Suuradda 29aad ee 114 · Makki

Suuradda Al-Cankabuut (Caarada)

سُورَةُ العَنكَبُوتِ
69 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
الٓمٓ
1. Alif Laam-Miim [1].
Faallooyin hoose[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1.
Xiriir 29:1
2
أَحَسِبَ ٱلنَّاسُ أَن يُتْرَكُوٓا۟ أَن يَقُولُوٓا۟ ءَامَنَّا وَهُمْ لَا يُفْتَنُونَ
2. Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waan rumeynay (Xaqa) iyagoo aan la imtixaameyn?
Xiriir 29:2
3
وَلَقَدْ فَتَنَّا ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۖ فَلَيَعْلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ صَدَقُوا۟ وَلَيَعْلَمَنَّ ٱلْكَـٰذِبِينَ
3. Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Alle wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), wuuna muujin beenlowyada.
Xiriir 29:3
4
أَمْ حَسِبَ ٱلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَسْبِقُونَا ۚ سَآءَ مَا يَحْكُمُونَ
4. Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaatooyinka [2] inay naga fakan karaan? Xumaa waxay xukumi.
Faallooyin hoose[2]. Shirkiga iyo xumaha kale sida dilka xaq darrada ah, zinada-dhilleysiga, xatooyada, kibirka, beenta, khiyaanada, xasadka, iwm.
Xiriir 29:4
5
مَن كَانَ يَرْجُوا۟ لِقَآءَ ٱللَّهِ فَإِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ لَـَٔاتٍۢ ۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
5. Qofkii rajeyn la kulanka Alle, hubaal ajasha uu Alle (qoray) way imaan (ee ha isu diyaariyo). Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
Xiriir 29:5
6
وَمَن جَـٰهَدَ فَإِنَّمَا يُجَـٰهِدُ لِنَفْسِهِۦٓ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِىٌّ عَنِ ٱلْعَـٰلَمِينَ
6. Qofkii dadaala, wuxuu u dadaalayaa naftiisa. Hubaal, Alle waa ka deeqtoon yahay uumanka.
Xiriir 29:6
7
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَنُكَفِّرَنَّ عَنْهُمْ سَيِّـَٔاتِهِمْ وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَحْسَنَ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
7. Kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu xaqiiq u asturi denbiyadooda, waxaana u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falayeen.
Xiriir 29:7
8
وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ حُسْنًۭا ۖ وَإِن جَـٰهَدَاكَ لِتُشْرِكَ بِى مَا لَيْسَ لَكَ بِهِۦ عِلْمٌۭ فَلَا تُطِعْهُمَآ ۚ إِلَىَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
8. Waxaan ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo oo baarri u ahaado labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) waxaad u heysan cilmi [3], ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, waxaana idiin sheegi (oo idinka abaal marin) waxaad camal fali jirteen (oo dhan).
Faallooyin hoose[3]. Waa aydaan wax xujo ah u heysan ilaahnimadooda. Ma jiraan wax cilmi ah oo loo heli karo waxaan jirin ama aan run ahayn.
Xiriir 29:8
9
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَنُدْخِلَنَّهُمْ فِى ٱلصَّـٰلِحِينَ
9. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, Waxaanu gelin iyaga la jirka suubbanayaasha (Jannada sare).
Xiriir 29:9
10
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ فَإِذَآ أُوذِىَ فِى ٱللَّهِ جَعَلَ فِتْنَةَ ٱلنَّاسِ كَعَذَابِ ٱللَّهِ وَلَئِن جَآءَ نَصْرٌۭ مِّن رَّبِّكَ لَيَقُولُنَّ إِنَّا كُنَّا مَعَكُمْ ۚ أَوَلَيْسَ ٱللَّهُ بِأَعْلَمَ بِمَا فِى صُدُورِ ٱلْعَـٰلَمِينَ
10. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeynay Alle, markiise lagu dhibaateeyo Alle darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Alle, hadduuna ka yimaado gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiinta) hubaal odhan: Waxaanu aheyn la jirkiin. Miyuusan Alle ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha (dadka).
Xiriir 29:10
11
وَلَيَعْلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَلَيَعْلَمَنَّ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ
11. Xaqiiq, Alle wuu muujin kuwa rumeeyey, wuuna muujin munaafiqiinta.
Xiriir 29:11
12
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّبِعُوا۟ سَبِيلَنَا وَلْنَحْمِلْ خَطَـٰيَـٰكُمْ وَمَا هُم بِحَـٰمِلِينَ مِنْ خَطَـٰيَـٰهُم مِّن شَىْءٍ ۖ إِنَّهُمْ لَكَـٰذِبُونَ
12. Kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeeyey: Soo raaca jidkayaga waxaan idinka qaadi denbiyadiinna [4]. Ma aha kuwo ka qaadi denbiyadooda waxba; xaqiiq, waa beenlawyo.
Faallooyin hoose[4]. Macnahu wuxuu sidoo kale noqon karaa: Markaa aan qaadnee denbiyadiinna, macnaha waa innagaa nala weydiin oo mas’uul ka ah denbiyadiinna.
Xiriir 29:12
13
وَلَيَحْمِلُنَّ أَثْقَالَهُمْ وَأَثْقَالًۭا مَّعَ أَثْقَالِهِمْ ۖ وَلَيُسْـَٔلُنَّ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ عَمَّا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ
13. Waxay qaadi culaysyadooda [5], iyo culaysyo kale oo la jira culaysyadooda, waxaana la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuuran jireen.
Faallooyin hoose[5]. Waxay qaadi doonaan denbiyadooda, ay u dheer yihiin denbiyada dadka ay lumiyeen, iyagoo kuwaasi dambe aan iyagana denbiga sidaa uusan kaga dhaceyn oo lagaga naaqusineyn.
Xiriir 29:13
14
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦ فَلَبِثَ فِيهِمْ أَلْفَ سَنَةٍ إِلَّا خَمْسِينَ عَامًۭا فَأَخَذَهُمُ ٱلطُّوفَانُ وَهُمْ ظَـٰلِمُونَ
14. Waxaanu dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, waxaana qaaday Duufaan iyagoo ah daalimiin.
Xiriir 29:14
15
فَأَنجَيْنَـٰهُ وَأَصْحَـٰبَ ٱلسَّفِينَةِ وَجَعَلْنَـٰهَآ ءَايَةًۭ لِّلْعَـٰلَمِينَ
15. Markaasaan badbaadinnay (Nuux) iyo kuwii kula jiray Doonnida, waxaana uga yeelnay calaamo [6] 'digniin' ummadaha.
Faallooyin hoose[6]. Waxaa loola jeedaa doonnida, ama dhacdadaasi weyn.
Xiriir 29:15
16
وَإِبْرَٰهِيمَ إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ ۖ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌۭ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
16. (Waxaana soo dirnay) Ibraahiim markuu ku lahaa qolodiisii: Caabuda Alle (Keliya) oo ka cabsada (iskana jira xuma falka), arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.
Xiriir 29:16
17
إِنَّمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوْثَـٰنًۭا وَتَخْلُقُونَ إِفْكًا ۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمْلِكُونَ لَكُمْ رِزْقًۭا فَٱبْتَغُوا۟ عِندَ ٱللَّهِ ٱلرِّزْقَ وَٱعْبُدُوهُ وَٱشْكُرُوا۟ لَهُۥٓ ۖ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
17. Waxaad uun caabuddaan asnaam halkii Alle, oo been abuur sameysaan. Kuwaad caabuddaan Alle sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Alle agtiis (oo keliya) oo caabuda Isagoo Keliya oo ku mahdiya. Xaggiisaa la idiin soo celin.
Xiriir 29:17
18
وَإِن تُكَذِّبُوا۟ فَقَدْ كَذَّبَ أُمَمٌۭ مِّن قَبْلِكُمْ ۖ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلْبَلَـٰغُ ٱلْمُبِينُ
18. Haddaad beenisaan (Xaqa), waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad 'ee Diinta Alle' [7].
Faallooyin hoose[7]. Mufasiriinta waxay isku khilaafeen Aayaddan inay tahay mid la socota hadalkii Nabi Ibraahiim, ama hadal uu Alle ku samirsiinayo oo ugu laab qaboojinayo Nabi Muxammad s.c.w., sidase ka muuqata hal dhaca hadalka waa inay u tahay samirsiin iyo laab qaboojin Nabi Muxammad s.c.w.
Xiriir 29:18
19
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ كَيْفَ يُبْدِئُ ٱللَّهُ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥٓ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌۭ
19. Miyeyna u fiirsan sida Alle u billaaba abuuridda (uunka), haddana u soo celin? Hubaal arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.
Xiriir 29:19
20
قُلْ سِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ بَدَأَ ٱلْخَلْقَ ۚ ثُمَّ ٱللَّهُ يُنشِئُ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْـَٔاخِرَةَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌۭ
20. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya sida (Alle) u billaabay uunka, haddana Alle u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Alle wax walba wuu Karaa.
Xiriir 29:20
21
يُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَيَرْحَمُ مَن يَشَآءُ ۖ وَإِلَيْهِ تُقْلَبُونَ
21. Wuxuu cadaabi qofkuu doono, oo u naxariisan qofkuu doono, Xaggiisaana la idiin celin.
Xiriir 29:21
22
وَمَآ أَنتُم بِمُعْجِزِينَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فِى ٱلسَّمَآءِ ۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِىٍّۢ وَلَا نَصِيرٍۢ
22. Idinku ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, mana lihidin Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
Xiriir 29:22
23
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَلِقَآئِهِۦٓ أُو۟لَـٰٓئِكَ يَئِسُوا۟ مِن رَّحْمَتِى وَأُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌۭ
23. Kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, waxaana kuwaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
Xiriir 29:23
24
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوا۟ ٱقْتُلُوهُ أَوْ حَرِّقُوهُ فَأَنجَىٰهُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلنَّارِ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍۢ لِّقَوْمٍۢ يُؤْمِنُونَ
24. Ma ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: 'Dila isaga ama guba'. Markaasuu Alle ka badbaadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.
Xiriir 29:24
25
وَقَالَ إِنَّمَا ٱتَّخَذْتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَوْثَـٰنًۭا مَّوَدَّةَ بَيْنِكُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ ثُمَّ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ يَكْفُرُ بَعْضُكُم بِبَعْضٍۢ وَيَلْعَنُ بَعْضُكُم بَعْضًۭا وَمَأْوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّـٰصِرِينَ
25. Wuxuu (Ibraahiim) ku yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) asnaam Alle sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dafiri qaarka kale, oo qaarkiin lacnadi qaarka kale, hoygiinnuna waa Naar, mana jiro wax idiin soo gargaari.
Xiriir 29:25
26
۞ فَـَٔامَنَ لَهُۥ لُوطٌۭ ۘ وَقَالَ إِنِّى مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّىٓ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
26. Waxaa rumeeyey Luud. Wuxuuna (Ibraahiim) yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, Alle waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
Xiriir 29:26
27
وَوَهَبْنَا لَهُۥٓ إِسْحَـٰقَ وَيَعْقُوبَ وَجَعَلْنَا فِى ذُرِّيَّتِهِ ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلْكِتَـٰبَ وَءَاتَيْنَـٰهُ أَجْرَهُۥ فِى ٱلدُّنْيَا ۖ وَإِنَّهُۥ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
27. Waxaanu u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub, oo waxaan ka yeelnay Nabinnimada iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, Waxaana ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, Aakhirana wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan.
Xiriir 29:27
28
وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦٓ إِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ ٱلْفَـٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنْ أَحَدٍۢ مِّنَ ٱلْعَـٰلَمِينَ
28. (Waxaan kaloo soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa qolodiisii: Waxaad la timaaddeen xumaan uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha.
Xiriir 29:28
29
أَئِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ ٱلرِّجَالَ وَتَقْطَعُونَ ٱلسَّبِيلَ وَتَأْتُونَ فِى نَادِيكُمُ ٱلْمُنكَرَ ۖ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوا۟ ٱئْتِنَا بِعَذَابِ ٱللَّهِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
29. Ma waxaad idinku u galmoonaysaan ragga, oo aad goynaysaan jidka [8], oo kula imaanaysaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Alle haddaad run sheegeyso.
Faallooyin hoose[8]. Idinkoo jidka gooya oo burcad ah oo u geysta dhac iyo boob socotada. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa gooya taranka u tegidiinna ragga darteed halkii dumarka, taasoo keeneysa tarmid la’aan dadka.
Xiriir 29:29
30
قَالَ رَبِّ ٱنصُرْنِى عَلَى ٱلْقَوْمِ ٱلْمُفْسِدِينَ
30. (Luud) wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan wax fasaadiya.
Xiriir 29:30
31
وَلَمَّا جَآءَتْ رُسُلُنَآ إِبْرَٰهِيمَ بِٱلْبُشْرَىٰ قَالُوٓا۟ إِنَّا مُهْلِكُوٓا۟ أَهْلِ هَـٰذِهِ ٱلْقَرْيَةِ ۖ إِنَّ أَهْلَهَا كَانُوا۟ ظَـٰلِمِينَ
31. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada [9] waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa daalimiin (gar ma qaatayaal).
Faallooyin hoose[9]. Waa dhalashada Isxaaq, iyo wiil wiilki Yacquub.
Xiriir 29:31
32
قَالَ إِنَّ فِيهَا لُوطًۭا ۚ قَالُوا۟ نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَن فِيهَا ۖ لَنُنَجِّيَنَّهُۥ وَأَهْلَهُۥٓ إِلَّا ٱمْرَأَتَهُۥ كَانَتْ مِنَ ٱلْغَـٰبِرِينَ
32. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaa ku sugan Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, waanu badbaadin (Luud) iyo ehelkiisaba - marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan mid ku harta gadaal 'cadaabka' [10].
Faallooyin hoose[10]. Waxaa lala cadaabay dadkeeda maadaama ay ku kaalmeyneysey xumahooda.
Xiriir 29:32
33
وَلَمَّآ أَن جَآءَتْ رُسُلُنَا لُوطًۭا سِىٓءَ بِهِمْ وَضَاقَ بِهِمْ ذَرْعًۭا وَقَالُوا۟ لَا تَخَفْ وَلَا تَحْزَنْ ۖ إِنَّا مُنَجُّوكَ وَأَهْلَكَ إِلَّا ٱمْرَأَتَكَ كَانَتْ مِنَ ٱلْغَـٰبِرِينَ
33. Markay Rusushayadii 'malaa’igta ahayd' u timid Luud wuu ka murugooday [11], oo cidhiidhi dareemay dartood; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan hana murugoon. Waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaaga- ba marka laga reebo marwadaada, waxay ahaan mid ka mid ah kuwaa ku hari gadaal.
Faallooyin hoose[11]. Eeg sharaxa Suuradda 11: Aayadda 77.
Xiriir 29:33
34
إِنَّا مُنزِلُونَ عَلَىٰٓ أَهْلِ هَـٰذِهِ ٱلْقَرْيَةِ رِجْزًۭا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ بِمَا كَانُوا۟ يَفْسُقُونَ
34. Waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga iman samada caasintooda darteed.
Xiriir 29:34
35
وَلَقَد تَّرَكْنَا مِنْهَآ ءَايَةًۢ بَيِّنَةًۭ لِّقَوْمٍۢ يَعْقِلُونَ
35. Waxaana uga tagnay halkaa calaamo cad (haraaga burburkii magaaladaa) ciddii garasho leh.
Xiriir 29:35
36
وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًۭا فَقَالَ يَـٰقَوْمِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱرْجُوا۟ ٱلْيَوْمَ ٱلْـَٔاخِرَ وَلَا تَعْثَوْا۟ فِى ٱلْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
36. Reer Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya oo (ku) rajeeya (cibaadadiinna abaal marinta) Maalinta Aakhiro, hana ku bi'innina arlada fasahaad.
Xiriir 29:36
37
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَتْهُمُ ٱلرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا۟ فِى دَارِهِمْ جَـٰثِمِينَ
37. Wayse beeniyeen, markaasaa waxaa qabtay dhul gariir daran (iyo qarax weyn), waxayna noqdeen kuwo (baqti) ah oo degaankooda daadsan.
Xiriir 29:37
38
وَعَادًۭا وَثَمُودَا۟ وَقَد تَّبَيَّنَ لَكُم مِّن مَّسَـٰكِنِهِمْ ۖ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ أَعْمَـٰلَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَكَانُوا۟ مُسْتَبْصِرِينَ
38.Oo (waxaan halaagnay) Caad iyo Thamuud. (Halaaggooduna) wuxuu idiinka muuqdaa guryahoodii. Wuxuu shaydaan u qurxiyey camalladoodii (xumaa) oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen dad il bax ah [12].
Faallooyin hoose[12]. Hadday waantoobayaan yacni waxay ahaayeen kuwo reer magaal ah leh aqoon hab agaasin ku dhisan oo loola jeedo in arrimaha adduunka baxaalligooda iyo salkooda la gaaro, si fiicanna dhulka loo camiro, oo saro dhaadheer loogaga dhiso, wax kastana maamul fiican loo sameeyo.
Xiriir 29:38
39
وَقَـٰرُونَ وَفِرْعَوْنَ وَهَـٰمَـٰنَ ۖ وَلَقَدْ جَآءَهُم مُّوسَىٰ بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَٱسْتَكْبَرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا كَانُوا۟ سَـٰبِقِينَ
39. Qaaruun, Fircoon iyo Haamaanna (waa la halaagay). Wuxuuna Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku kibreen arlada, mana aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabkayaga).
Xiriir 29:39
40
فَكُلًّا أَخَذْنَا بِذَنۢبِهِۦ ۖ فَمِنْهُم مَّنْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِ حَاصِبًۭا وَمِنْهُم مَّنْ أَخَذَتْهُ ٱلصَّيْحَةُ وَمِنْهُم مَّنْ خَسَفْنَا بِهِ ٱلْأَرْضَ وَمِنْهُم مَّنْ أَغْرَقْنَا ۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَـٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ
40. Mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay denbigiisa, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran [13], waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn [14], waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka [15]; waxaana ka mid ahaa kuwo aan harqinnay [16]. Mana aheyn Alle inuu dulmiyey, iyagaase nafahooda dulminayay.
Faallooyin hoose[13]. Oo dhagaxyo wadata sida qoonkii Luud. [14]. Sida Thamuud iyo qoonkii Shucayb. [15]. Sida Qaaruun. [16]. Qoonkii Nuux iyo Fircoon.
Xiriir 29:40
41
مَثَلُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوْلِيَآءَ كَمَثَلِ ٱلْعَنكَبُوتِ ٱتَّخَذَتْ بَيْتًۭا ۖ وَإِنَّ أَوْهَنَ ٱلْبُيُوتِ لَبَيْتُ ٱلْعَنكَبُوتِ ۖ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ
41. Tusaalaha kuwa sameysta awliyo (ay caabudaan) Alle sokadi waa sida tusaalaha caadho taasoo yeelatay guri, waxaana ugu liita guryaha, guriga caadhada; hadday og yihiin.
Xiriir 29:41
42
إِنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ مِن شَىْءٍۢ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
42. Hubaal, Alle wuu ogsoon yahay waxay baryaan Isaga sokadi. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
Xiriir 29:42
43
وَتِلْكَ ٱلْأَمْثَـٰلُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ ۖ وَمَا يَعْقِلُهَآ إِلَّا ٱلْعَـٰلِمُونَ
43. Tusaalooyinkan waxaan u soo gudbinnaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwa cilmiga leh.
Xiriir 29:43
44
خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةًۭ لِّلْمُؤْمِنِينَ
44. Alle wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta.
Xiriir 29:44
45
ٱتْلُ مَآ أُوحِىَ إِلَيْكَ مِنَ ٱلْكِتَـٰبِ وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ ۖ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ تَنْهَىٰ عَنِ ٱلْفَحْشَآءِ وَٱلْمُنكَرِ ۗ وَلَذِكْرُ ٱللَّهِ أَكْبَرُ ۗ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تَصْنَعُونَ
45. Akhri (Nabi Muxammadow) waxa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka), oogna salaadda. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo munkarka (falalka la naco). Xusidda Alle baa xaqiiq weyn. Alle wuu Og yahay waxaad sameyneysaan.
Xiriir 29:45
46
۞ وَلَا تُجَـٰدِلُوٓا۟ أَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ إِلَّا بِٱلَّتِى هِىَ أَحْسَنُ إِلَّا ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مِنْهُمْ ۖ وَقُولُوٓا۟ ءَامَنَّا بِٱلَّذِىٓ أُنزِلَ إِلَيْنَا وَأُنزِلَ إِلَيْكُمْ وَإِلَـٰهُنَا وَإِلَـٰهُكُمْ وَٰحِدٌۭ وَنَحْنُ لَهُۥ مُسْلِمُونَ
46. Ha la doodinina ehlu Kitaabka si wanaagsan maahee, marka laga reebo kuwooda dulmiga fala, dhahana: Waxaanu rumeysannahay waxa nalagu soo dejiyey iyo waxa la idinku soo dejiyey oo Waxyi ah; Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid Keliya, innaguna Isagaan u hoggaansannahay.
Xiriir 29:46
47
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ ۚ فَٱلَّذِينَ ءَاتَيْنَـٰهُمُ ٱلْكِتَـٰبَ يُؤْمِنُونَ بِهِۦ ۖ وَمِنْ هَـٰٓؤُلَآءِ مَن يُؤْمِنُ بِهِۦ ۚ وَمَا يَجْحَدُ بِـَٔايَـٰتِنَآ إِلَّا ٱلْكَـٰفِرُونَ
47. Sidaasaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka). Kuwa aanu siinnay Kitaabka (ee gartay) way rumeysan yihiin, kuwaana (Carabta iyo qeyrkoodba) waxaa ka mid ah kuwo rumeysan, mana diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada (macangagga ah).
Xiriir 29:47
48
وَمَا كُنتَ تَتْلُوا۟ مِن قَبْلِهِۦ مِن كِتَـٰبٍۢ وَلَا تَخُطُّهُۥ بِيَمِينِكَ ۖ إِذًۭا لَّٱرْتَابَ ٱلْمُبْطِلُونَ
48. Ma aadna akhriyin horti (Nabiyow) wax Kitaab ah, mana aad ku qorin gacantaada midig, markaas kuwa ehlu baadilka ahi way shakiyi lahaayeen.
Xiriir 29:48
49
بَلْ هُوَ ءَايَـٰتٌۢ بَيِّنَـٰتٌۭ فِى صُدُورِ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ ۚ وَمَا يَجْحَدُ بِـَٔايَـٰتِنَآ إِلَّا ٱلظَّـٰلِمُونَ
49. Waase Aayado cad cad Qur’aanku oo ku sugan laabaha kuwa la siiyey cilmiga. Ma diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
Xiriir 29:49
50
وَقَالُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَـٰتٌۭ مِّن رَّبِّهِۦ ۖ قُلْ إِنَّمَا ٱلْـَٔايَـٰتُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٌۭ مُّبِينٌ
50. Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin (mucjisooyin) loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa uun xagga Alle, aniguse waxaan uun ahay dige cad.
Xiriir 29:50
51
أَوَلَمْ يَكْفِهِمْ أَنَّآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَرَحْمَةًۭ وَذِكْرَىٰ لِقَوْمٍۢ يُؤْمِنُونَ
51. Miyaanay ku fillayn inaan kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) loo akhriyo? Xaqiiq, arrinkani waxaa ugu sugan naxariis iyo waano ciddii rumayn.
Xiriir 29:51
52
قُلْ كَفَىٰ بِٱللَّهِ بَيْنِى وَبَيْنَكُمْ شَهِيدًۭا ۖ يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۗ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱلْبَـٰطِلِ وَكَفَرُوا۟ بِٱللَّهِ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ
52. Dheh: Alle baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo ku gaalooba Alle, waa kuwaa uun kuwa iyagu khasaari (ee ku dambeyn hoog iyo halaag).
Xiriir 29:52
53
وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِٱلْعَذَابِ ۚ وَلَوْلَآ أَجَلٌۭ مُّسَمًّۭى لَّجَآءَهُمُ ٱلْعَذَابُ وَلَيَأْتِيَنَّهُم بَغْتَةًۭ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
53. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Wuxuuna ugu iman kedis iyagoo aan dareemayn.
Xiriir 29:53
54
يَسْتَعْجِلُونَكَ بِٱلْعَذَابِ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةٌۢ بِٱلْكَـٰفِرِينَ
54. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada.
Xiriir 29:54
55
يَوْمَ يَغْشَىٰهُمُ ٱلْعَذَابُ مِن فَوْقِهِمْ وَمِن تَحْتِ أَرْجُلِهِمْ وَيَقُولُ ذُوقُوا۟ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
55. Maalinta marka cadaabka ka dabooli (gaalada) dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna Alle ku odhan: Dhadhamiya waxaad camal xun fali jirteen.
Xiriir 29:55
56
يَـٰعِبَادِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّ أَرْضِى وَٰسِعَةٌۭ فَإِيَّـٰىَ فَٱعْبُدُونِ
56. Addoomahayga (Xaqa) rumeeyow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda.
Xiriir 29:56
57
كُلُّ نَفْسٍۢ ذَآئِقَةُ ٱلْمَوْتِ ۖ ثُمَّ إِلَيْنَا تُرْجَعُونَ
57. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri. Xaggayagaana la idiin soo celin.
Xiriir 29:57
58
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَنُبَوِّئَنَّهُم مِّنَ ٱلْجَنَّةِ غُرَفًۭا تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ نِعْمَ أَجْرُ ٱلْعَـٰمِلِينَ
58. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxaanu ka siin hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya weligood, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fiican fasha.
Xiriir 29:58
59
ٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ
59. Ee ah kuwa samra oo Rabbigood ku kalsoon oo tala saarta.
Xiriir 29:59
60
وَكَأَيِّن مِّن دَآبَّةٍۢ لَّا تَحْمِلُ رِزْقَهَا ٱللَّهُ يَرْزُقُهَا وَإِيَّاكُمْ ۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
60. Badanaa noole dhul socod ah oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Alle baa arsaaqa iyo idinkaba. Alle Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
Xiriir 29:60
61
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ ۖ فَأَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ
61. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?
Xiriir 29:61
62
ٱللَّهُ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ وَيَقْدِرُ لَهُۥٓ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌۭ
62. Alle wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal, Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.
Xiriir 29:62
63
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّن نَّزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۭ فَأَحْيَا بِهِ ٱلْأَرْضَ مِنۢ بَعْدِ مَوْتِهَا لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ ۚ قُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْقِلُونَ
63. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah. Badankooduse wax ma gartaan.
Xiriir 29:63
64
وَمَا هَـٰذِهِ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَآ إِلَّا لَهْوٌۭ وَلَعِبٌۭ ۚ وَإِنَّ ٱلدَّارَ ٱلْـَٔاخِرَةَ لَهِىَ ٱلْحَيَوَانُ ۚ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ
64. Ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn madaddaalo iyo ciyaar. Oo hubaal Daarta dambeysa - taasi weeyaan nolosha dhabta ah (ee waarista), waase hadday og yihiin.
Xiriir 29:64
65
فَإِذَا رَكِبُوا۟ فِى ٱلْفُلْكِ دَعَوُا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمْ إِلَى ٱلْبَرِّ إِذَا هُمْ يُشْرِكُونَ
65. Markay koraan doonyaha, waxay baryaan Alle (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaasay u shariik yeelaan.
Xiriir 29:65
66
لِيَكْفُرُوا۟ بِمَآ ءَاتَيْنَـٰهُمْ وَلِيَتَمَتَّعُوا۟ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
66. Sidaasay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeysteen [17], wayse ogaan doonaan (cidhibteeda).
Faallooyin hoose[17]. Waxaa sidoo kale Aayadda loo fasiri karaa gooddin ahaan: “Ee ha ka abaal dhacaan waxa aanu siinnay oo ha iska raaxeystaan, wayse ogaan doonaan waxa ku dhaca.
Xiriir 29:66
67
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا جَعَلْنَا حَرَمًا ءَامِنًۭا وَيُتَخَطَّفُ ٱلنَّاسُ مِنْ حَوْلِهِمْ ۚ أَفَبِٱلْبَـٰطِلِ يُؤْمِنُونَ وَبِنِعْمَةِ ٱللَّهِ يَكْفُرُونَ
67. Miyeyna arkayn (gaaladii Quraysheed) inaanu yeellay (dejinnay) Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda [18]? Ee ma baadil (shirki) bay rumeyn, oo ku gaaloobi Nicmadda Alle (Towxiidka)?
Faallooyin hoose[18]. Macnaha waa in la dilo oo loo soo qaato qafaal ahaan.
Xiriir 29:67
68
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِٱلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُۥٓ ۚ أَلَيْسَ فِى جَهَنَّمَ مَثْوًۭى لِّلْكَـٰفِرِينَ
68. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle ama beeniya Xaqa markuu u yimid? Miyaanay ahayn Naarta hoyga gaalada?
Xiriir 29:68
69
وَٱلَّذِينَ جَـٰهَدُوا۟ فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبُلَنَا ۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَمَعَ ٱلْمُحْسِنِينَ
69. Kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga (diinta oo ku camal fala), waxaanu ku hanuunin Jidadkayaga (lagu nabad galo). Oo Alle wuxuu la jiraa sama falayaasha.
Xiriir 29:69

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash