Suuradda 66aad ee 114 · Madani

Suuradda At-Taxriim (Xaaraynta)

سُورَةُ التَّحۡرِيمِ
12 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَ ۖ تَبْتَغِى مَرْضَاتَ أَزْوَٰجِكَ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ
1. Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) wuxuu Alle kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
Xiriir 66:1
2
قَدْ فَرَضَ ٱللَّهُ لَكُمْ تَحِلَّةَ أَيْمَـٰنِكُمْ ۚ وَٱللَّهُ مَوْلَىٰكُمْ ۖ وَهُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ
2. Wuxuu Alle horeyba idiinku jideeyey dhaar furyo [1]. Alle waa gargaarahiin. Waa wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah.
Faallooyin hoose[1]. Inaad sameysaan kafaara gud:. Xagga kafaara gudka la bixinayo: eeg Suuradda 5: Aayadda 89
Xiriir 66:2
3
وَإِذْ أَسَرَّ ٱلنَّبِىُّ إِلَىٰ بَعْضِ أَزْوَٰجِهِۦ حَدِيثًۭا فَلَمَّا نَبَّأَتْ بِهِۦ وَأَظْهَرَهُ ٱللَّهُ عَلَيْهِ عَرَّفَ بَعْضَهُۥ وَأَعْرَضَ عَنۢ بَعْضٍۢ ۖ فَلَمَّا نَبَّأَهَا بِهِۦ قَالَتْ مَنْ أَنۢبَأَكَ هَـٰذَا ۖ قَالَ نَبَّأَنِىَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْخَبِيرُ
3. Markuu Nabigu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa [2], markayse u sheegaty mid kale [3] warkaa, Allena u soo bandhigay (Nabiga), wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay arrinkani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay (Allaah) Wax walba Ogsoonaha, Xog Ogaalka ah.
Faallooyin hoose[2]. Waa Xafsah a.k.r. [3]. Waa Caa'ishah a.k.r.
Xiriir 66:3
4
إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدْ صَغَتْ قُلُوبُكُمَا ۖ وَإِن تَظَـٰهَرَا عَلَيْهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوْلَىٰهُ وَجِبْرِيلُ وَصَـٰلِحُ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۖ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ بَعْدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ
4. Haddaad labadiinnu Alle u noqotaan (oo tawbad keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah.
Xiriir 66:4
5
عَسَىٰ رَبُّهُۥٓ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبْدِلَهُۥٓ أَزْوَٰجًا خَيْرًۭا مِّنكُنَّ مُسْلِمَـٰتٍۢ مُّؤْمِنَـٰتٍۢ قَـٰنِتَـٰتٍۢ تَـٰٓئِبَـٰتٍ عَـٰبِدَٰتٍۢ سَـٰٓئِحَـٰتٍۢ ثَيِّبَـٰتٍۢ وَأَبْكَارًۭا
5. Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah, mu’minooyin, daacad, soo noqosho iyo tawbad keen badan, caabidooyin, soomanooyin [4], leh garoobbo iyo gabdhaba bikrooyin ah.
Faallooyin hoose[4]. Saa’ixaat waxaa lagu fasiray soomanooyin. Waxaa sidoo kale lagu fasiray kuwa u socda khayrka iyo fidinta diinta Alle (Islaamka) iyo wanaagga iyo samo ka talinta.
Xiriir 66:5
6
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ قُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًۭا وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلْحِجَارَةُ عَلَيْهَا مَلَـٰٓئِكَةٌ غِلَاظٌۭ شِدَادٌۭ لَّا يَعْصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ
6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar lagu hurinaayo dad iyo dhagax, ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Alle wuxuu ku amraba, waxayna falaan wixii la amro.
Xiriir 66:6
7
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَا تَعْتَذِرُوا۟ ٱلْيَوْمَ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
7. Gaaloy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen.
Xiriir 66:7
8
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ تُوبُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ تَوْبَةًۭ نَّصُوحًا عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَن يُكَفِّرَ عَنكُمْ سَيِّـَٔاتِكُمْ وَيُدْخِلَكُمْ جَنَّـٰتٍۢ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ يَوْمَ لَا يُخْزِى ٱللَّهُ ٱلنَّبِىَّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ ۖ نُورُهُمْ يَسْعَىٰ بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَـٰنِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَتْمِمْ لَنَا نُورَنَا وَٱغْفِرْ لَنَآ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌۭ
8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! U tawbad keena Alle tawbad san, si uu Rabbigiin idiinka tirtiro xumaatooyinkiinna, idiin geliyona Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Alle hoojineyn Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeeyey, Nuurkoodu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbigayow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo denbi dhaaf. Adigu wax walba waad Kartaaye.
Xiriir 66:8
9
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ جَـٰهِدِ ٱلْكُفَّارَ وَٱلْمُنَـٰفِقِينَ وَٱغْلُظْ عَلَيْهِمْ ۚ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
9. Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta (nabad diidka ah), kuna adkow, hoygoodu waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado.
Xiriir 66:9
10
ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًۭا لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱمْرَأَتَ نُوحٍۢ وَٱمْرَأَتَ لُوطٍۢ ۖ كَانَتَا تَحْتَ عَبْدَيْنِ مِنْ عِبَادِنَا صَـٰلِحَيْنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمْ يُغْنِيَا عَنْهُمَا مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًۭٔا وَقِيلَ ٱدْخُلَا ٱلنَّارَ مَعَ ٱلدَّٰخِلِينَ
10. Alle wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda [5], marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Alle. Waxaana la yidhi: La gala Naarta kuwa gali.
Faallooyin hoose[5]. Xagga arrimaha diinta ee ma aha gogosha, iwm.
Xiriir 66:10
11
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًۭا لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱمْرَأَتَ فِرْعَوْنَ إِذْ قَالَتْ رَبِّ ٱبْنِ لِى عِندَكَ بَيْتًۭا فِى ٱلْجَنَّةِ وَنَجِّنِى مِن فِرْعَوْنَ وَعَمَلِهِۦ وَنَجِّنِى مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ
11. Wuxuuna Alle tusaale uga dhigay kuwa (Xaqa) rumeeyey, xaaskii Fircoon; markay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannada gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camal xumadiisa, igana samata bixi qoloda daalimiinta ah (gar diidka).
Xiriir 66:11
12
وَمَرْيَمَ ٱبْنَتَ عِمْرَٰنَ ٱلَّتِىٓ أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهِ مِن رُّوحِنَا وَصَدَّقَتْ بِكَلِمَـٰتِ رَبِّهَا وَكُتُبِهِۦ وَكَانَتْ مِنَ ٱلْقَـٰنِتِينَ
12. Iyo sidoo kale Maryam, gabadhii Cimraan, taasoo xafidday farjigeeda; waxaana ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda uu ka afuufay malag Jabriil), waxayna rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisa, kana mid aheyd kuwa Alle adeeca.
Xiriir 66:12

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash