Suuradda 111aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Masad (Xadhigga)

سُورَةُ المَسَدِ
5 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
تَبَّتْ يَدَآ أَبِى لَهَبٍۢ وَتَبَّ
1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab [1], hoogyeyna [2].
Faallooyin hoose[1]. Waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta. [2]. Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: "U dig xigaaladaada kuu dhow". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab….
Xiriir 111:1
2
مَآ أَغْنَىٰ عَنْهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ
2. Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday.
Xiriir 111:2
3
سَيَصْلَىٰ نَارًۭا ذَاتَ لَهَبٍۢ
3. Wuxuu geli oo ku guban Naar olol badan.
Xiriir 111:3
4
وَٱمْرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلْحَطَبِ
4. Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta, xinta iyo dirdirada badan),
Xiriir 111:4
5
فِى جِيدِهَا حَبْلٌۭ مِّن مَّسَدٍۭ
5. Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar) ah.
Xiriir 111:5

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash