Suuradda 107aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Maacuun (Kaalmada)

سُورَةُ المَاعُونِ
7 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ
1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).
Xiriir 107:1
2
فَذَٰلِكَ ٱلَّذِى يَدُعُّ ٱلْيَتِيمَ
2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan [1].
Faallooyin hoose[1]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka oo kafaala qaada, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey.
Xiriir 107:2
3
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka [2].
Faallooyin hoose[2]. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaad oo aan daaleyn iyo soomanaha aan afurin.
Xiriir 107:3
4
فَوَيْلٌۭ لِّلْمُصَلِّينَ
4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),
Xiriir 107:4
5
ٱلَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ
5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).
Xiriir 107:5
6
ٱلَّذِينَ هُمْ يُرَآءُونَ
6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.
Xiriir 107:6
7
وَيَمْنَعُونَ ٱلْمَاعُونَ
7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).
Xiriir 107:7

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash