Suuradda 86aad ee 114 · Makki

Suuradda At-Taariq (Xiddigta Habeenka)

سُورَةُ الطَّارِقِ
17 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
1. Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.
Xiriir 86:1
2
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ
2. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?
Xiriir 86:2
3
ٱلنَّجْمُ ٱلثَّاقِبُ
3. Waa xiddiggaa iftiinka badan.
Xiriir 86:3
4
إِن كُلُّ نَفْسٍۢ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌۭ
4. Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag).
Xiriir 86:4
5
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَـٰنُ مِمَّ خُلِقَ
5. Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray.
Xiriir 86:5
6
خُلِقَ مِن مَّآءٍۢ دَافِقٍۢ
6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.
Xiriir 86:6
7
يَخْرُجُ مِنۢ بَيْنِ ٱلصُّلْبِ وَٱلتَّرَآئِبِ
7. Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood,
Xiriir 86:7
8
إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجْعِهِۦ لَقَادِرٌۭ
8. Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib).
Xiriir 86:8
9
يَوْمَ تُبْلَى ٱلسَّرَآئِرُ
9. Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda).
Xiriir 86:9
10
فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٍۢ وَلَا نَاصِرٍۢ
10. Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna.
Xiriir 86:10
11
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجْعِ
11. Waxaan ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda.
Xiriir 86:11
12
وَٱلْأَرْضِ ذَاتِ ٱلصَّدْعِ
12. Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),
Xiriir 86:12
13
إِنَّهُۥ لَقَوْلٌۭ فَصْلٌۭ
13. Xaqiiq, kani (Qur'aanku) waa hadal cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka).
Xiriir 86:13
14
وَمَا هُوَ بِٱلْهَزْلِ
14. Oo ma aha dhayal (dheel).
Xiriir 86:14
15
إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًۭا
15. Xaqiiq (gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn.
Xiriir 86:15
16
وَأَكِيدُ كَيْدًۭا
16. Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe.
Xiriir 86:16
17
فَمَهِّلِ ٱلْكَـٰفِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًۢا
17. Ee u sug gaalada: Daa wax yar.
Xiriir 86:17

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash