وَأَنتَ خَيْرُ ٱلْفَٰتِحِينَ (89)
89. Waxaan ka been sheegnay Alle haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Alle naga badbaadiyey. Nagumana habboona inaan u noqonno, inuu Alle, Rabbigayo doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi. Alle baanu tala saarannay; Rabbigayow! Noogu kala garsoor innaga iyo tolkayaga xaq, Adigaa u wanaagsan inta wax kala saarta.
Suuradda Al-Acraaf 7:89
20

Tawakal iyo ilaalin

فَقَالُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلْنَا رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا فِتْنَةًۭ لِّلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ (85)
85. Markaasay yidhaahdeen: Alle baan isku halleynaa oo tala saarannay. Rabbigayow! Ha nagu salladin qoloda daalimiinta ah.
وَنَجِّنَا بِرَحْمَتِكَ مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلْكَٰفِرِينَ (86)
86. Noogana badbaadi Naxariistaada qoloda gaalada ah.
Suuradda Yuunus 10:85-86
21

Nabadgelyada Makka iyo ka fogaanshaha sanam caabudidda

وَإِذْ قَالَ إِبْرَٰهِيمُ رَبِّ ٱجْعَلْ هَٰذَا ٱلْبَلَدَ ءَامِنًۭا وَٱجْنُبْنِى وَبَنِىَّ أَن نَّعْبُدَ ٱلْأَصْنَامَ (35)
35. (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, igana dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan caabudno sanammo.
Suuradda Ibraahiim 14:35
22

Oogidda salaadda iyo dambi dhaaf

رَبِّ ٱجْعَلْنِى مُقِيمَ ٱلصَّلَوٰةِ وَمِن ذُرِّيَّتِى ۚ رَبَّنَا وَتَقَبَّلْ دُعَآءِ (40)
40. Rabbiyow! Iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbigayow! Iga aqbal baryadayda (iyo cibaadeysigayga).
رَبَّنَا ٱغْفِرْ لِى وَلِوَٰلِدَىَّ وَلِلْمُؤْمِنِينَ يَوْمَ يَقُومُ ٱلْحِسَابُ (41)
41. Rabbigayow! Ii denbi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici Xisaabtu (Qiyaamadu).
Suuradda Ibraahiim 14:40-41
23

Gelid iyo ka bixid run ah

وَقُل رَّبِّ أَدْخِلْنِى مُدْخَلَ صِدْقٍۢ وَأَخْرِجْنِى مُخْرَجَ صِدْقٍۢ وَٱجْعَل لِّى مِن لَّدُنكَ سُلْطَٰنًۭا نَّصِيرًۭا (80)
80. Dheh: Rabbiyow! I gali meel gelitaan wanaagsan [32], ina bixi bixitaan wanaagsan. Igana sii Xaggaaga awood gargaar ah [33].
Faallooyin hoose[32]. Waa duco Alle laga baryo inuu qofku ku galo cibaadada kagana baxo niyad san oo dar Alle ah oo Alle u barax tiran istus la’aan ama wax fasaadiya ajarka. Aayaddani waxay muujineysaa hijradii Nabiga s.c.w. ee Madiina. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Waa duco Alle laga baryo in qofka qabriga la geeyo isagoo wanaagsan oo ka soo baxo sidoo kale isagoo wanaagsan Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu Nabigu s.c.w. ku duceystey ducadan markuu ka soo baxayey Makkah isagoo u haajiraya Madiina. [33]. Oo keliya toban sano kaddib hirjadii Nabiga s.c.w., waxaa Makkah laga sifeeyey sannmadii ku hareersanaa Kacbada.
Suuradda Al-Israa 17:80
24

Naxariis iyo hanuun toosan

إِذْ أَوَى ٱلْفِتْيَةُ إِلَى ٱلْكَهْفِ فَقَالُوا۟ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةًۭ وَهَيِّئْ لَنَا مِنْ أَمْرِنَا رَشَدًۭا (10)
10. Markay dhallinyardii u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow naga sii Xaggaaga Naxariis, noogana dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh.
Suuradda Al-Kahf 18:10
25

Dambi dhaaf iyo naxariis

إِنَّهُۥ كَانَ فَرِيقٌۭ مِّنْ عِبَادِى يَقُولُونَ رَبَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغْفِرْ لَنَا وَٱرْحَمْنَا وَأَنتَ خَيْرُ ٱلرَّٰحِمِينَ (109)
109. Waxaa xaqiiq jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbigayow! waan rumaynay (Xaqa) ee noo denbi dhaaf, noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”
Suuradda Al-Mu'minuun 23:109
26

Ducada dambi dhaaf iyo naxariis

وَقُل رَّبِّ ٱغْفِرْ وَٱرْحَمْ وَأَنتَ خَيْرُ ٱلرَّٰحِمِينَ (118)
118. Dheh: Rabbiyow! Denbi dhaaf oo Naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”
Suuradda Al-Mu'minuun 23:118
27

Xikmad iyo la jirka dadka wanaagsan

رَبِّ هَبْ لِى حُكْمًۭا وَأَلْحِقْنِى بِٱلصَّٰلِحِينَ (83)
83. Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan.
وَٱجْعَل لِّى لِسَانَ صِدْقٍۢ فِى ٱلْءَاخِرِينَ (84)
84. Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood.
وَٱجْعَلْنِى مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ (85)
85. Iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.
Suuradda Ash-Shucaraa 26:83-85
28

Qalbi nabdoon Maalinta Qiyaamaha

وَلَا تُخْزِنِى يَوْمَ يُبْعَثُونَ (87)
87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka - Maalinta Qiyaame).
يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالٌۭ وَلَا بَنُونَ (88)
88. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna.
إِلَّا مَنْ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلْبٍۢ سَلِيمٍۢ (89)
89. Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow [6].
Faallooyin hoose[6]. Qalbi ka fayow shirki, gaalnimo, munaafiqnimo, shaki, isla weyni, is cjabin, xasad, xin, xumaato, khiyaano,dhagar, iwm.
Suuradda Ash-Shucaraa 26:87-89
29

Ducada Ibraahim ee farac wanaagsan

رَبِّ هَبْ لِى مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ (100)
100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan.
Suuradda As-Saaffaat 37:100
30

Ducada Suleymaan ee dambi dhaaf iyo boqortooyo

قَالَ رَبِّ ٱغْفِرْ لِى وَهَبْ لِى مُلْكًۭا لَّا يَنۢبَغِى لِأَحَدٍۢ مِّنۢ بَعْدِىٓ ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْوَهَّابُ (35)
35. Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe.
Suuradda Saad 38:35
31

Naxariis, cilmi iyo dambi dhaaf

ٱلَّذِينَ يَحْمِلُونَ ٱلْعَرْشَ وَمَنْ حَوْلَهُۥ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيُؤْمِنُونَ بِهِۦ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ رَبَّنَا وَسِعْتَ كُلَّ شَىْءٍۢ رَّحْمَةًۭ وَعِلْمًۭا فَٱغْفِرْ لِلَّذِينَ تَابُوا۟ وَٱتَّبَعُوا۟ سَبِيلَكَ وَقِهِمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ (7)
7. Kuwa sida Carshiga iyo kuwa hareera jooga (ee Malaai'gta ah) waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, waxayna u denbi dhaaf dalbaan mu'miniinta (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo cilmi ee u denbi dhaaf kuwa tawbad keena oo raaca Jidkaaga, kana dhowr Cadaabta Naarta ololeysa.
Suuradda Ghaafir 40:7
32

Gelitaanka jannooyinka waara

رَبَّنَا وَأَدْخِلْهُمْ جَنَّٰتِ عَدْنٍ ٱلَّتِى وَعَدتَّهُمْ وَمَن صَلَحَ مِنْ ءَابَآئِهِمْ وَأَزْوَٰجِهِمْ وَذُرِّيَّٰتِهِمْ ۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ (8)
8. Rabbigayow! Gali kuwaasi Beeraha negaya (Jannada) ee aad u ballan qaadday, iyo kuwa wanaagsan oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Waxaad Adigu tahay (Allow) Adkaadaha Sarreeya, Xakiimka ah.
Suuradda Ghaafir 40:8
33

Ka ilaalinta cawaaqibta xun

وَقِهِمُ ٱلسَّيِّـَٔاتِ ۚ وَمَن تَقِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ يَوْمَئِذٍۢ فَقَدْ رَحِمْتَهُۥ ۚ وَذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ (9)
9. Oo ka dhowr xumo oo dhan, qofka aad ka dhowrto xumo Maalintaa, waad u naxariistay, taasina waa Liibaanta Weyn.
Suuradda Ghaafir 40:9
34

Shukri iyo farac wanaagsan

وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ إِحْسَٰنًا ۖ حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ كُرْهًۭا وَوَضَعَتْهُ كُرْهًۭا ۖ وَحَمْلُهُۥ وَفِصَٰلُهُۥ ثَلَٰثُونَ شَهْرًا ۚ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَبَلَغَ أَرْبَعِينَ سَنَةًۭ قَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِىٓ أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ ٱلَّتِىٓ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَىَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَٰلِحًۭا تَرْضَىٰهُ وَأَصْلِحْ لِى فِى ذُرِّيَّتِىٓ ۖ إِنِّى تُبْتُ إِلَيْكَ وَإِنِّى مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ (15)
15. Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu wanaajiyo oo daryeelo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer markuu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo (kan fiican): Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, Adigaan kuu tawbad keenaye, waxaana anigu ka mid ahay Muslimiinta.
Suuradda Al-Axqaaf 46:15
35

Dambi dhaaf mu'miniinta

وَٱلَّذِينَ جَآءُو مِنۢ بَعْدِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱغْفِرْ لَنَا وَلِإِخْوَٰنِنَا ٱلَّذِينَ سَبَقُونَا بِٱلْإِيمَٰنِ وَلَا تَجْعَلْ فِى قُلُوبِنَا غِلًّۭا لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ رَبَّنَآ إِنَّكَ رَءُوفٌۭ رَّحِيمٌ (10)
10. Kuwa yimaada (asxaabta Nabiga) kaddib waxay dhihi : Rabbigayow, Noo denbi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, hana u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeeyey. Rabbigayow! Waxaad tahay Turid Badane, Naxariis Badan.
Suuradda Al-Xashr 59:10
36

Tawakal iyo u noqosho

قَدْ كَانَتْ لَكُمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌۭ فِىٓ إِبْرَٰهِيمَ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ إِذْ قَالُوا۟ لِقَوْمِهِمْ إِنَّا بُرَءَٰٓؤُا۟ مِنكُمْ وَمِمَّا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ كَفَرْنَا بِكُمْ وَبَدَا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ ٱلْعَدَٰوَةُ وَٱلْبَغْضَآءُ أَبَدًا حَتَّىٰ تُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَحْدَهُۥٓ إِلَّا قَوْلَ إِبْرَٰهِيمَ لِأَبِيهِ لَأَسْتَغْفِرَنَّ لَكَ وَمَآ أَمْلِكُ لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍۢ ۖ رَّبَّنَا عَلَيْكَ تَوَكَّلْنَا وَإِلَيْكَ أَنَبْنَا وَإِلَيْكَ ٱلْمَصِيرُ (4)
4. Waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray [2], markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Innagu barii baan idinka nahay idinka iyo waxaad caabuddaan Alle sokadi, idin diidnay, oo cadaawad iyo naceyb baa ahaaday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Alle keliya - marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaan kuu baryayaa denbi dhaaf Alle [3], umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Alle horti. Rabbigayow! Adigaynu ku tala saarannaa, oo Xaggaaga u soo laabannaa, waana Xaggaaga noqodka dambe.
Faallooyin hoose[2]. Waxaa idiinku sugan tusaale fiican ee lagu daydo oo la raaco. [3]. Ma bannaana mu’miniinta inay u denbi dhaaf dalbaan gaalada hadday gaalnimo ku dhintaan. Eeg suuradda An-Nisaa Aayadda 48, iyo Suuradda At-Tawba Aayadaha 113-114.
Suuradda Al-Mumtaxana 60:4
37

Ka ilaalinta fitnada iyo dambi dhaaf

رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا فِتْنَةًۭ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَٱغْفِرْ لَنَا رَبَّنَآ ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ (5)
5. Rabbigayow! Ha nagu salladin gaalada, oo noo denbi dhaaf, Rabbigayow! Waa Adiga Adkaadaha, Xakiimka ah.
Suuradda Al-Mumtaxana 60:5
38

Noo dhammaystir nuurkayaga oo noo dambi dhaaf

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ تُوبُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ تَوْبَةًۭ نَّصُوحًا عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَن يُكَفِّرَ عَنكُمْ سَيِّـَٔاتِكُمْ وَيُدْخِلَكُمْ جَنَّٰتٍۢ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ يَوْمَ لَا يُخْزِى ٱللَّهُ ٱلنَّبِىَّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ ۖ نُورُهُمْ يَسْعَىٰ بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَٰنِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَتْمِمْ لَنَا نُورَنَا وَٱغْفِرْ لَنَآ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌۭ (8)
8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! U tawbad keena Alle tawbad san, si uu Rabbigiin idiinka tirtiro xumaatooyinkiinna, idiin geliyona Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Alle hoojineyn Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeeyey, Nuurkoodu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbigayow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo denbi dhaaf. Adigu wax walba waad Kartaaye.
Suuradda At-Taxriim 66:8
39

Ducada Yuunus

وَذَا ٱلنُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَٰضِبًۭا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَىٰ فِى ٱلظُّلُمَٰتِ أَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبْحَٰنَكَ إِنِّى كُنتُ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ (87)
87. (Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu tegay isagoo (u) cadheysan 'dadkii loo diray' [28], wuxuuna mooday inaanan cidhiidhyeyn 'aanu qabanayn' [29]! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda [30] 'isagoo leh': Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa ka hufan (xumaan), anigu waan gefay.
Faallooyin hoose[28]. Ka cadheysan gaalnimada iyo caasiyoobidda dadkiisa. [29]. Macne kale waa aan ku cidhiidhyi doonin (caloosha nibriga). [30]. Mugdiyadaas oo ah mugdiga habeenka, kan badda, iyo kan caloosha nibriga.
Suuradda Al-Anbiyaa 21:87
40

Ducada Ayuub

۞ وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَسَّنِىَ ٱلضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ (83)
83. (Xus) Ayyuub markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Waxaa I taabtay dhib (jirro iyo dad iyo duunyo beel), Adiguna waxaad tahay (Allow) Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”
Suuradda Al-Anbiyaa 21:83
41

Ducada Sakariye

وَزَكَرِيَّآ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥ رَبِّ لَا تَذَرْنِى فَرْدًۭا وَأَنتَ خَيْرُ ٱلْوَٰرِثِينَ (89)
89. (Xus) Zakariya, markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! Ha igu dhaafin keli ahaan, Adigaana u Kheyr roon cid wax dhaxasha (u hadha)”.
Suuradda Al-Anbiyaa 21:89

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash