Suuradda 64aad ee 114 · Madani
Suuradda At-Taghaabun (Khasaaraha)
سُورَةُ التَّغَابُنِ
Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۖ لَهُ ٱلْمُلْكُ وَلَهُ ٱلْحَمْدُ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌ
1. Waxaa Xurma weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle baana leh Boqortooyada (runta ah), oo leh Ammaan idilkeed iyo Mahad, oo wax walba Kara.
Xiriir
64:1
2
هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ فَمِنكُمْ كَافِرٌۭ وَمِنكُم مُّؤْمِنٌۭ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
2. Alle waa Kan idin abuuray, markaas qaarkiin noqdeen gaalo, qaarkiinna m’uminiin. Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.
Xiriir
64:2
3
خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ وَصَوَّرَكُمْ فَأَحْسَنَ صُوَرَكُمْ ۖ وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ
3. Wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, wuuna idin suureeyey oo wanaajiyey suuradahiinna, waana Xaggiisa Noqodka Dambe (Aakhirada).
Xiriir
64:3
4
يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ ۚ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
4. Wuxuu Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Wuxuuna Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba. Alle waa ogaha waxa ku jira laabaha (dadka).
Xiriir
64:4
5
أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَبَؤُا۟ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن قَبْلُ فَذَاقُوا۟ وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌۭ
5. Miyuusan idin soo gaadhin warka kuwii gaaloobay awal hore, waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan?
Xiriir
64:5
6
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُۥ كَانَت تَّأْتِيهِمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَقَالُوٓا۟ أَبَشَرٌۭ يَهْدُونَنَا فَكَفَرُوا۟ وَتَوَلَّوا۟ ۚ وَّٱسْتَغْنَى ٱللَّهُ ۚ وَٱللَّهُ غَنِىٌّ حَمِيدٌۭ
6. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma qof aadmi ah baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen oo ka jeesadeen (Xaqa). Alle uma baahna (cidna). Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.
Xiriir
64:6
7
زَعَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَن لَّن يُبْعَثُوا۟ ۚ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّى لَتُبْعَثُنَّ ثُمَّ لَتُنَبَّؤُنَّ بِمَا عَمِلْتُمْ ۚ وَذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌۭ
7. Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba laga soo bixinaynin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, waa la idin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi (oo la idinka jaazeyn) waxaad fasheen, (arrin)kaasina Alle wuu u fudud yahay.
Xiriir
64:7
8
فَـَٔامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱلنُّورِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلْنَا ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌۭ
8. Ee rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Alle waa ka war hayaa waxaad fashaan.
Xiriir
64:8
9
يَوْمَ يَجْمَعُكُمْ لِيَوْمِ ٱلْجَمْعِ ۖ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلتَّغَابُنِ ۗ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعْمَلْ صَـٰلِحًۭا يُكَفِّرْ عَنْهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُدْخِلْهُ جَنَّـٰتٍۢ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًۭا ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
9. Maalinta (Qiyaamada) uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka [1], taasu waa maalin kedo uu qof khayr heli (mu’minka) ama uu ku dhici khasaaro weyn (gaalka). Qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu (Alle) ka tiri denbiyadiisa oo gelin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn.
Faallooyin hoose
[1]. At-Taqaabun waa magac kale oo loo yaqaan Maalinta Qiyaamaha.
Xiriir
64:9
10
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَآ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
10. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Xumaa aayotiin ahaan iyo meel la ahaado.
Xiriir
64:10
11
مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۗ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ يَهْدِ قَلْبَهُۥ ۚ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌۭ
11. Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Alle. Qofkii rumeeya Alle, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa (oo xasila). Alle wax walba wuu Og yahay.
Xiriir
64:11
12
وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُوا۟ ٱلرَّسُولَ ۚ فَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَإِنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا ٱلْبَلَـٰغُ ٱلْمُبِينُ
12. Adeeca Allaah, adeecana Rasuulka, haddaadse jeesataan (Xaqa diiddaan), waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad.
Xiriir
64:12
13
ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ
13. Allaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Allaah (oo keliya) ha talo saarteen mu’miiniintu.
Xiriir
64:13
14
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّ مِنْ أَزْوَٰجِكُمْ وَأَوْلَـٰدِكُمْ عَدُوًّۭا لَّكُمْ فَٱحْذَرُوهُمْ ۚ وَإِن تَعْفُوا۟ وَتَصْفَحُوا۟ وَتَغْفِرُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌۭ رَّحِيمٌ
14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waxaa ka mid ah xaasaskiinna iyo ilmahiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddaadse iska cafidaan (gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb qarisaan, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Xiriir
64:14
15
إِنَّمَآ أَمْوَٰلُكُمْ وَأَوْلَـٰدُكُمْ فِتْنَةٌۭ ۚ وَٱللَّهُ عِندَهُۥٓ أَجْرٌ عَظِيمٌۭ
15. Maalkiinna iyo awlaadiinna waa uun imtixaan [2], Alle agtiisase waxaa ah abaalgud Weyn (Janno).
Faallooyin hoose
[2]. Waxay ku noqon karaan ilmuhu fidmo iyagoo ku xambaara waalidiinta inay falaan waxyaalaha la reebay ee xaaraanta ah .
Xiriir
64:15
16
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ مَا ٱسْتَطَعْتُمْ وَٱسْمَعُوا۟ وَأَطِيعُوا۟ وَأَنفِقُوا۟ خَيْرًۭا لِّأَنفُسِكُمْ ۗ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِۦ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ
16. Ee dhowra (amarrada) Alle intii karaankiinna ah [3]; oo maqla, adeecana, lana baxa sadaqo idinkay idiin roon tahaye. Qofkii laga dhowro bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa liibaani.
Faallooyin hoose
[3]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Markaan wax idin amro la imaada waxaad kartaan, markaanse wax idinka reebo ka reebtoonaada oo ka fogaada”.
Xiriir
64:16
17
إِن تُقْرِضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًۭا يُضَـٰعِفْهُ لَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۚ وَٱللَّهُ شَكُورٌ حَلِيمٌ
17. Haddaad amaahisaan Alle amaah wanaagsan [4], Wuu idiin labo laabayaa (ajarka) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Tixgeliye wanaagga, ajar siin iyo Dul qaad Badan.
Faallooyin hoose
[4]. Waa bixisaan sadaqo Alle darti ama deymisaan walaal Muslim ah deyn aan kor saar lahayn.
Xiriir
64:17
18
عَـٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
18. Waa Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha, Xakiimka ah.
Xiriir
64:18