Suuradda 68aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Qalam (Qalinka)

سُورَةُ القَلَمِ
52 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
نٓ ۚ وَٱلْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ
1. Nuun [1]. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.
Faallooyin hoose[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
Xiriir 68:1
2
مَآ أَنتَ بِنِعْمَةِ رَبِّكَ بِمَجْنُونٍۢ
2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.
Xiriir 68:2
3
وَإِنَّ لَكَ لَأَجْرًا غَيْرَ مَمْنُونٍۢ
3.Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.
Xiriir 68:3
4
وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍۢ
4. Waxaa xaqiiq kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad san oo sare.
Xiriir 68:4
5
فَسَتُبْصِرُ وَيُبْصِرُونَ
5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,
Xiriir 68:5
6
بِأَييِّكُمُ ٱلْمَفْتُونُ
6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo).
Xiriir 68:6
7
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ
7. Hubaal Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan.
Xiriir 68:7
8
فَلَا تُطِعِ ٱلْمُكَذِّبِينَ
8. Ee ha adeecin xaq beeniyayaasha.
Xiriir 68:8
9
وَدُّوا۟ لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ
9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan.
Xiriir 68:9
10
وَلَا تُطِعْ كُلَّ حَلَّافٍۢ مَّهِينٍ
10. Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn.
Xiriir 68:10
11
هَمَّازٍۢ مَّشَّآءٍۭ بِنَمِيمٍۢ
11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah).
Xiriir 68:11
12
مَّنَّاعٍۢ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan.
Xiriir 68:12
13
عُتُلٍّۭ بَعْدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ
13. macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn).
Xiriir 68:13
14
أَن كَانَ ذَا مَالٍۢ وَبَنِينَ
14. Haba lahaadee maal iyo wiilal.
Xiriir 68:14
15
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَـٰتُنَا قَالَ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
15. Kaasoo marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore.
Xiriir 68:15
16
سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلْخُرْطُومِ
16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa.
Xiriir 68:16
17
إِنَّا بَلَوْنَـٰهُمْ كَمَا بَلَوْنَآ أَصْحَـٰبَ ٱلْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا۟ لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ
17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaheeda aroorta hore.
Xiriir 68:17
18
وَلَا يَسْتَثْنُونَ
18. Iyagoon dhihin inshaa Allaah (dooneyna inay qayb u dhigaan saboolka).
Xiriir 68:18
19
فَطَافَ عَلَيْهَا طَآئِفٌۭ مِّن رَّبِّكَ وَهُمْ نَآئِمُونَ
19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen.
Xiriir 68:19
20
فَأَصْبَحَتْ كَٱلصَّرِيمِ
20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.
Xiriir 68:20
21
فَتَنَادَوْا۟ مُصْبِحِينَ
21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,
Xiriir 68:21
22
أَنِ ٱغْدُوا۟ عَلَىٰ حَرْثِكُمْ إِن كُنتُمْ صَـٰرِمِينَ
22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.
Xiriir 68:22
23
فَٱنطَلَقُوا۟ وَهُمْ يَتَخَـٰفَتُونَ
23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,
Xiriir 68:23
24
أَن لَّا يَدْخُلَنَّهَا ٱلْيَوْمَ عَلَيْكُم مِّسْكِينٌۭ
24. Inuusan qof miskiin ah u soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).
Xiriir 68:24
25
وَغَدَوْا۟ عَلَىٰ حَرْدٍۢ قَـٰدِرِينَ
25. Waxayna kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).
Xiriir 68:25
26
فَلَمَّا رَأَوْهَا قَالُوٓا۟ إِنَّا لَضَآلُّونَ
26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: xaqiiq waanu dhunnay.
Xiriir 68:26
27
بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ
27. Mayee, waa la ina hoojiyey .
Xiriir 68:27
28
قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ
28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) u tasbiixsada oo hufa?
Xiriir 68:28
29
قَالُوا۟ سُبْحَـٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَـٰلِمِينَ
29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Hubaal Waanu gefnay.
Xiriir 68:29
30
فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍۢ يَتَلَـٰوَمُونَ
30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.
Xiriir 68:30
31
قَالُوا۟ يَـٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَـٰغِينَ
31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.
Xiriir 68:31
32
عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبْدِلَنَا خَيْرًۭا مِّنْهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ
32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu xaqiiq khayr ka rajeyne.
Xiriir 68:32
33
كَذَٰلِكَ ٱلْعَذَابُ ۖ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ
33. Waa sidaas cadaabku. Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn. Hadday ogaan lahaayeen.
Xiriir 68:33
34
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ
34. Hubaal kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa Jannooyin barwaaqo ah.
Xiriir 68:34
35
أَفَنَجْعَلُ ٱلْمُسْلِمِينَ كَٱلْمُجْرِمِينَ
35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.
Xiriir 68:35
36
مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ
36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?
Xiriir 68:36
37
أَمْ لَكُمْ كِتَـٰبٌۭ فِيهِ تَدْرُسُونَ
37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan -
Xiriir 68:37
38
إِنَّ لَكُمْ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ
38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?
Xiriir 68:38
39
أَمْ لَكُمْ أَيْمَـٰنٌ عَلَيْنَا بَـٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۙ إِنَّ لَكُمْ لَمَا تَحْكُمُونَ
39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?
Xiriir 68:39
40
سَلْهُمْ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ
40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.
Xiriir 68:40
41
أَمْ لَهُمْ شُرَكَآءُ فَلْيَأْتُوا۟ بِشُرَكَآئِهِمْ إِن كَانُوا۟ صَـٰدِقِينَ
41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.
Xiriir 68:41
42
يَوْمَ يُكْشَفُ عَن سَاقٍۢ وَيُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ
42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo 'dhudhunka Alle' [2] oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).
Faallooyin hoose[2]. Dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada weyn, waa Maalinta Qiyaamaha.
Xiriir 68:42
43
خَـٰشِعَةً أَبْصَـٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌۭ ۖ وَقَدْ كَانُوا۟ يُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمْ سَـٰلِمُونَ
43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow 'mase yeelin'.
Xiriir 68:43
44
فَذَرْنِى وَمَن يُكَذِّبُ بِهَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ ۖ سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ
44. Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan fileyn.
Xiriir 68:44
45
وَأُمْلِى لَهُمْ ۚ إِنَّ كَيْدِى مَتِينٌ
45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag.
Xiriir 68:45
46
أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًۭا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍۢ مُّثْقَلُونَ
46. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?
Xiriir 68:46
47
أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ
47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?
Xiriir 68:47
48
فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلْحُوتِ إِذْ نَادَىٰ وَهُوَ مَكْظُومٌۭ
48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,
Xiriir 68:48
49
لَّوْلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعْمَةٌۭ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلْعَرَآءِ وَهُوَ مَذْمُومٌۭ
49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan.
Xiriir 68:49
50
فَٱجْتَبَـٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan.
Xiriir 68:50
51
وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَيُزْلِقُونَكَ بِأَبْصَـٰرِهِمْ لَمَّا سَمِعُوا۟ ٱلذِّكْرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجْنُونٌۭ
51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole.
Xiriir 68:51
52
وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكْرٌۭ لِّلْعَـٰلَمِينَ
52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan.
Xiriir 68:52

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash