Suuradda 57aad ee 114 · Madani
Suuradda Al-Xadiid (Birta)
سُورَةُ الحَدِيدِ
Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
1. Waxaa xurmo weyneeya oo (ceeb iyo nuqsaan ka) hufa Alle Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada [1]. Waana Adkaadaha, Xikmadda Badan.
Faallooyin hoose
[1]. Iyagoo ammaana oo caddeeya inuu ka hufan yahay xumaan oo dhan oo uusan laheyn xaas, ilmo, iyo shariig.
Xiriir
57:1
2
لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ يُحْىِۦ وَيُمِيتُ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌ
2. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wax nooleeya oo dhinsiiya; Isagaana wax walba Kara.
Xiriir
57:2
3
هُوَ ٱلْأَوَّلُ وَٱلْـَٔاخِرُ وَٱلظَّـٰهِرُ وَٱلْبَاطِنُ ۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ
3. Waa Isaga (Alle) Kan horreeyey iyo Kan dambeyn, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada, Carshigiisa dushiisa) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Isagaana Wax walba Ogsoon.
Xiriir
57:3
4
هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍۢ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ ۚ يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا ۖ وَهُوَ مَعَكُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌۭ
4. Waa Isaga 'Alle' Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshigiisa. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Wuuna idinla jiraa meel aad joogtaanba [2]. Alle Wuu Arkaa waxaad fashaan.
Faallooyin hoose
[2]. Wuxuu idinkula jiraa Cilmigiisa – isagoo ka kor ah cirarka, ka baxsan oo soocan uunkiisa, sidaas oy tahay wuu idin arkaa oo maqlaa oo awood dhan idinku dul leeyahay.
Xiriir
57:4
5
لَّهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرْجَعُ ٱلْأُمُورُ
5. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Xagga Alle baa loo celiyaa umuuraha oo dhan.
Xiriir
57:5
6
يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ ۚ وَهُوَ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
6. Wuxuu Habeenka dhex gashaa maalinta, maalintana dhex gashaa habeenka (macnaha kala badiyaa), wuuna Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
Xiriir
57:6
7
ءَامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَأَنفِقُوا۟ مِمَّا جَعَلَكُم مُّسْتَخْلَفِينَ فِيهِ ۖ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنكُمْ وَأَنفَقُوا۟ لَهُمْ أَجْرٌۭ كَبِيرٌۭ
7. Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad) oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa); kuwaa idinka mid ah ee rumeeya (Alle) oo wax bixiya [3] waxay leeyihiin Abaalgud Weyn (Jamno).
Faallooyin hoose
[3]. Wax ku bixiya waxlaayaha raalli geliya Alle.
Xiriir
57:7
8
وَمَا لَكُمْ لَا تُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ ۙ وَٱلرَّسُولُ يَدْعُوكُمْ لِتُؤْمِنُوا۟ بِرَبِّكُمْ وَقَدْ أَخَذَ مِيثَـٰقَكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
8. Maxaad leedihiin oo aad la rumeyn weydeen Alle, isagoo Rasuulku (Nabi
Muxammad) idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, Isagoo idinka qaaday ballan adag, haddaad tihiin mu’miniin.
Xiriir
57:8
9
هُوَ ٱلَّذِى يُنَزِّلُ عَلَىٰ عَبْدِهِۦٓ ءَايَـٰتٍۭ بَيِّنَـٰتٍۢ لِّيُخْرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَـٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ ۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ بِكُمْ لَرَءُوفٌۭ رَّحِيمٌۭ
9. Waa Alle Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Hubaal Alle waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay.
Xiriir
57:9
10
وَمَا لَكُمْ أَلَّا تُنفِقُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ لَا يَسْتَوِى مِنكُم مَّنْ أَنفَقَ مِن قَبْلِ ٱلْفَتْحِ وَقَـٰتَلَ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَعْظَمُ دَرَجَةًۭ مِّنَ ٱلَّذِينَ أَنفَقُوا۟ مِنۢ بَعْدُ وَقَـٰتَلُوا۟ ۚ وَكُلًّۭا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلْحُسْنَىٰ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌۭ
10. Maxaad leedihiin oo aad wax ugu bixin weydeen Jidka Alle? Alle baana leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Ma sinna kuwiinna wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray (iyo kuwiinna sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray kaddib. Alle wuxuu u yaboohay (abaalgud) wanaagsan intaba. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
Xiriir
57:10
11
مَّن ذَا ٱلَّذِى يُقْرِضُ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًۭا فَيُضَـٰعِفَهُۥ لَهُۥ وَلَهُۥٓ أَجْرٌۭ كَرِيمٌۭ
11. Waa kuma kan amaahinaya Alle amaah wanaagsan [4], markaas uu u labolaabo (ajarka), wuxuuna siin abaalgud wanaagsan (Janno).
Faallooyin hoose
[4]. Sadaqo bixin ama deyn siin cid baahan kor saar la'aan.
Xiriir
57:11
12
يَوْمَ تَرَى ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتِ يَسْعَىٰ نُورُهُم بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَـٰنِهِم بُشْرَىٰكُمُ ٱلْيَوْمَ جَنَّـٰتٌۭ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
12. Maalinta aad arki mu’miniinta iyo mu’minooyinka - nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Jannooyin (Beero) ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda (weligood). (Arrin)kaasi waa Liibaanta Weyn.
Xiriir
57:12
13
يَوْمَ يَقُولُ ٱلْمُنَـٰفِقُونَ وَٱلْمُنَـٰفِقَـٰتُ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱنظُرُونَا نَقْتَبِسْ مِن نُّورِكُمْ قِيلَ ٱرْجِعُوا۟ وَرَآءَكُمْ فَٱلْتَمِسُوا۟ نُورًۭا فَضُرِبَ بَيْنَهُم بِسُورٍۢ لَّهُۥ بَابٌۢ بَاطِنُهُۥ فِيهِ ٱلرَّحْمَةُ وَظَـٰهِرُهُۥ مِن قِبَلِهِ ٱلْعَذَابُ
13. Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaa- fiqooyinka ku odhan doonaan mu’miniinta: Na suga oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna. Waxaa la odhan: Dib ugu noqda gadaashiinna [5]. Markaas dalba nuur. Markaas baa xannib la yeeli dhexdooda, derbi leh albaab. Gudahiisa yahay naxariis, xaggiisa debedda ahna cadaab.
Faallooyin hoose
[5]. U noqda halka laga helayey nuurka waa noloshii adduunka.
Xiriir
57:13
14
يُنَادُونَهُمْ أَلَمْ نَكُن مَّعَكُمْ ۖ قَالُوا۟ بَلَىٰ وَلَـٰكِنَّكُمْ فَتَنتُمْ أَنفُسَكُمْ وَتَرَبَّصْتُمْ وَٱرْتَبْتُمْ وَغَرَّتْكُمُ ٱلْأَمَانِىُّ حَتَّىٰ جَآءَ أَمْرُ ٱللَّهِ وَغَرَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ
14. Way u dhawaaqi (iyagoo leh): Sow ma aanan aheyn la jirkiinna? Waxay odhan: Haayoo, waxaadse balayseen nafahiinna [6], oo sugteen oo shakideen, waxaana idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Alle idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Alle.
Faallooyin hoose
[6]. Ku beleyseen munaafqinimo ama ku dhicitaan fidnooyinka.
Xiriir
57:14
15
فَٱلْيَوْمَ لَا يُؤْخَذُ مِنكُمْ فِدْيَةٌۭ وَلَا مِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۚ مَأْوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ ۖ هِىَ مَوْلَىٰكُمْ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
15. Maanta la idinkama aqbalo is furasho idinka (munaafiqiinta ah) iyo kuwa gaaloobay midna. Hoygiinnu waa Naarta, waa iyada mudankiinna, waana halka u xun meel la ahaado.
Xiriir
57:15
16
۞ أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَن تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ ٱللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ ٱلْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ مِن قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ ٱلْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ ۖ وَكَثِيرٌۭ مِّنْهُمْ فَـٰسِقُونَ
16. Miyaanan la joogin waqtigii quluubta kuwa (Xaqa) rumeeyey ay u khushuucaan Xuska Alle iyo waxa loo soo dejiyey oo Xaqa ah (Qur'aanka)? oo ayan la mid noqonin kuwii la siiyey Kitaabka awal hore (Yuhuudda iyo Nasaarada) oo muddadu ku dheeraatay sidaa darteed quluubtoodu noqdeen kuwo adag 'sida dhagax'? In badan oo ka mid ahna waa caasiyaal.
Xiriir
57:16
17
ٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يُحْىِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلْـَٔايَـٰتِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
17. Ogaada inuu Allaah siiyo nolol arlada dhimashadeeda kaddib [7]. Waan idiin caddeynay Aayadaha si aad u fahantaan.
Faallooyin hoose
[7]. In sidoo kale Allaah Subxaanahu watacaalaa uu nooleyn karo qalbiga kaddib markuu noqday mid adag oo hanuunin karo qof horey u lunsanaa.
Xiriir
57:17
18
إِنَّ ٱلْمُصَّدِّقِينَ وَٱلْمُصَّدِّقَـٰتِ وَأَقْرَضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًۭا يُضَـٰعَفُ لَهُمْ وَلَهُمْ أَجْرٌۭ كَرِيمٌۭ
18. Ragga iyo haweenka wax sadaqaysta ee amaahiya Alle amaah wanaagsan, waa loo labo-laabi (ajarka) waxayna xaqiiq leeyihiin Abaal gud Wanaagsan (Janno).
Xiriir
57:18
19
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦٓ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلصِّدِّيقُونَ ۖ وَٱلشُّهَدَآءُ عِندَ رَبِّهِمْ لَهُمْ أَجْرُهُمْ وَنُورُهُمْ ۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَآ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلْجَحِيمِ
19. Kuwa rumeeyey Allaah iyo Rusushiisa, Kuwaasu weeye run badnayaasha [8], shuhadaduna Rabbigood xaggiis waxay ka heli abaalgudkooda iyo nuurkooda. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.
Faallooyin hoose
[8]. Tafsiir kale oo sax ah waxaa weeye: Oo kuwaa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa kuwaas weeye run badnayaasha iyo markhaatiyada Rabbigood agtiis.
Xiriir
57:19
20
ٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا لَعِبٌۭ وَلَهْوٌۭ وَزِينَةٌۭ وَتَفَاخُرٌۢ بَيْنَكُمْ وَتَكَاثُرٌۭ فِى ٱلْأَمْوَٰلِ وَٱلْأَوْلَـٰدِ ۖ كَمَثَلِ غَيْثٍ أَعْجَبَ ٱلْكُفَّارَ نَبَاتُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصْفَرًّۭا ثُمَّ يَكُونُ حُطَـٰمًۭا ۖ وَفِى ٱلْـَٔاخِرَةِ عَذَابٌۭ شَدِيدٌۭ وَمَغْفِرَةٌۭ مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضْوَٰنٌۭ ۚ وَمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَآ إِلَّا مَتَـٰعُ ٱلْغُرُورِ
20. Ogaada inay nolosha adduunkan tahay cayaar, madaddaalo, isqurxin, isu faan dhexdiinna iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, waa sida roobka soo saara naqa, bixiddiisuna tahay mid farax gelisa beeroleyda; markaasna engaga oo aad arki isagoo doorsoomayoo caddaaday, markaas noqon xaabo burbur ah. Aakhirose (waxaa jira) cadaab daran ama denbi dhaaf xagga Alle iyo Raallinnimadiisa. Nolosha adduunyana ma aha waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.
Xiriir
57:20
21
سَابِقُوٓا۟ إِلَىٰ مَغْفِرَةٍۢ مِّن رَّبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا كَعَرْضِ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ أُعِدَّتْ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ ۚ ذَٰلِكَ فَضْلُ ٱللَّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَآءُ ۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلْفَضْلِ ٱلْعَظِيمِ
21. U degdega denbi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo Janno ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, loo diyaariyey kuwa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa. Kaasi waa Galladda Alle uu siiyo cidduu doono. Alle waa Kan leh Galladda Weyn.
Xiriir
57:21
22
مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍۢ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فِىٓ أَنفُسِكُمْ إِلَّا فِى كِتَـٰبٍۢ مِّن قَبْلِ أَن نَّبْرَأَهَآ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌۭ
22. Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaab [9], ka hor inta aanu keenin ifka. Hubaal, arrinkaasi waa wax u fudud Alle.
Faallooyin hoose
[9]. Looxa Maxfuudka.
Xiriir
57:22
23
لِّكَيْلَا تَأْسَوْا۟ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمْ وَلَا تَفْرَحُوا۟ بِمَآ ءَاتَىٰكُمْ ۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍۢ فَخُورٍ
23. Si aydaan uga murugoon wixii idin seega, uguna aydaan farax taraarin wuxuu idin siiyo. Alle ma jecla mid kastoo isla weyn, faan badan.
Xiriir
57:23
24
ٱلَّذِينَ يَبْخَلُونَ وَيَأْمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلْبُخْلِ ۗ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ
24. Kuwa ah bakhayllada - amrana dadka bakhaylnimo. Qofkii (Xaqa ka) jeesadana, hubaal Alle waa Hodanka Deeqtoon, Ammaanan.
Xiriir
57:24
25
لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِٱلْبَيِّنَـٰتِ وَأَنزَلْنَا مَعَهُمُ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْمِيزَانَ لِيَقُومَ ٱلنَّاسُ بِٱلْقِسْطِ ۖ وَأَنزَلْنَا ٱلْحَدِيدَ فِيهِ بَأْسٌۭ شَدِيدٌۭ وَمَنَـٰفِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعْلَمَ ٱللَّهُ مَن يَنصُرُهُۥ وَرُسُلَهُۥ بِٱلْغَيْبِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِىٌّ عَزِيزٌۭ
25. Waxaan dhab ahaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, lana soo dejinnay Kitaabka iyo Miisaanka (caddaaladda), si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Waxaana soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka [10], iyo inuu Alle muujiyo kan u gargaari (Diinta) iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.
Faallooyin hoose
[10]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: “Ogaada in Jannadu tahay seefaha hoostooda”.
Xiriir
57:25
26
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًۭا وَإِبْرَٰهِيمَ وَجَعَلْنَا فِى ذُرِّيَّتِهِمَا ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلْكِتَـٰبَ ۖ فَمِنْهُم مُّهْتَدٍۢ ۖ وَكَثِيرٌۭ مِّنْهُمْ فَـٰسِقُونَ
26. Waxaan dhab ahaan soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, waxaana ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, waxaa ka mid ah kuwo hanuunay, in badani oo ka mid ahina waa caasiyaal.
Xiriir
57:26
27
ثُمَّ قَفَّيْنَا عَلَىٰٓ ءَاثَـٰرِهِم بِرُسُلِنَا وَقَفَّيْنَا بِعِيسَى ٱبْنِ مَرْيَمَ وَءَاتَيْنَـٰهُ ٱلْإِنجِيلَ وَجَعَلْنَا فِى قُلُوبِ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ رَأْفَةًۭ وَرَحْمَةًۭ وَرَهْبَانِيَّةً ٱبْتَدَعُوهَا مَا كَتَبْنَـٰهَا عَلَيْهِمْ إِلَّا ٱبْتِغَآءَ رِضْوَٰنِ ٱللَّهِ فَمَا رَعَوْهَا حَقَّ رِعَايَتِهَا ۖ فَـَٔاتَيْنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنْهُمْ أَجْرَهُمْ ۖ وَكَثِيرٌۭ مِّنْهُمْ فَـٰسِقُونَ
27. Markaasaan raacinnay raadadkoodii Rusushayada, Waxaana raacinnay Ciise, wiilkii Maryam, oo siinnay Injiilka. Waxaana yeellay quluubta kuwii raacay isu danqasho iyo naxariis. Suufinnimadase 'adduun ka jeedsiga' [11] iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha Alle darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal.
Faallooyin hoose
[11]. Waa inayan xaas yeelan, oo iska caagaan, oo dhinac kaga baxaan dadka oo iska joogaan kaniisadda.
Xiriir
57:27
28
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَءَامِنُوا۟ بِرَسُولِهِۦ يُؤْتِكُمْ كِفْلَيْنِ مِن رَّحْمَتِهِۦ وَيَجْعَل لَّكُمْ نُورًۭا تَمْشُونَ بِهِۦ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ
28.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu (Alle) idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, idiinna yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Xiriir
57:28
29
لِّئَلَّا يَعْلَمَ أَهْلُ ٱلْكِتَـٰبِ أَلَّا يَقْدِرُونَ عَلَىٰ شَىْءٍۢ مِّن فَضْلِ ٱللَّهِ ۙ وَأَنَّ ٱلْفَضْلَ بِيَدِ ٱللَّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَآءُ ۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلْفَضْلِ ٱلْعَظِيمِ
29. Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan hayn waxna ka mid ah Galladda Alle, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Alle [12], wuxuu siiyaa cidduu doono. Alle waa Rabbiga leh Galladda Weyn.
Faallooyin hoose
[12]. Gacanta Alle : Alle kor ahaaye wuxuu ku caddeeyey Qur’aanka inuu leeyahay tilmaamo gaar ah sida maqal, arag, labo indhood, weji, labo gacmood, sacabbo, faro, labo lugood, cago, inuu qoslo, cadhoodo, wax jeclaado, wax naco, wax karho, iwm. Iyadoo taasi jirto buu iska fogeeyey inuu yahay mid ay suureysan karaan aadmiga, oo wax la mid ah ma jiraan waana Isaga Maqal Badanaha, arkidda Badan, sidaas oy tahay waa in loo qiro tilmaamaha u sheegtay Alle ama Rasuulkiisu uu sheegay inuu leeyahay.
Xiriir
57:29