Suuradda 41aad ee 114 · Makki
Suuradda Fussilat (Kuwa la Faahfaahiyay)
سُورَةُ فُصِّلَتۡ
Tarjumaadda macnayaasha: Abdullah Hasan Yaqoub, QuranEnc.com, nuqulka 1.0.26. Tarjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Quraanka. Quraanku laftiisu waa qoraalka Carabiga.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1
حمٓ
1. Xaa Miim [1].
Faallooyin hoose
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
Xiriir
41:1
2
تَنزِيلٌۭ مِّنَ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
2. Soo dejinta (Waxyigan) waa xagga (Alle) Naxariistaha, Naxariista Badan.
Xiriir
41:2
3
كِتَـٰبٌۭ فُصِّلَتْ ءَايَـٰتُهُۥ قُرْءَانًا عَرَبِيًّۭا لِّقَوْمٍۢ يَعْلَمُونَ
3. Waa Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah ciddii wax garan.
Xiriir
41:3
4
بَشِيرًۭا وَنَذِيرًۭا فَأَعْرَضَ أَكْثَرُهُمْ فَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ
4. Waa u bishaareeye (Qofkii rumeeya Towxiidka) iyo u dige (qofkii u shariig yeela Alle oo xuma fala), waase ka jeesadeen badankoodu, marka wax ma maqlaan.
Xiriir
41:4
5
وَقَالُوا۟ قُلُوبُنَا فِىٓ أَكِنَّةٍۢ مِّمَّا تَدْعُونَآ إِلَيْهِ وَفِىٓ ءَاذَانِنَا وَقْرٌۭ وَمِنۢ بَيْنِنَا وَبَيْنِكَ حِجَابٌۭ فَٱعْمَلْ إِنَّنَا عَـٰمِلُونَ
5. Waxay yidhaahdeen: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxaad noogu yeedhi (Islaamka), waxaana ah culeys dhegahayaga, daah baana xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falan [2].
Faallooyin hoose
[2]. U camal fasha diintiinna, innaguna waynu u camal fali.
Xiriir
41:5
6
قُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٌۭ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰٓ إِلَىَّ أَنَّمَآ إِلَـٰهُكُمْ إِلَـٰهٌۭ وَٰحِدٌۭ فَٱسْتَقِيمُوٓا۟ إِلَيْهِ وَٱسْتَغْفِرُوهُ ۗ وَوَيْلٌۭ لِّلْمُشْرِكِينَ
6. Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah keliya (Allaah aan wax shariig ah lahayn), ee raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, weydiistana denbi dhaaf, Hoogna waxaa leh Mushrikiinta.
Xiriir
41:6
7
ٱلَّذِينَ لَا يُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ كَـٰفِرُونَ
7. Kuwa aan (ka daahirin naftooda shirkiga, salaad tukan oo aan) bixin Zakada, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysnayn (iyo Janno iyo Naar).
Xiriir
41:7
8
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۢ
8. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay leeyihiin abaal gud aan go’eynin (Janno).
Xiriir
41:8
9
۞ قُلْ أَئِنَّكُمْ لَتَكْفُرُونَ بِٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْأَرْضَ فِى يَوْمَيْنِ وَتَجْعَلُونَ لَهُۥٓ أَندَادًۭا ۚ ذَٰلِكَ رَبُّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
9. Dheh: Ma waxaad ku gaaloobeysaan Kan (Allaah ee) ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeleysaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uumanka.
Xiriir
41:9
10
وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِىَ مِن فَوْقِهَا وَبَـٰرَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَآ أَقْوَٰتَهَا فِىٓ أَرْبَعَةِ أَيَّامٍۢ سَوَآءًۭ لِّلسَّآئِلِينَ
10. Wuxuu yeelay dhulka dhexdiisa buuro ka kor ah oo sugan, wuuna barakeeyey oo u qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood siman ciddii ku weydiisa 'uunka'.
Xiriir
41:10
11
ثُمَّ ٱسْتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ وَهِىَ دُخَانٌۭ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ ٱئْتِيَا طَوْعًا أَوْ كَرْهًۭا قَالَتَآ أَتَيْنَا طَآئِعِينَ
11. Kaddib Wuxuu u qasday xagga samada oo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arlada: "Ku ahaada samo iyo arlo Amarkayga) oggolaan ama khasab; waxay yidhaahdeen: Waxaanu nimid innagoo ku adeecsan.
Xiriir
41:11
12
فَقَضَىٰهُنَّ سَبْعَ سَمَـٰوَاتٍۢ فِى يَوْمَيْنِ وَأَوْحَىٰ فِى كُلِّ سَمَآءٍ أَمْرَهَا ۚ وَزَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنْيَا بِمَصَـٰبِيحَ وَحِفْظًۭا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْعَلِيمِ
12. Wuxuu ku dhammeystiray toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, wuxuuna u waxyooday samo waliba arrinkeeda. Waxaanu ku qurxinnay samada soke xiddigo, isla markaana xafid u ah [3]. Arrinkaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sarreeya, Wax kasta Ogsoon.
Faallooyin hoose
[3]. Waxaa lagaga dhowray shayaadiinta isku daya inay ka soo maqlaan war malaa’igta cirka jira oo waxaa lagu soo ganaa dambaaburo dab ah.
Xiriir
41:12
13
فَإِنْ أَعْرَضُوا۟ فَقُلْ أَنذَرْتُكُمْ صَـٰعِقَةًۭ مِّثْلَ صَـٰعِقَةِ عَادٍۢ وَثَمُودَ
13. Hadday ka jeesadaan (Xaqa), markaa dheh: Waxaan idiinka digay cadaab daran la mid ah cadaabkii ku dhacay (reer) Caad iyo Thamuud.
Xiriir
41:13
14
إِذْ جَآءَتْهُمُ ٱلرُّسُلُ مِنۢ بَيْنِ أَيْدِيهِمْ وَمِنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّا ٱللَّهَ ۖ قَالُوا۟ لَوْ شَآءَ رَبُّنَا لَأَنزَلَ مَلَـٰٓئِكَةًۭ فَإِنَّا بِمَآ أُرْسِلْتُم بِهِۦ كَـٰفِرُونَ
14. Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashooda [4] 'iyagoo ku leh': Ha caabudina cidaan ahayn Alle. Waxay yidhaahdeen: Hadduu Rabbigayo doono [5], wuxuu soo diri lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray waa ku gaalownay.
Faallooyin hoose
[4]. Waxa loola jeedaa hortooda iyo gadaashooda waxay uga yimaadeen dhinac kasta. [5]. Inuu soo diro Rusul.
Xiriir
41:14
15
فَأَمَّا عَادٌۭ فَٱسْتَكْبَرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ وَقَالُوا۟ مَنْ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةً ۖ أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِى خَلَقَهُمْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُمْ قُوَّةًۭ ۖ وَكَانُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا يَجْحَدُونَ
15. Ma Caad, waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo yidhaahdeen: Yaa naga xoog badan? Miyeyna arag in Alle ee abuuray uu ka xoog badan yahay? Waxayna ahaayeen kuwo Aayadahayaga diida.
Xiriir
41:15
16
فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًۭا صَرْصَرًۭا فِىٓ أَيَّامٍۢ نَّحِسَاتٍۢ لِّنُذِيقَهُمْ عَذَابَ ٱلْخِزْىِ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَخْزَىٰ ۖ وَهُمْ لَا يُنصَرُونَ
16. Markaasaan u dirnay dabeyl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan u dhadhansiinno cadaabka dulliga nolosha adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii dulli badan, loomana gargaaro.
Xiriir
41:16
17
وَأَمَّا ثَمُودُ فَهَدَيْنَـٰهُمْ فَٱسْتَحَبُّوا۟ ٱلْعَمَىٰ عَلَى ٱلْهُدَىٰ فَأَخَذَتْهُمْ صَـٰعِقَةُ ٱلْعَذَابِ ٱلْهُونِ بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
17. Ma Thamuud se, waxaan tusnay dhabbaha toosan (ee Islaamka), waxayse ka jeclaadeen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, markaasaa waxaa ku dhacay cadaab daran wax dulleysa waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).
Xiriir
41:17
18
وَنَجَّيْنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَكَانُوا۟ يَتَّقُونَ
18. Waxaana badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha) ka dhowrsaday.
Xiriir
41:18
19
وَيَوْمَ يُحْشَرُ أَعْدَآءُ ٱللَّهِ إِلَى ٱلنَّارِ فَهُمْ يُوزَعُونَ
19. (Xus, Nabiyow) Maalinta cadowyada Alle (gaalada) loo soo wada kulmin Naarta, iyagoo loo wado saf saf oo is cidhiidhyi.
Xiriir
41:19
20
حَتَّىٰٓ إِذَا مَا جَآءُوهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَـٰرُهُمْ وَجُلُودُهُم بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
20. Markay yimaadaan (Naarta oo dafiraan denbiyadooda), waxaa ku marag furi maqalkooda iyo araggooda iyo haraggooda waxay fali jireen.
Xiriir
41:20
21
وَقَالُوا۟ لِجُلُودِهِمْ لِمَ شَهِدتُّمْ عَلَيْنَا ۖ قَالُوٓا۟ أَنطَقَنَا ٱللَّهُ ٱلَّذِىٓ أَنطَقَ كُلَّ شَىْءٍۢ وَهُوَ خَلَقَكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍۢ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
21. Waxay ku odhan haraggooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Alle baa naga hadliyey ee ka hadliya wax walba, Isagaana idin abuuray kal horeba, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.
Xiriir
41:21
22
وَمَا كُنتُمْ تَسْتَتِرُونَ أَن يَشْهَدَ عَلَيْكُمْ سَمْعُكُمْ وَلَآ أَبْصَـٰرُكُمْ وَلَا جُلُودُكُمْ وَلَـٰكِن ظَنَنتُمْ أَنَّ ٱللَّهَ لَا يَعْلَمُ كَثِيرًۭا مِّمَّا تَعْمَلُونَ
22. Ma aydaan ahayn kuwo isku astura (ka cabsashada Alle oo dhowrsada) si aysan maqalkiinnu iyo araggiinnu iyo haragiinnu idiinku markhaati furin [6], waxaadse mooddeen inaanu Alle ogeyn in badan oo waxaad fashaan ah.
Faallooyin hoose
[6]. Ma dareensanayn in maqalkooda iyo araggooda iyo oogadooda ku marag furi doonaan waxay faleen oo dhan.
Xiriir
41:22
23
وَذَٰلِكُمْ ظَنُّكُمُ ٱلَّذِى ظَنَنتُم بِرَبِّكُمْ أَرْدَىٰكُمْ فَأَصْبَحْتُم مِّنَ ٱلْخَـٰسِرِينَ
23. Kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, marka waad khasaarteen.
Xiriir
41:23
24
فَإِن يَصْبِرُوا۟ فَٱلنَّارُ مَثْوًۭى لَّهُمْ ۖ وَإِن يَسْتَعْتِبُوا۟ فَمَا هُم مِّنَ ٱلْمُعْتَبِينَ
24. Marka hadday samri oo adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, haddayna dalbaan in loo cudur daaro, lagama aqbalo cudur daarasho.
Xiriir
41:24
25
۞ وَقَيَّضْنَا لَهُمْ قُرَنَآءَ فَزَيَّنُوا۟ لَهُم مَّا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَحَقَّ عَلَيْهِمُ ٱلْقَوْلُ فِىٓ أُمَمٍۢ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِم مِّنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ خَـٰسِرِينَ
25. Waxaana u yeellay (gaalada) saaxiibbo ku xidhiidha [7], markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda (oo denbiyo) ah [8], waxaana ku dhaboobay Qawlka (cadaabka) siduu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu yihiin kuwo khasaaraya.
Faallooyin hoose
[7]. Adduunkan gudahi ee ka mid ah jinka iyo dadka. [8]. Waxa hortood ah ee leh macmacaanno, barwaaqooyin, waxaana loola jeedaa waxa gadaashood ah hididdiilooyin been ah.
Xiriir
41:25
26
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَا تَسْمَعُوا۟ لِهَـٰذَا ٱلْقُرْءَانِ وَٱلْغَوْا۟ فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَغْلِبُونَ
26. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq waa intaasoo aad adkaataane [9].
Faallooyin hoose
[9]. Waxay arrintan uga dan lahaayeen inay dadka ka celiyaan dhageysiga ama fahmidda Qur’aanka
Xiriir
41:26
27
فَلَنُذِيقَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَذَابًۭا شَدِيدًۭا وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَسْوَأَ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
27. Waxaanu xaqiiq dhadhansiin kuwa gaalooba cadaab daran, waxaana xaqiiq u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen.
Xiriir
41:27
28
ذَٰلِكَ جَزَآءُ أَعْدَآءِ ٱللَّهِ ٱلنَّارُ ۖ لَهُمْ فِيهَا دَارُ ٱلْخُلْدِ ۖ جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا يَجْحَدُونَ
28. Kaasu waa abaalka cadawyada Alle (gaalada): Naar, ay ku leeyihiin daar lagu waaro, waa jazaha waxay Aayadahayaga beenin jireen darteed.
Xiriir
41:28
29
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ رَبَّنَآ أَرِنَا ٱلَّذَيْنِ أَضَلَّانَا مِنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ نَجْعَلْهُمَا تَحْتَ أَقْدَامِنَا لِيَكُونَا مِنَ ٱلْأَسْفَلِينَ
29. Kuwa gaalooba waxay odhan: Rabbigayow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan halka ugu hooseeysa 'Naarta' [10].
Faallooyin hoose
[10]. Halka u hooseysa dabaqyada Naarta. Ama macnaha waa si aan cagta u marinno oo ugu dul soconno aar goosi ahaan.
Xiriir
41:29
30
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسْتَقَـٰمُوا۟ تَتَنَزَّلُ عَلَيْهِمُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ أَلَّا تَخَافُوا۟ وَلَا تَحْزَنُوا۟ وَأَبْشِرُوا۟ بِٱلْجَنَّةِ ٱلَّتِى كُنتُمْ تُوعَدُونَ
30. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan (ee Islaamka) malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadooda iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, kuna bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay.
Xiriir
41:30
31
نَحْنُ أَوْلِيَآؤُكُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَفِى ٱلْـَٔاخِرَةِ ۖ وَلَكُمْ فِيهَا مَا تَشْتَهِىٓ أَنفُسُكُمْ وَلَكُمْ فِيهَا مَا تَدَّعُونَ
31. Annagaa ah gargaarayaashiin nolosha adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaadna leedihiin gudaheeda waxay nafahiinnu doonaan, oo waxaad leedihiin gudaheeda waxaad dalabtaan.
Xiriir
41:31
32
نُزُلًۭا مِّنْ غَفُورٍۢ رَّحِيمٍۢ
32. Waa martiqaad xagga (Alle) Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Xiriir
41:32
33
وَمَنْ أَحْسَنُ قَوْلًۭا مِّمَّن دَعَآ إِلَى ٱللَّهِ وَعَمِلَ صَـٰلِحًۭا وَقَالَ إِنَّنِى مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
33. Yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Alle, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta.
Xiriir
41:33
34
وَلَا تَسْتَوِى ٱلْحَسَنَةُ وَلَا ٱلسَّيِّئَةُ ۚ ٱدْفَعْ بِٱلَّتِى هِىَ أَحْسَنُ فَإِذَا ٱلَّذِى بَيْنَكَ وَبَيْنَهُۥ عَدَٰوَةٌۭ كَأَنَّهُۥ وَلِىٌّ حَمِيمٌۭ
34. Ma sinna samaanta iyo xumaantu, ku qaabil (xumaha) waxa wax u wanaagsan (cafis iyo masaamax iyo asxaan fal), markaas eeg! Kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqonayaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin.
Xiriir
41:34
35
وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٍۢ
35. Lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib weyn.
Xiriir
41:35
36
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ ٱلشَّيْطَـٰنِ نَزْغٌۭ فَٱسْتَعِذْ بِٱللَّهِ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
36. Hadduu ku waswaasiyo shaydaan waswaasin (kuugu yeedho xume fal iyo cadho) ka magan gal Alle. Hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
Xiriir
41:36
37
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِ ٱلَّيْلُ وَٱلنَّهَارُ وَٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ ۚ لَا تَسْجُدُوا۟ لِلشَّمْسِ وَلَا لِلْقَمَرِ وَٱسْجُدُوا۟ لِلَّهِ ٱلَّذِى خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمْ إِيَّاهُ تَعْبُدُونَ
37. Calaamooyinka (Alle ee muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Alle (Keliya) ee abuuray, haddaad Isaga uun caabudi [11].
Faallooyin hoose
[11]. Macnaha waa ha caabudina Alle idinkoo u maraya uumankiisa, e caabuda si toos ah Keligi idinkoo aan waxba la wadaajin cibaadada.
Xiriir
41:37
38
فَإِنِ ٱسْتَكْبَرُوا۟ فَٱلَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ يُسَبِّحُونَ لَهُۥ بِٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَهُمْ لَا يَسْـَٔمُونَ ۩
38. Hadday iska kibriyaan (cibaadada), kuwaa ah Rabbigaa agtiisa (malaa’igta) baa u tasbiixsada habeen iyo maalinba kamana daalaan (caabudiddiisa).
Xiriir
41:38
39
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِۦٓ أَنَّكَ تَرَى ٱلْأَرْضَ خَـٰشِعَةًۭ فَإِذَآ أَنزَلْنَا عَلَيْهَا ٱلْمَآءَ ٱهْتَزَّتْ وَرَبَتْ ۚ إِنَّ ٱلَّذِىٓ أَحْيَاهَا لَمُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰٓ ۚ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌ
39. Calaamooyinka Alle waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyo (roob) uu noolaado oo soo kor noqdo. Hubaal Kan (Allaah ee) nooleeya wuxuu nooleyn maytida. Hubaal wax walba wuu Karaa.
Xiriir
41:39
40
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُلْحِدُونَ فِىٓ ءَايَـٰتِنَا لَا يَخْفَوْنَ عَلَيْنَآ ۗ أَفَمَن يُلْقَىٰ فِى ٱلنَّارِ خَيْرٌ أَم مَّن يَأْتِىٓ ءَامِنًۭا يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ ٱعْمَلُوا۟ مَا شِئْتُمْ ۖ إِنَّهُۥ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
40. Kuwa iiliya Aayadahayaga [12] nagama qarsoona. Ma mid lagu tuuri Naarta baa khayr badan, mise mid Iman isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan 'Alle 'waxaad fashaan wuu arkaa.
Faallooyin hoose
[12]. Iyagoo u akhriyaya si leexsan ama u fasiraya si khaldan.
Xiriir
41:40
41
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِٱلذِّكْرِ لَمَّا جَآءَهُمْ ۖ وَإِنَّهُۥ لَكِتَـٰبٌ عَزِيزٌۭ
41. Hubaal kuwa ku gaalooba Waanada [13] (Qur’aanka) markuu u yimid 'waa laga jazayn' [14] oo (kani Qur’aanka) waa Kitaab sharaf weyn leh.
Faallooyin hoose
[13]. Kuwa diida xaqa ama door bida tafsiirka qalloocan Alle ma hanuuniyo. [14]. Hadalka inta ka go’an waa la iska garan karaa oo waxaa weeye: Waxay la kulmi doonaan ciqaab aan la suureysan karin.”
Xiriir
41:41
42
لَّا يَأْتِيهِ ٱلْبَـٰطِلُ مِنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَلَا مِنْ خَلْفِهِۦ ۖ تَنزِيلٌۭ مِّنْ حَكِيمٍ حَمِيدٍۢ
42. Baadil ugama yimaado hortiisa ama gadaashiisa [15]; waa Waxyi laga soo dejiyey xagga Xakiim, Ammaanan (Alle).
Faallooyin hoose
[15]. Aan isagoo kale la keeni karin, aan waxba looga qaadin in wax laga sheego, uuna yahay Kitaab uu Alle dhowray.
Xiriir
41:42
43
مَّا يُقَالُ لَكَ إِلَّا مَا قَدْ قِيلَ لِلرُّسُلِ مِن قَبْلِكَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغْفِرَةٍۢ وَذُو عِقَابٍ أَلِيمٍۢ
43. Waxba lagu odhan maayo (Nabi Muxammadow) aan aheyn wixii lagu yidhi Rusushii kaa horreysay. Hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Denbi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan.
Xiriir
41:43
44
وَلَوْ جَعَلْنَـٰهُ قُرْءَانًا أَعْجَمِيًّۭا لَّقَالُوا۟ لَوْلَا فُصِّلَتْ ءَايَـٰتُهُۥٓ ۖ ءَا۬عْجَمِىٌّۭ وَعَرَبِىٌّۭ ۗ قُلْ هُوَ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ هُدًۭى وَشِفَآءٌۭ ۖ وَٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ فِىٓ ءَاذَانِهِمْ وَقْرٌۭ وَهُوَ عَلَيْهِمْ عَمًى ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ يُنَادَوْنَ مِن مَّكَانٍۭ بَعِيدٍۢ
44. Haddaan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. Kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda, waana ka indha la' yihiin, kuwaa waxaa looga yeedhaa meel fog.
Xiriir
41:44
45
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَـٰبَ فَٱخْتُلِفَ فِيهِ ۗ وَلَوْلَا كَلِمَةٌۭ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ لَقُضِىَ بَيْنَهُمْ ۚ وَإِنَّهُمْ لَفِى شَكٍّۢ مِّنْهُ مُرِيبٍۢ
45. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay. Haddiina aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa (in dib loogu dhigo cadaabka) waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse ka qabaan (Qur’aanka) shaki walaac leh.
Xiriir
41:45
46
مَّنْ عَمِلَ صَـٰلِحًۭا فَلِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَنْ أَسَآءَ فَعَلَيْهَا ۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّـٰمٍۢ لِّلْعَبِيدِ
46. Qofkii sama fala naftiisay (dan) u tahay, kii xumaan falana isagay u daran tahay, Rabbigaa ma aha mid dulmiya addoomaha.
Xiriir
41:46
47
۞ إِلَيْهِ يُرَدُّ عِلْمُ ٱلسَّاعَةِ ۚ وَمَا تَخْرُجُ مِن ثَمَرَٰتٍۢ مِّنْ أَكْمَامِهَا وَمَا تَحْمِلُ مِنْ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلْمِهِۦ ۚ وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ أَيْنَ شُرَكَآءِى قَالُوٓا۟ ءَاذَنَّـٰكَ مَا مِنَّا مِن شَهِيدٍۢ
47. Xaggiisaa loo celiyaa cilmiga Saacadda 'Qiyaame' [16]. Kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, oo ma jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Maalinta markuu u yeedhi: Meeye kuwa aad ila wadaajiseen 'cibaadada' [17]? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiin naguma jiro mid ka markhaati kici (inay yihiin shariigyadaada).
Faallooyin hoose
[16]. Ma jiro axad ogsoon goorta ay dhici doonto Qiyaamaha aan ahayn Allaah. [17]. Asnaamta waxay ka dhigeen kuwo la shuruko ah ama la siman Alle.
Xiriir
41:47
48
وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَدْعُونَ مِن قَبْلُ ۖ وَظَنُّوا۟ مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٍۢ
48. Waxay waayi waxay horey ugu dhawaaqan jireen (oo ilaahyo been ah), waxayna yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan.
Xiriir
41:48
49
لَّا يَسْـَٔمُ ٱلْإِنسَـٰنُ مِن دُعَآءِ ٱلْخَيْرِ وَإِن مَّسَّهُ ٱلشَّرُّ فَيَـُٔوسٌۭ قَنُوطٌۭ
49. Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, hadduuse shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah.
Xiriir
41:49
50
وَلَئِنْ أَذَقْنَـٰهُ رَحْمَةًۭ مِّنَّا مِنۢ بَعْدِ ضَرَّآءَ مَسَّتْهُ لَيَقُولَنَّ هَـٰذَا لِى وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةًۭ وَلَئِن رُّجِعْتُ إِلَىٰ رَبِّىٓ إِنَّ لِى عِندَهُۥ لَلْحُسْنَىٰ ۚ فَلَنُنَبِّئَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِمَا عَمِلُوا۟ وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنْ عَذَابٍ غَلِيظٍۢ
50. Haddaan dhadhansiinno naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, wuxuu odhan: Kan anaa leh [18], mana filayo inay dhici Saacadda (Qiyaame), haddii la ii celiyona xagga Rabbigay, waxaan ka heli agtiisa wanaag. Waxaan u sheegi kuwa gaaloobay waxay faleen, waxaana dhadhansiin Cadaab Adag.
Faallooyin hoose
[18]. Macnaha waa waxaan ku helay xoogsigeyga, aqoonteyda, iyo wanaagga aan leeyahay, fadliga aan dheerahay dadka kale darteed, iwm.
Xiriir
41:50
51
وَإِذَآ أَنْعَمْنَا عَلَى ٱلْإِنسَـٰنِ أَعْرَضَ وَنَـَٔا بِجَانِبِهِۦ وَإِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ فَذُو دُعَآءٍ عَرِيضٍۢ
51. Markaan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, markuuse dhib taabto, wuu baryootan badan yahay.
Xiriir
41:51
52
قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِن كَانَ مِنْ عِندِ ٱللَّهِ ثُمَّ كَفَرْتُم بِهِۦ مَنْ أَضَلُّ مِمَّنْ هُوَ فِى شِقَاقٍۭ بَعِيدٍۢ
52. Dheh: Bal ka warrama hadduu ka yimid (Qur’aanka) xagga Alle, markaas aad ku gaalowdaan - yaa ka lunsanaan badan kan ku sugan gaalnimo iyo khilaaf fog.
Xiriir
41:52
53
سَنُرِيهِمْ ءَايَـٰتِنَا فِى ٱلْـَٔافَاقِ وَفِىٓ أَنفُسِهِمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ ٱلْحَقُّ ۗ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ شَهِيدٌ
53. Waxaan ka tusi doonnaa Calaamooyin- kayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Miyuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay marag.
Xiriir
41:53
54
أَلَآ إِنَّهُمْ فِى مِرْيَةٍۢ مِّن لِّقَآءِ رَبِّهِمْ ۗ أَلَآ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَىْءٍۢ مُّحِيطٌۢ
54. Ogaada, hubaal, Waxay (gaaladu) ka shaki qabaan la kulanka Rabbigood, ogaada, hubaal, (Alle) wuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay.
Xiriir
41:54