Suuradda 61aad ee 114 · Madani

Suuradda As-Saff (Safka)

سُورَةُ الصَّفِّ
14 aayadood

Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
1. Waxaa xurmo weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
Xiriir 61:1
2
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفْعَلُونَ
2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaad u leedihiin (oo ugu baaqdaan dadka) wax aydaan falin?
Xiriir 61:2
3
كَبُرَ مَقْتًا عِندَ ٱللَّهِ أَن تَقُولُوا۟ مَا لَا تَفْعَلُونَ
3. Waa wax uu Alle neceb yahay inaad ku hadashaan (oo amartaan dadka) wax aydaan falin.
Xiriir 61:3
4
إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلَّذِينَ يُقَـٰتِلُونَ فِى سَبِيلِهِۦ صَفًّۭا كَأَنَّهُم بُنْيَـٰنٌۭ مَّرْصُوصٌۭ
4. Xaqiiq Alle wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa iyagoo saf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey.
Xiriir 61:4
5
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِۦ يَـٰقَوْمِ لِمَ تُؤْذُونَنِى وَقَد تَّعْلَمُونَ أَنِّى رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيْكُمْ ۖ فَلَمَّا زَاغُوٓا۟ أَزَاغَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمْ ۚ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْفَـٰسِقِينَ
5. (Xus, Nabi Muxammadow) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayow! Maxaad ii dhibeysaan idinkoo og inaan ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray? Markay (Xaqii) ka iisheen, ayuu Allena sii iilay quluubtooda [1]. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah.
Faallooyin hoose[1]. Sababta waxaa weeye waxay ka iisheen Xaqa oo diideen hanuunka, markaasuu Alle sii iilay quluubtooda oo ay ka sii fogaadeen Xaqa.
Xiriir 61:5
6
وَإِذْ قَالَ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ يَـٰبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ إِنِّى رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيْكُم مُّصَدِّقًۭا لِّمَا بَيْنَ يَدَىَّ مِنَ ٱلتَّوْرَىٰةِ وَمُبَشِّرًۢا بِرَسُولٍۢ يَأْتِى مِنۢ بَعْدِى ٱسْمُهُۥٓ أَحْمَدُ ۖ فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ قَالُوا۟ هَـٰذَا سِحْرٌۭ مُّبِينٌۭ
6. (Xus) markuu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iilow! Waxaan anigu ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray, rumeyn Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan gadaashay oo magaciisu yahay Axmad [2]. Markiise uu ula yimid Xujooyin cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.
Faallooyin hoose[2]. Axmad waa magac kale uu leeyahay Nabi Muxammad s.c.w.
Xiriir 61:6
7
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ وَهُوَ يُدْعَىٰٓ إِلَى ٱلْإِسْلَـٰمِ ۚ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
7. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle isagoo loogu yeedho Islaamka? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
Xiriir 61:7
8
يُرِيدُونَ لِيُطْفِـُٔوا۟ نُورَ ٱللَّهِ بِأَفْوَٰهِهِمْ وَٱللَّهُ مُتِمُّ نُورِهِۦ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْكَـٰفِرُونَ
8. Waxay doonayaan (gaaladu) inay Nuurka Alle (Xaqa) ku damiyaan afafkooda. Alle se waa taam yeeli Nuurkiisa haba naceen gaaladuye.
Xiriir 61:8
9
هُوَ ٱلَّذِىٓ أَرْسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلْهُدَىٰ وَدِينِ ٱلْحَقِّ لِيُظْهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْمُشْرِكُونَ
9. Waa Kan la soo diray Rasuulkiisa (Muxammad) hanuunka iyo diinta Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha (khilaafsan) oo dhan, haba naceen mushrikiintuye.
Xiriir 61:9
10
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ تِجَـٰرَةٍۢ تُنجِيكُم مِّنْ عَذَابٍ أَلِيمٍۢ
10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ma idin tusaa ganacsi idinka badbaadineysa cadaab xanuun badan.
Xiriir 61:10
11
تُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُجَـٰهِدُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمْوَٰلِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌۭ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
11. (Waa) inaad rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad) oo u jihaaddaan Jidka Alle idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna, sidaasaa idiin khayr badan haddaad og tihiiin.
Xiriir 61:11
12
يَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَيُدْخِلْكُمْ جَنَّـٰتٍۢ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ وَمَسَـٰكِنَ طَيِّبَةًۭ فِى جَنَّـٰتِ عَدْنٍۢ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
12. Wuxuu idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idin gelin Jannooyin ay webiyo hoos qul-qulaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal Beeraha negaya (ee Jannada), kaas baa ah Liibaanta Weyn.
Xiriir 61:12
13
وَأُخْرَىٰ تُحِبُّونَهَا ۖ نَصْرٌۭ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَتْحٌۭ قَرِيبٌۭ ۗ وَبَشِّرِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
13. Arrin kaloo aad jeceshihiinna (wuu idin siin) gargaar xag Alle ah iyo guul dhow. Ee u bishaaree mu’miniinta.
Xiriir 61:13
14
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ كُونُوٓا۟ أَنصَارَ ٱللَّهِ كَمَا قَالَ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ لِلْحَوَارِيِّـۧنَ مَنْ أَنصَارِىٓ إِلَى ٱللَّهِ ۖ قَالَ ٱلْحَوَارِيُّونَ نَحْنُ أَنصَارُ ٱللَّهِ ۖ فَـَٔامَنَت طَّآئِفَةٌۭ مِّنۢ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَكَفَرَت طَّآئِفَةٌۭ ۖ فَأَيَّدْنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ عَلَىٰ عَدُوِّهِمْ فَأَصْبَحُوا۟ ظَـٰهِرِينَ
14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u gargaara (diinta) Alle, siduu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (diinta) Alle? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (diinta) Alle, Markaasay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Waxaana taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey (oo ka adkaadeen) cadowgoodii, markaasay muuqdeen (oo ka taliyeen arlada).
Xiriir 61:14

Maalin kasta ku akhri oo dhageyso abka Niyat, oo leh waqtiyada salaadda, qiblada iyo meeshii aad gaartay oo kaydsan.

Hel Niyat bilaash