Suuradda 112aad ee 114 · Makki
Suuradda Al-Ikhlaas (Daacadnimada)
سُورَةُ الإِخۡلَاصِ
Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
قُلْ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ
1. Dheh: Allaah waa Mid Keliya [1].
Faallooyin hoose
[1]. Axad ah aan wax shariig ah lahayn.
Xiriir
112:1
2
ٱللَّهُ ٱلصَّمَدُ
2. Allaah waa Sayidka Deeqtoon [2].
Faallooyin hoose
[2]. Ee ah ma baahdaha loo wada baahan yahay.
Xiriir
112:2
3
لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ
3. Ma dhalin [3], lamana dhalin [4].
Faallooyin hoose
[3]. Macnaha waa ma leh ilmo. [4]. Macnaha waa ma leh waalid - aabbe iyo hooyo iyo xaas midna.
Xiriir
112:3
4
وَلَمْ يَكُن لَّهُۥ كُفُوًا أَحَدٌۢ
4. Mana jiro axad u dhigma [5].
Faallooyin hoose
[5]. Alle oo la mid ah ama la barbar dhigo iyo cid wax la wadaagta midna.
Xiriir
112:4