Suuradda 97aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Qadr (Qadarka)

سُورَةُ القَدۡرِ
5 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
إِنَّآ أَنزَلْنَـٰهُ فِى لَيْلَةِ ٱلْقَدْرِ
1. Waxaanu xaqiiq soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qadarka.
Xiriir 97:1
2
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا لَيْلَةُ ٱلْقَدْرِ
2. Maxaa ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qadarku yahay?
Xiriir 97:2
3
لَيْلَةُ ٱلْقَدْرِ خَيْرٌۭ مِّنْ أَلْفِ شَهْرٍۢ
3. Habeenka Qadarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood [1].
Faallooyin hoose[1]. 83 sano iyo afar bilood, waa camalka iyo cibaadeysiga habeenkaa.
Xiriir 97:3
4
تَنَزَّلُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِم مِّن كُلِّ أَمْرٍۢ
4. Malaa’igta iyo Jabriil baa la soo dega (habeenkaa) Idanka Rabbigood arrin walba oo xukun ah,
Xiriir 97:4
5
سَلَـٰمٌ هِىَ حَتَّىٰ مَطْلَعِ ٱلْفَجْرِ
5. Nabad weeye (habeenkaa) ilaa waagu ka baryo [2].
Faallooyin hoose[2]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ka doondoona layaltul Qadarka tirooyinka is dheer ee tobanka habeenood ee u dambeeya Ramadaanka.
Xiriir 97:5

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash